Ce diaporama a bien été signalé.
Le téléchargement de votre SlideShare est en cours. ×

Presentazione standard1

Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Publicité
Prochain SlideShare
Waa Maxay Jadeecadu ?
Waa Maxay Jadeecadu ?
Chargement dans…3
×

Consultez-les par la suite

1 sur 60 Publicité
Publicité

Plus De Contenu Connexe

Similaire à Presentazione standard1 (20)

Publicité

Plus récents (20)

Presentazione standard1

  1. 1. DOTT.ABUUKAR NUUR XUSEYN TAKHTARKA CUDURRADA CARUURTA DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALLAANKA
  2. 2. Waxaa qoray: Dott.Abuukar Nuur Xuseyn Crema (CR) Italy. Tafatire (saxe): Prof. Cabdulqaadir Ruumi Kormeeraha adeegyada hay'adda Caafimaadka qaranka ee Birmingham England. Waxaa soo Bandhigay: Dott.Abuukar Nuur Xuseyn. Prof. Cabdulqaadir Ruumi.
  3. 3. DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALLAANKA DOTT.ABUUKAR NUUR XUSEYN TAKHTARKA CUDURRADA CARUURTA BUUGGA DHIIRIGILINTA IYO JOOGTEENTA NAAS-NUUJINTA Every child comes with the message that God is not yet discouraged of man” DAABACAADDA 2aad
  4. 4. Daryeelka caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka Dott. Abuukar Nuur Xuseyn Takhtarka cudurrada caruuurta. BUUGGA DHIIRIGILINTA IYO JOOGTEENTA NAAS-NUUJINTA “Every child comes with the message that God is not yet discouraged of man” DAABACAADDA 2aad
  5. 5. Naas-Nuujinta waa xuquuqda ugu horeeyso uu cunugga leeyahay, waxaana waajib hooyada ku ah hadii ay naasaheedu caana leeyihiin inay cunugga naaska nuujiso sida ugu dhaqsida badan dhalidda ka dib. Hooyadu waa inay ogaataa in caanaha naasku ay yihiin cuntada ugu wanaagsan, ugu caafimaadka badan uguna nafaqada badan oo ay siin karto cunugga markuu dhasho. Ma jiraan caana kale oo lala barbar dhigi karo caanaha naaska hooyada. Faa'iidooyinka badan ay Naas-Nuujinta leedahay waxaa xusuus mudan xiriirka gacaltooyada ka dhex abuuranto hooyada iyo cunugga iyo jeermidilayaasha caanaha naaska hooyada laga helo, kuwaas oo cunugga dhalaanka ka difaacaya cudurro badan.
  6. 6. 1. Have a written breastfeeding policy that is routinely communicated to all health care staff. 2. Train all health care staff in skills necessary to implement this policy. 3. Inform all pregnant women about the benefits andmanagement of breastfeeding. 4. Help mothers initiate breastfeeding within a half-hour of birth. 5. Show mothers how to breastfeed, and how to maintain lactation even if they should be separated from their infants. 6. Give newborn infants no food or drink other than breastmilk, unless medically indicated. 7. Practice rooming-in -- allow mothers and infants to remain together -- 24 hours a day. 8. Encourage breastfeeding on demand. 9. Give no artificial teats or pacifiers (also called dummies or soothers) to breastfeeding infants. 10.Foster the establishment of breastfeeding support groups and refer mothers to them on discharge from the hospital or clinic.
  7. 7. The “Ten Steps to Successful Breastfeeding” are the foundation of the WHO/UNICEF BabyFriendly Hospital Initiative (BFHI). They summarize the maternity practices necessary to support breastfeeding. The purpose of this document is to review the evidence for the efficacy of the ‘Ten Steps’, and to provide a tool for both advocacy and education. It is hoped that policies and practices in future will be based on research rather than on conjecture and custom (Inch & Garforth, 1989).
  8. 8. A non-breastfed child is 14 times more likely to die in the first six monthsthan an exclusively breastfed child, according to The Lancet. Breast milk gives a baby everything they need and costs only what it takes to feed the mother. "In summary, WHO recommends exclusive breastfeeding for the first six months of an infant's life. Thereafter, local, nutritious foods should be introduced, while breastfeeding continues for up to two years or beyond. Followup formula is therefore unnecessary. In addition, follow-up formula is not a suitable substitute for breast milk, due to its content."
  9. 9. Breastfeeding: Impact on child survival and global situation: Optimal breastfeeding of infants under two years of age has the greatest potential impact on child survival of all preventive interventions, with the potential to prevent 1.4 million deaths in children under five in the developing world (Lancet 2008). The results of a study conducted in Ghana show that breastfeeding babies within the first hour of birth can prevent 22 per cent of neonatal deaths. Breastfed children have at least six times greater chance of survival in the early months than non-breastfed children. Breastfeeding drastically reduces deaths from acute respiratory infection and diarrhoea, two major child killers, as well as from other infectious diseases (WHO-Lancet 2000). The potential impact of optimal breastfeeding practices is especially important in developing country situations with a high burden of disease and low access to clean water and sanitation. But non-breastfed children in industrialized countries are also at greater risk of dying - a recent study of post-neonatal mortality in the United States found a 25% increase in mortality among non-breastfed infants. In the UK Millennium Cohort Survey, six months of exclusive breast feeding was associated with a 53% decrease in hospital admissions for diarrhoea and a 27% decrease in respiratory tract infections. While breastfeeding rates are no longer declining at the global level, with many countries experiencing significant increases in the last decade, only 38 per cent of children less than six months of age in the developing world are exclusively breastfed and just 39 per cent of 20-23 month olds benefit from the practice of continued breastfeeding. (The World Health Organization and UNICEF)
  10. 10. Map: Percentage of children <six months old exclusively breastfed (2000-2006) Recommendations for optimal breastfeeding: The World Health Organization and UNICEF recommendations on breastfeeding are as follows: initiation of breastfeeding within the first hour after the birth; exclusive breastfeeding for the first six months; and continued breastfeeding for two years or more, together with safe, nutritionally adequate, age appropriate, responsive complementary feeding starting in the sixth month.
  11. 11. Isbedelka ku yimid adeegsiga Naas-Nuujinta: Naas-Nuujintu waxay ahayd waayihii hore mid aad looga isticmaalo Dalka Soomaaliya. Inkasto aysan jirin tirakoob sax ah haddana waxaan qiyaasi karna in sanadihii ugu dambeeyay ee 1970-1990 ay soo if baxday in adeegsiga naas-nuujinta uu hoos u dhac ku yimid Dalka Soomaaliya. Isbedelka ku yimid adeegsiga naas-nuujinta waxaa guud ahaan u sabab ahaa arimaha soo socda: Isticmaalka Caanaha sanaaciga ah (caano Booro) ee waayihii dambe ku soo batay Dalka Soomaaliya. War-gelin la'aan la xiriirta dhibaatooyinka caruurta kala kulmi karaan isticmaalka caanaha sanaaciga ah. Baraarujin iyo dhiirigilin la'aan adeegsiga caanaha naaska hooyada. Hadii arrintaan dambe aan sii faahfaahinno waxaynu oran karnaa waalidiinta Soomaaliyeed ma helin wargelin kaafi ah ee la xiriirta waxtarka naas-nuujinta iyo dhibaatooyinka la xiriira isticmaalka caanaha sanaaciga ah. Sababaha kale ee keenay in naas-nuujinta hoos u dhaco waxaa ka mid ah: Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ka jirtay oo sidii la rabay aan u sameeyn olole ballaaran ee ku saabsan dhiirigilinta naas-nuujinta. Jiritaan la'aan guddi qarameed ee u xil saaran barnaamijka naas-nuujinta. Takhaatirta Soomaaliyeed oo aan si kaafi ah isugu howlin dhiirigilinta iyo joogteenta adeegsiga naas-nuujinta. Tayadii shaqaalihii ku howlanaa xanaanaynta hooyooyinka iyo caruurta (M.C.H.) oo heerkii la rabay aan la gaarsiin. Isticmaalka caanaha sanaaciga oo xad dhaaf ugu soo batay Soomaaliya isla markaana loo qaatay ilbaxnimo. Dumarka qaarkii oo aaminsan inuu naasku ka jilcayo hadii ay cunugga nuujiyaan.
  12. 12. Hab dhismeedka naaska iyo soo saaridda caanaha: Naasuhu waa qanjirro ka sameeysan qanjirro yar-yar oo tiro badan, qanjirahaas oo mid walba leeyahay dhuun yar. Qanjirrada yar-yar waxay sameeyaan dheecanka caanaha. Waxayna dhecaankaas ku shubaan dhuumanka yar-yar oo ay wataan. Dhuumanka yar-yar waxay iyana dhecaankaas u sii gudbiyaan dhuuman kale oo ka dhexroor weyn, kuwaas oo ku dhammaada ibta naaska. Ibta naasku waxay leedahay 15 ilaa 25 duleel yar-yar ah, kuwaas oo loogu talagalay inay caanaha dibadda ugu soo dureeriyaan. Qanjirrada yar-yar waxay ka sameeysan yihiin laba unug oo kala nooc ah, kuwaas oo kala ah: Unugyada sameeya dhecaanka caanaha. (saw. 1) Unugyada dhecaanka caanaha dibadda u soo duruuriyo. Qanjirka naaska. Qanjirrada yar-yar. Dhuumanka yar-yar. Dhuumanka dhexroorka weyn. Ibta naaska.
  13. 13. Naasuhu waxay si fiican u bilaabaan sameenta caanaha ka dib markuu cunuggu bilaabo inuu naaska hooyada nuugo, waayo waxaa xiriira nuujinta naaska iyo howlgalka hormoonada sameeya iyo kuwa dibadda u soo saara caanaha naaska hooyada. Hormoonadaas waxaa loo kala yaqaan Borolatiin iyo ositojiin. Borolatiinku waa hormoonka carradin ku sameeya unugyada dhacaanka caanaha sameeya. Hormoonka kale Ositojiin wuxuu caraadin ku sameeya unugyada caanaha dibadda u soo duruuriyo. Maalmaha ugu horeeya (2da-3da maalmood) ee dhalidda ka dib, waxaa caadi ah in naaska hooyadu caanaha ay ku yar yihiin waayo hormoonka u gaarka ah dheddigga ee loo yaqaan hestrojiin ayaa dhiigga umusha ku badan. Hormoonkaan wuxuu si xooggan u xayirayaa sameenta hormoonka borolatiinka oo u qaabilsan caraadinta unugyada sameeya caanaha naaska. Haddaba, markuu cadadka hormoonka dheddiga u gaarka ah hestrojiinka, uu hoos u dhaco, waxaa isla markaas kor u kaca cadadka hormoonka borolatiinka, markaa kaddib ayay naasuhu si fiican u bilaabaan inay caana badan soo saaraan. Haweyneyda umusha ah waa inay la socoto arintaas oo aysan joojin naas-nuujinta. Waxaa kaloo caadi ah in haweyneyda umasha ah markay cunugga naaska nuujinayso ay dareento xanuun ka yimaada ilma galeenka (minka), kaas oo loo yaqaan uuryaal. Uuryaalku wuxuu la xiriira hormoonka Ositojiinka oo keenaya kaduudka minka, si uu minku ugu soo noqdo aagiisa caadiga ahaa.
  14. 14. Hooyada umusha ah waxay xanuunkaas ugu hortagi kartaa qaadashada daawooyinka xanuunka jabiya. Waxaa kaloo haweyneyda umusha ah adeegsan kartaa faasho ama gaarso laalaaban oo biyo kulul lagu qooyay iyadoo faashadaas ama gaarsaadas gumaarka saarayso.
  15. 15. Habka Naas-Nuujinta: Diyaarinta naaska Diyaarinta naaska hooyada umusha ah, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah habka naas-nuujinta Haddii aan arintaas sii faahfaahinno waxaa loola jeedaa in hooyadu marka hore cunugga ay u diyaariso naasaha inteesan u gudo gelin nuujinta. Waxaa jirta haddii aysan diyaarsaneen naasuhu, in cunugga dhibaato ku noqon karto inuu naasku si fiican afka ugu qabsanin, taasna waxay dhalinaysaa in naasahu aysan si fiican caanaha ugu soo saarmin. Ugu dambayntii, waxay arintaan u sabab noqon kartaa in cunugga uusan si fiican wax u quudanin, isla markaasna uusan helin nafaqo ku filan, taasi oo keeni karto in koritaanka cunugga uu hoos u dhaco.Hooyadu waxaa maalintii ku filan 3 goor oo qur ah inay naasaha cunugga u diyaariso, diyaarin walbana waxay u baahnaan kartaa 2 ama 3 daqiiqood.
  16. 16. Talooyin ku wajahan hooyada. Marka hore, waa inaad ibta naasaha aad ku soo jiidid suulka i farta murugsatada kaddibna aad bilaawdid inaad dhinacyada u wareejisid Marka xiga, waa inaad ibta naasaha u jiid-jiidid kor iyo hoos, bidix iyo midig, adigoo isticmaalaya labada suul. Haddaba, ibta naasahu markii ay sidii larabay dibadda u soo saarmaan.
  17. 17. yaad u gudbaysaa diyaarinta qanjirrada naasaha, waxaadna sameyn kartaa habab kala duwan sida: Inaad calacasha gacanta aad naaska dushiisa saartid, kaddibna aad ku wareejisid. Inaad saddaxdaa farood ee dhexe aad saartid naaska dhinaca ibta ka hooseysa, kaddibna aad tuutuujisid, intaa goortii aad sameysid u gudub dhinaca ibta korkeeda iyadana tuutuuji. Waxaad kaloo sameyn kartaa inaad naaska u qaybisid afar qaybood, iyadoo kaddib qayb walba seddaxdaada farood ee dhexe aad ku tuutuujisid. Hooyadu markii ay naasaha sidii la rabay u diyaarisay waa inay si haboon u fariisato, oo ay qalbigeeda ka saartaa wel-wel, walbahaar, fikir iyo nuujin deg deg ah.
  18. 18. Waxaa jira noocya badan oo ay hooyadu cunugga ku nuujin karto: Hooyadu iyadoo si haboon u fariisato ayeey cunugga nuujin karka. Noocaan naas-nuujinta hooyadu waxay isticmaali kartaa barkin oo ay saarto lugaheeda si cunugga uu in yar kor ugu soo qaadmo asoo ku aadmayo ibta naaska , ama hadii aysan isticmaalaynin barkin waxaa haboon in ay gacanta ku hayso madaxa cunugga si fiicana ugu dhejiso dhinaca, in yarna ay kor u soo qaado, si uu madaxa cunugga ugu aadismo ibta naaska (fiiri saw 7 kan hoose). Gacanta kalana seddaxdeeda farood ee ugu dambeeya waa inay naaska kor ugu soo qaado, far dhaxaadka iyo murugsatada waa inay ku qabato ibta naaska, iyadoo hubsanayso inuu cunugga si haboon afka ugu qabsaday ibta naaska iyo hareerahiisa. Hooyadu waxay cunugga nuujin kartaa iyadoo jiifta. Haayadu waxay cunugga nuujin kartaa iyadoo taagan Hooyadu qaabkee doonto ayay cunugga u nuujin kartaa laakiin waxaa muhiim ah in uu cunugga uu si fiican afka ugu qabsado ibta naaska iyo heeraarkiisa
  19. 19. Hooyadu qaabkee doonto ayay cunugga u nuujin kartaa laakiin waxaa muhiim ah in uu cunugga uu si fiican afka ugu qabsado ibta naaska iyo heeraarkiisa .
  20. 20. Waxaa kale oo laga maarmaan ah in cunugga loo kaltamiyo labada naas si uu u helo caano ku filan, isla markaasna naasuhu ay caraadmaan. Haddaba, markuu cunugga ka dhergo caanaha naasaha waa in kor loo qaado, oo in yar dhabarka laga jukeeyaa si uu u daacsado. Intaas ka dib, hooyadu way seexin kartaa cunugga hadii ay doonto ama way ciyaarsiin kartaa. Naas-Nuujinta waqti xaddidan malaha. Hooyadu waxay cunuggeedu naaska nuujin kartaa 7 ama 8 ama 9 jeer maalintii, wax dhibaato ah oo kaga imaan karana malaha. Hooyooyinka ku howlan naas-nuujinta waa inay si fiican u quutaan cunto isku dheellitiran. Naas-Nuujinta waxay qaadan kartaa 30 ama 40 daqiiqadood. Waxaa jirta in naasaha hooyooyinka kala caana badan yihiin, naasahu waxay sameyn karaan ku celcelis ahaan 850 ml oo caano maalintii.
  21. 21. Dhibaatooyinka la xiriira Naas-Nuujinta: Xilliga Naas-Nuujinta waxay hooyadu la kulmi kartaa dhibaatooyin fara badan ee la xiraara Naas-Nuujinta. Dhibaatooyinkaas oo ay hooyadu ku kallifi karaan in ay cunugga naaska ka joojiso waxaana ka mid ah: 1) Xanuunka ibta naaska. 2) Dillaca ibta naaska. 3) Cubka naaska. 4) Caabuqa naaska. 5) Uuryaalka
  22. 22. Dhibaatooyinkaan kor ku xusan, waxaa laga maarmaan ah in hooyadu ay fahamsan tahay sababaha saldhigga u ah iyo sida looga hortagi karo. Haddaba, iyadoo laga tusmo qaadanaayo sida ay dhibaatooyinkaani ugu horseedi karaan in hooyoda ay naaska dhalaanka ka joojisa, waxaa loo baahan yahay in macluumaad kooban laga bixiyo mid kasta oo ka mid ah dhibaatooyinka la xiriira Naas- Nuujinta.
  23. 23. Xanuunka ibta naaska Cunugga markuu naaska hooyada nuugayo waxaa dhici karta inay hooyadu dareento xanuun qaxar badan oo ka yimaada ibta naaska . Xanuunkaani wuxuu mararka qaarkood u sabab noqon karaa inay hooyadu Naaska cunugga ka joojiso muddo dhowr maalmood ah. Xanuunkaani waxaa u sabab ah: a.Habka naas-nuujinta oo qaldan. b.Naasaha oo cubmay. Hadii hooyadu uu soo food saaro xanuunka ibta naaska, maaha inay cunugga naaska ka joojisaa xanuunka dartiis, waayo waxaa suuro gal noqon karto in hooyadu uu ku sii kordho xanuunkaasi.
  24. 24. Xanuunka ibta naaska waxay hooyadu ugu hortagi kartaa: a) Waa inay hooyadu naaska si fiican u Diyaariso. b) Waa inay hooyadu nuujinta ku hor'mariso naaska fiyow. c) Waa inay hooyadu badisaa naas-nuujinta cunugga. d) Waa inay hooyadu nuujinta ka dib ay naaska si fiican u qalajiso Intaa ka dib, waxaa loo baahanyahay inay hooyadu naaska mariso xoogga saliid ah ama kareemo. Haddii ay hooyadu weli dareemayso xanuunka ama uu ku sii kordho waa inay gacmaheedu ku listaa naasaha. Waxay kaloo hooyadu isticmaali kartaa makiinadda naasaha listo.
  25. 25. Dillaaca ibta naaska. Waxaa suuro gal ah in xanuunka ibta naaska uu la socdo dilaac isla markaana uu hooyadu ku sii kordho xanuunka ibta naaska. Dillaca ibta naaska waxaa u sabab ah naaska oo cubmay ama caano ka soo buuxsamay. Ka hortagga: a.Waa inay hooyadu nuujinta ku hormariso naaska fiyow. b.Waa inay hooyadu soo gaabisaa daqiiqadaha naas nuujinta. c.Waa inay hooyadu gacmaheeda ku listo naasaha ama adeegsataa makiinaddaha naasaha listo. d.Goortay hooyadu naas-nuujinta dhameyso waa in ay kareemo marisaa naaska dilaaca ku yaala.
  26. 26. Cubka naaska. Goortay naasaha hooyadu caano badan dhalaan way cubmaan, hooyaduna waxay dareentaa xanuun ku faafsan qanjirka naaska oo idil, kaasoo la socon karo xanuun iyo dillaac ibta naaska. Waxaa cunugga isna la soo gudboonaato dhibaato goortuu naaska nuugayo,waayo si fiican ugu qabsan maayo afka ibta naaska Goortay hooyadu dareento inay naasaheeda cubanyihiin waan in ay sameesaa inta soo socoto: a.Waa inay hooyadu naasaha dushooda saartaa maro ama shukumaan laalaaban oo in yara kulul. b.Waa inay hooyadu gacmaheeda naasaha ku listo ama adeegsataa makiinadda naasaha listo.
  27. 27. Caabuqa naaska (Mastitis) Caabuqa naasku waa cudur ku dhaca naaska hooyada (mastitis), gaar ahaan xilliga naas-nuujinta. Calaamada lagu garto Caabuqa waxaa ka mid ah: a. Dhinac ka mid ah naaska ama qanjirka naaska oo idil ayaa hooyada xanuuna b. Qanjirka naaska ayaa adkaada. c. Naaska dushiisa ayaa gaduudata. d. Haddii hooyadu ay gacanta sarto dhinaca gaduudan ee naaska kuleel ayay dareemaysaa. Waxaa suuro gal ah in hooyadu ay dareeno kandho, jir xanuun, labo labo, matag, malax iyo dhiig ayaa ka soo dareeri karo ibta naaska. Haddaba, haddii hooyada ku howlan naas-nuujinta ay isku aragto calaamado u eg kuwa aynu kor ku xusnay, waxaa suuro gal ah inay hooyadu qabto Caabuqa naaska. Ka hortagga Caabuqa naaska: a.Waa inay hooyadu ka dhowrtaa cunugga naaska caabuqa galay. b.Waa inay hooyadu sida ugu dhaqsiyaha badan ay la tashataa takhtarka. c.Waa inay hooyadu naaska caabuqa galay caanaha ka listo iyadoo adeegsanayso gacmaheeda ama makiinadda naaska listo.
  28. 28. Uuryaal. Waxaa kaloo caadi ah in haweyneyda umasha ah markay cunugga naaska nuujinayso ay dareento xanuun ka yimaada ilma galeenka (minka), kaas oo loo yaqaan uuryaal. Uuryaalku wuxuu la xiriira hormoonka Ositojiinka oo keenaya kaduudka minka, si uu minku ugu soo noqdo aagiisa caadiga ahaa. Hooyada umusha ah waxay xanuunkaas ugu hortagi kartaa qaadashada daawooyinka xanuunka jabiya. Waxaa kaloo haweyneyda umusha ah adeegsan kartaa faasho ama gaarso laalaaban oo biyo kulul lagu qooyay iyadoo faashadaas ama gaarsaadas gumaarka saarayso.
  29. 29. Dhacaanka dambarka. Dambarku waa caano khaas ah oo layiig iyo dhag-dhag ah, midib ahaana wuxuu u dhow yahay huruud qafiif ah. Dambarku wuxuu naasaha ka soo dureeraa xilliyada ugu dambeeya ee uurka ilaa maalmaha ugu hooreeya ee dhalmada ka dib (4-5 maalmood), waqtigaa ka dib dambarku wuxuu isku badalaa caana rasmi ah. Dambarku wuu ka duwan yahay caanaha rasmiga ah ee naasaha hooyada ka soo dureera, waayo wuxuu iskuugu jiraa maadooyin nafaqo leh, waxaa ku yar subaga iyo karboidraydka waxaana ku badan borotiin iyo unugyada jeermi- dilayaal, macaadiin iyo fitamiinno kala duwan A, E iyo karnitiin. Waxtarka muhiimka ah uu dambarku leeyahay waxaa la hoos xariiqa karaa jermi- dilayaasha laga helo kuwaasoo jirka cunugga ka difaacayo cudurro badan, waxaa kaloo muddan in la xasuusto in dambarku uu fududeynayo soo saaridda saxaradda ugu horeysa ee dhalaanaka. Haddaba, iyadoo laga tusaale qaadanayo waxtarka weyn uu leeyahay Dhacaanka Dambarka waa inay hooyadu bilowdaa naas-nuujinta sida ugu dhaqsiyaha badan dhalidda ka dib(3-6 saacadood kaddib dhalidda), haddi ay sidaas suura gal noqon weydo waa in naas-nuujinta aysan ka dib marin 12ka saacadood dhalidda ka dib. Haddaba, waxaa tala ah in hooyadu ay naaska nuujiso cunugga sida ugu dhaqsiyaha badan si uu dhalaanka ugu fa'iidaysto dhacaanka dambarka ee nafaqada badan.
  30. 30. Joojinta Naas-Nuujinta. Waxaa jira xaalado ku kalifi kara hooyadu inay cunugga naas-nuujinta ka joojiso, xaaladahaas marna ka imaan kara dhinaca hooyada, marna yihiin xaalado u gaar ah cunugga. A) Xaaladaha ka imaan kara dhinaca hooyada waxaan u qaybin karnaa 2 nooc: 1) Naas joojin ku meel gaar ah: Caabuqa naaska. Jadeecada. Bus-Buska. Qaamooqashiirka. Bronkiitada. Beer xanuunka aan la socon cagaarshow. Uurka cusub. Durayga qandhada wato.
  31. 31. Haddii ay hooyadu la soo gudboonaadaan xaaladaha kor ku xusan , waa inay cunugga ka joojisaa naaska xilli gaaban ee ah waqtiga uu cudurka ugu daran yahay. Xilligaas haddii ay hooyadu ka gudubto way ku soo laaban kartaa naas-nuujinta cunugga.
  32. 32. 2) Naas joojin joogta ah: a.Gowracatada. b.Xiiq-dheerta. c.Tifowga. d.Ameebaha. e.Qaadashada daawooyinka qaarkood. f.Cudurrada Wadnaha. g.Qalalka (hadii ay hooyadu qaadanin daawooyinka cudurkaasi u gaar ah). h.Cagaarshowga B, C. i.Muqaadaraadka nooc kasto(qaadka). j.Nafaqadarrada k.Cudurka A.I.D.S.ama infectionka H.I.V. Hadii ay hooyadu soo foodsaaraan xaaladaha kor ku xusan waa inay si joogta ah cunugga ugu joojisaa naas- nuujinta. Waxaa kaloo iyadana loo baahan yahay hadii hooyadu ku dhaco cudurka Qaaxada ama ay cudurkaasi qabto oo aysan qaadan daawooyinka u gaarka ah Qaaxada waa in hooyadu cunugga laga fogeeyo ilaa waqti oo ay bilaawdo qaadashada daawooyinka Qaaxada. Qaaxada (T.B.C.) waa cudur si fudud loo kala qaado oo halis gelin karo caafimaadka cunugga naas nuugga ah.
  33. 33. B) Xaaladaha u gaarka ah Cunugga: a. Cunugga ku dhasho 32-34 todobaat.(Dhiciska.) b. Cunugga ku dhasho culeys aad u yar (2000 gr.ka hooseeya) c. Cillada dhabxanagga. d. Cillada faruuraha(Faruuray). e. Qaab-Dhismeedka Wadnaha oo cilideesan. f. Caaradda cunugga ugu imaan karo caanaha naaska hooyada.
  34. 34. Cilmi-baarista iyo caanaha naaska hooyada. Cilmi-baarisyo kala duwan oo lagu sameeyay caanaha naaska hooyada waxaa lagu ogaaday inay yihiin cuntada ugu wanaagsan ee la siin karo cunugga goortuu dhasho. Sida cilmi baarisyada ku cad, caanaha hooyada waxaa ku jira nafaqo badan oo waxtar weyn u leh koritaanka jirka iyo maskaxda caruurta oo aan laga helin caanaha kale. Waxaa kaloo la caddeeyay in caanaha naaska hooyadu ay ku jiraan walxo ka hortago cudurro badan gaar ahaan shubanka, caaradda, neefta, boronkiitada iwm. Wax tarka kale ee naas-nuujinta leedahay waa xiirka gacaltooyada ka dhex abuuranto hooyada iyo dhalaankeeda xilliga naas-nuujinta. Nuxurka Dhacaanka Dambarka iyo kan Caanaha rasmiga ah: Dhacaanka Dambarka Caanaha rasmiga ah. Halbeega tamarka jirka (Kcal/dl) 55 - 60 70 Kaarbohaydreyd (g/dl) 5 - 5.55 7 - 7.5 Borotiin (g/dl) 2.5 - 3 1 - 1.2 Subag (g/dl) 2.5 - 3 3.5 - 4
  35. 35. Faa'iidooyinka caanaha naaska hooyada: 1) Waa caanaha keliya ee ku haboon in la siiyo cunugga goortuu dhasho. 2) Waa caanaha keliya aad ku heli kartid lacag la'aan. 3) Waa caanaha aan u baahneen in aad diyaarisid. 4) Waa caanaha keliya aan qurmin. 5) Waa caanaha aad 100% hubtid inay saafi yihiin. 6) Waa caanaha aadna ka wilwilin inay kaa go'aan saqda dhexe. 7) Waa caanaha aan u baahneen in aad si gaar ah u xanaaneysid. 8) Waa caanaha kuu diyaarsan had iyo goor iyo meel walba aad joogto. 9) Waa caanaha dhaliyo, abuuro, kobciyo gacaltooyada ka dhex abuuranto hooyada iyo dhallaanka. 10) Waa caanaha cunugga ka dhigo baari, kuna abuuro naxariis.
  36. 36. Naas-Nuujinta iyo fitamiin K iyo fitamiin D. Dhamaan guddiyada takhaatiirta cudurrada caruurta ee aduunka waxay tilmaamayaan oo ay kula dardaarmayaan takhaartiirta ku howlan daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka in cunugga markuu dhasho la siiyo fitamiin K iyo fitamiin D si looga hortago dhiig baxa dhalaanka iyo cudurka loo yaqaano fadhiid (Rickets). 1) Fitamiin K waxay ka hortagta dhiig baxa dhalaanka waana muhiim in cunugga goortuu dhasho cajarka looga duro ka dibna afka laga siiya ilaa uu ka gaaro 3 bilood. 2) Fitamiin D waxay ka hortagta cudurka fadhiidka ah (Rickest) waa in cunugga afka laga siiyo iyadoo cunugga fitamiinka loo bilaabayo markuu gaaro 14 maalmood loona wado ilaa uu ka gaaro 12-24 bilood (1ama 2 sano).
  37. 37. Diidmada naaska hooyada: Waxaa suurogal ah in caruurta qaarkood ay diidaan caanaha naaska hooyada goorta ay da'doodu gaarto 4-5 bilood. Waxyaabaha u sabab noqon karaan diidmada naaska hooyadu xilligaan ilaa iyo haatan si cad looma oga, laakiin waxaa loo maleeynayaa arimaha soo socda: 1) Ilka caanoodka oo isu diyaarinaya in ay soo baxaan. 2) Isbedelka dhadhanka caanaha naaska goortu ay hooyadu isticmaasho cunto ay ku jirto basal, tuun, iwm. 3) Caaburnaanta sanka ee cunugga. 4) Cabeebka 5) Caadada u soo noqoto hooyaha. Fiiro gaar ah: Haddii ay dhacdo in cunugga uu diido caanaha naaska, hooyadu waa in ay ku adkeysataa in ay sii wado naasnuujinta, waayo diidmadaan waa mid xaddidan oo waqti gaaban ku eg.
  38. 38. Keydinta caanaha naaska hooyada: Haddi ay jiraan xaalado hor'istaagi karo nuujinta cunugga, hooyadu waxay keydisan kartaa caanaha naaska. Xaaladahaan waxaa ka mid ah: 1.Hadii hooyadu dareento xanuun ama cudur qandho wato. 2.Haddii hooyadu ay shaqayso. Marka, haddii hooyadu ay la soo gudboonaadaan xaaladahaan kor ku xusan wax- dhibaato ma laha inay kaydiso caanaha naaska. Si ay caanaha naaska u kaydiso, waxaa hooyadu looga baahan yahay inta soo socoto: a.Waa in hooyadu marka hore diyaariso naasaha si ay caanaha ugu soo bataan. b.Marka labaad waa in hooyadu ay gacmaheeda naasaha ku listaa ama adeegsataa makiinadda naasaha listo. c.Waxaa kaloo loo baahanyahay in caanaha naaska ee la keedinaayo lagu shubo weel dhalo ah ama caag ah oo si fiican loo nadiifiyay, ka dibna talaajada la geliyo. Caanaha naaska sidaas loo diyaariyay waxaa lagu kaydin karaa qaboojiyaha illaa iyo 24 saacadood, intaas kadib waa in caanahaas la isticmaalo. Haddii hooyaddu ay rabto inay kaydiso muudoo intaa ka badan, waa in markaa caanaha ay ku kaydisaa qaybta barafka ee qaboojiyaha. Caanaha naaska waxaa lagu kaydin karaa qaybta barafka ee tallaajadda muddo dheer ee bilooyin.
  39. 39. Daawooyinka iyo Naas-Nuujinta: Xilliga naas-nuujinta waa inay hooyadu aad ugu foogjignaantaa adeegsiga daawooyinka. Daawooyinka waxay ka sameesanyihiin walxo kiimiko ah, kuwaasoo soo raaci kara caanaha naaska hooyada, isla markaana waxyeello u gaysan kara kobcinta cunugga. Cunugga goortuu uurka ku jiro ama markuu dhasho oo naas nuuga yahay waa in hooyada ay taxaddir dheeri ah u lahaataa daawooyinka ay isticmaalayso kuwaasoo u sabab noqon karaan waxyeello soo gaarto dhalaanka naas nuuga ah. Inkastoo daawooyinka badankood caanaha naaska hooyada soo raacaan , haddana caddadka daawada ee laga helo caanaha naasku waa kuwoo aad iyo aad u yar. Haddaba, waxaa markasta lagama maarmaan ah hooyada u baahan daawo hilliga naas- nuujinta ay marka hore latashato takhtarka iyadoo ku wargelinayso takhtarka in ay ku jirtu xilliga naas-nuujinta. Sidoo kale, waa in hooyadu ay aad isaga ilaalisaa daawo uusan u soo qorin takhtarka inay adeegsato. Daawooyinka waxaan u kala saari karnaa: 1) Daawooyin la qaadan karo. 2) Daawooyin qaadashadoodu u baahan foogjignaan. 3) Daawooyin aan la qaadan karin, ama u baahan in cunugga naaska laga joojiyo muddada ay hooyadu qaadanayso daawadaasi.
  40. 40. Dhibaatooyinka daawada ee xilliga naas-nuujinta: Waxaa jira dhibaatooyin saameyn karaan cunugga ee la xiriira daawada ay hooyada qaadato xilliga naas-nuujinta. Waxaa ka mid ah: 1. Matag. 2. Shuban. 3. Shuban dhiig. 4. Calool xanuun. 5. Cunno diid. 6. Qalal. 7. Kaadi dhiig. 8. Caaro. 9. Cagaarshow. 10. Dhiig yaraan. 11. Hurdo badan 12. Hoos u dhac difaaca jirka.
  41. 41. Talooyin: a. Hooyadu waa inay iska ilaalisaa qaadashada nooc kasta oo daawa ah xilliga naas-nuujinta. b. Haddii ay lagama maarmaarn noqoto inay hooyadu u baahato daawo, waa inay marka hore la tashato takhtarka, kuna dadaasho inay daawada loo so qoray ay qaadato naas-nuujinta kaddib. c. Haddi daawada loo soo qoray hooyadu ay tahay mid waxyeeloo gaarsiin karto cunugga, waa in ay hooyadu joojisaa naas-nuujinta waqtiga ay daawada isticmaaleyso, hooyadu waa inay markaas cunugga siisaa caanaha naaska ee horay u kaydisay ama caana kale. d. Waxaa wanaagsan in hooyadu ay qaadato daawo la isticmaali karo mar qura maalintii. e. Haddii hooyadu xilliga daawa qaadashada ku aragto cunugga calaamadaha aan kor ku xusnay waa in ay hooyadu sida ugu dhaqsiyaha badan u wargelisaa takhtarka.
  42. 42. Nafaqaynta hooyada xilliga Naas-Nuujinta. Dhalmada ka dib, hooyooyinka ku howlan naaska nuujinta waxay jecel yihiin inay ku dadaalaan sida ay hoos ugu dhigi lahaayeen culeeyska jirkooda iyo sida ay u soo ceshan lahaayeen ad-adeega murqaha jirkooda. Sidaas daraadeed, hooyooyinku waxay iska-ilaaliyaan in ay qaataan cunto badan oo kala nooc ah, iyagoo aan marnaba ku fikirin in cuntu yarida ay dhibaato u keeni karto cunugga naaska nuugayo. Xilliga Naas-Nuujinta waa waqtiga ugu muhiimsan kobcinta cunugga naas nuuga ah, waayo wuxuu u baahanyahay nafaqo badan oo uu ka heli karo keliya naaska hooyada. Hooyooyinka ku howlan Naas-Nuujinta waxaa looga baahan yahay inay qaataan cunto badan oo kala duwan. Dhallanka naas nuuga ah wuxu u baahan yahay caano badan, caanaha naaska hooyada ka soo dureerana ay hadba ku xirin yihiin sida ay hooyadu u qaadato cunto isku dheellitiran. Midda kale dhalmada ka dib, murqaha jirka hooyadu way jilcaan, waayo uurku wuxuu keenaa in murqaha jirka gaar ahaan kuwa calooshu ay jilcaan aadna u fidmaan. Sidaas daraadeed, waxaa loo bahan yahay in hooyadu ay sameeso maalin kasto in yar oo jimicsi ah iyo inay caloosha ku xirato baanjeeri ama go' la laalaabay. Cuntadu waxay isugu jirtaa maadooyin kala duwan, kuwaas oo mid walba jirka u leeyahay wax tar gaar ah.
  43. 43. Cuntadu waxay isugu jirtaa maadooyin kala duwan, kuwaas oo mid walba jirka u leeyahay wax tar gaar ah. Walxaha cuntadu ka kooban tahay waxaa ka mid ah: 1.Biyo. 2.Karbohidareed. 3.Borotiin. 4.Dhux. 5.Fitamiin. 6.Macdan. Walxahaan kor ku xusan wuxuu mid kasta jirka hooyada u leeyahay howlgal waxtar u leh. Xilliga Naas-Nuujinta, waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu quudato cunto isku dheellitiran oo ka kooban qaybaha kala duwan ee cuntada. Walxahaan kor ku xusan wuxuu mid kasta jirka hooyada u leeyahay howlgal waxtar u leh. Xilliga Naas-Nuujinta, waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu quudato cunto isku dheellitiran oo ka kooban qaybaha kala duwan ee cuntada.
  44. 44. Cuntadaan waxaynu ka heli karnaa khayraadka dalkeena hooyo laga helo, kuwaas oo kala ah: 1. Kalluunka noocyadiisa kala geddisan. 2. Galay, Dhamacso, Digir, Moxog, Waambe, Falfalliir, Bariis, Qamadi iwm. 3. Qudaarta iyo furutada kala geddisan. 4. Caanaha lo'da, ariga iyo geelaba. 5. Subaga iyo saliidda noocyadeeda kala geddisan. Xilliga naas-nuujinta waxaa hooyada looga baahan yahay inay fiiro gaar ah siiso qaadashada cuntada qaarkood, iyadoo dhanka kalena ka foogjignaanayso qaadashada cuntada u keeni karto waxyeello iyada iyo cunugga naas nuuga ah. Tusaale: a. Hooyadu waa inay badsataa cabitaanka sida (biyaha, caanaha, dhacaanka furutada iwm.). b. Hooyadu waa inay qaadataa cuntada borotiinka ku badan yahay sida (hilibka, kalluunka, doorada, ukunta, formaajada iwm.). c. Hooyadu waa inay badsataa qaadashada qudaarta noocyadeeda kala duwan sida (bagalka, koostada cagaarka moxogga, bataatiga, koostada iwm.).
  45. 45. Hooyada ku howlan naas-nuujinta waa inay iska ilaalisaa waxyaalaha soo socda: a. Isticmaalka basasha, tuunta, bas-baaska waayo waxay beddelayaan dhadhanka caanaha naaska. b. Qaadashada faraha badan ee shaaha iyo gaxwada. c. Isticmaalka cuntada la shiilo. d. Qaadashada mukhaaddaraadka noocyaddiisa kala geddisan siiba qaadashada khaadka waayo wuxuu wax yeello u geesanayaa maskaxda cunugga naaska nuugayo.
  46. 46. Quudinta cunugga: Haddii ay suurta gal tahay waxaa habboon in naas-nuujinta la joogteeyo illa uu cunugga ka gaaro 24 bilood (2 sano) sida ay diinta inoo sheegaysa iyo sida ay WHO ku dhiirigilineyso in naas-nuujinta la sii wado illaa iyo muddadaan. Muddadaan 2 sano waxaan ku fasiri karnaa: 1.In cunugga uu helo illaa iyo muddadaan jeermidilayaasha laga helo caanaha naaska hooyada si uu jirkiisu u helo difaac wanaagsan. 2.In hooyadu ay iska ilaaliso in aysan qaadin uur kale (Family Planning/Child spacing). 3.Waxaa loo baahanyahay in cunugga goortuu gaaro 6 bilood oo ilaa iyo markaa quudan jiray keliya caanaha naaska hooyada la siiyo cunto kale, waayo wuxuu jirkiisa u baahanyahay nafaqo kale oo aan laga helin caanaha naaska hooyada. Cuntada cunugga la siinayo markuu gaaro 6 bilood waa cunto shiidan oo aan u baahneen in la calaanjiyo. Cuntadaas waa in cunugga la siiyo xilliyada duhurka iyo fiidka hore. Waxaa kaloo muhiim ah in labada waqti cunugga lagu quudinayo cuntada shiidan ay u dhaxayso 15 maalmood iyadoo lagu hormarinaayo midda duhurka.
  47. 47. Tusaale 1 : 1. Quraacda subaxnimo 7.30-8.30 Caanaha naaska hooyada 2. Qadada dhuhurka 11.30-12.00 Cuntada shiidan. 3. Casirka 15.00-16.00 Caanaha naaska iyo furuto la shiiday. 4. Fiidka hore 19.00-20.00 Cuntada la shiidan Fiiro gaar ah : hooyadu waa inay cunugga naaska siisaa goor walbo uu doonayo.
  48. 48. Diyaarinta cuntada shiidan: ½ litir oo biya ayaa dabka saareysaa. Waxaad ku karkarisaa hal bataati ama ½ moxog, hal karooto,xoogaa caleenta moxogga ama xoogaa bagal. Markay qudaarta diyaar noqoto waxaad isticmaashaa fuudka kaliya cadad dhan 200 – 250 ml. Waxaad fuudka ku dareysaa 4 qaado oo bariis, masago, galay ama moxog horay loo shiiday loona bisleeyay. Waxaad kaloo ku dareysaa hilib si fiican loo shiiday. Waxaad ku daraysaa 1 qaado yar oo saliid macsara ama tan galayda laga sameeyay ama saliid cadey. Waxaad kaloo ku dareysaa haddii aad awoodid 1 qaado yar oo formaajo la shiiday. Todobaad kaddib waxaad cuntadaas ku dari kartaa qudaartii aad biyaha ku karkarisay oo la shiiday. Markuu cunugga gaaro 8 bilood waxaa loo baahanyahay in cuntada aad ugu dartid ukun, kaluun. Ukunta waa in aad todobaadkiiba laba mar aad siisaa adigoo biyo kulul ku karkarisay. Illalaa uu ka gaaro12 bilood (1 sano) cunugga waxaad siineysaa cuntadaan, kaddib waxaad u bilaabi kartaa cuntada dadka waaweeyn adigoo qaarna u shiidayo. Waxaad ka ilaalineysaa cuntada shiilan,basbaaska,tuunta,basasha iyo waxyaalaha carfiska iwm.
  49. 49. Adeegsiga caana booraha iyo caanaha lo'da: 1) Caano booraha waa caanaha lo'da oo si cilmiyeeysan loo farsameeyay, sida loola mid dhigo caanaha naaska hooyada. Waxaa jira noocyo badan oo caano booro ah kuwaasi oo la xiriira da'da cunugga. Caanahaani waxay ku kala duwan yihiin nuxurka ay ka sameysan yihiin. CAANA BOORAHA (Milk Powder)
  50. 50. Noocyada kala geddisan ee caanaha booraha: 1.Caano booro loogu tala galay cunugga dhiciska ah oo culayskiisa ka hoosaysa 1000 - 1500. 2.Caano booro loogu talagalay cunugga goortuu dhasho illalaa uu ka gaaro 5 bilood. 3.Caano booro loogu talagalay cunugga da'diisu u dhaxayso 6 bilood illaa 12 bilood. 4.Caano booro loogu talagay cunugga ku dhasho xaraarad ama caaro xagga borotiinka caanaha. Caano boorahu waxaa loogu talagalay in la siiyo cunugga goortii ay hooyadu ama cunuggu la soo gudboonaadaan xaalado gaar ah oo hor istaagi karaan naas-nuujinta. Kuwaas oo ka mid ah: Markii hooyadu naasaheedu aysan lahayn caano. Haddii naasaha hooyadu ay caanaha ku yar yihiin. Haddii hooyadu ay ku mashquulsantahay shaqo ka xayireeyso naas-nuujinta. Markii hooyadu ay qabto cudurro aan u saamaxayn naas-nuujinta sida Qaaxadda, AIDS,HIV. iwm Haddii hooyadu qaadato daawooyin cunugga wax u dhimi karo. Markuu cunugga ku dhasho cillado aan u saamaxayn naas-nuujinta.
  51. 51. Caana booraha waa caano u bahaan xanaaneeyn gaar ah, biyo nadiif ah iyo aqoon ku saabsan sidii loo diyaarin lahaa, waa caano wanaagsan oo nafaqo badan hase yeeshee waa caano aan lala mid dhigi karin caanaha naaska hooyada. Hooyadu waa in ay ku dadaashaa sidii ay ugu maarmi lahayd adeegsiga caana boora oo had iyo goor caanaha naaskeeda adeegsataa. Diyaarinta caana booraha: • Ugu horreeyn waa inaad karkarisaa biyaha haddii aysan ahayn biyaha dhalada ku jira si aad biyaha u nadiifisid. • Waa inaad markaas qiyaastid biyaha (fiiri tusaale 2). • Waa inaad xasuusatid in 30ml walbo oo biya ah lagu duraayo hal qaado oo ah tan aad ka helayso baakadka caanaha ku jiraan. • Waxaa kaloo muhiim ah in budada caanaha ay la siman yihiin qaadada oo aysan buux dhaafin.
  52. 52. 30ml 1 qaado 60ml 2 qaado 90ml 3 qaado 120ml 4 qaado 150ml 5 qaado Cadadka caana booraha la siin karo cunugga: Caruurta goortay dhashaan isku mid maaha, waxaa jiraan caruur qaadan karaan caana badan iyo caruur ku filan caano yar. Guud ahaan waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karna inta soo socota: Tusaale 2 :
  53. 53. Da'da cunugga Cadadka caanaha la siin karo marwalba (ml) Maalinta inta mar la siin karo Cadadka caanaha la siin karo 24 saac (ml) Maalinta 1° - - - - - - Maalinta 2° 10 7 70 Maalinta 3° 20 7 140 Maalinta 4° 30 7 210 Maalinta 5° 40 7 280 Maalinta 6° 50 7 350 Maalinta 7° 60 7 420 Maalinta 8° 70 7 490 Maalinta 9° 80 7 560 Maalinta 10° 90 7 630 Maalinta 20° 110 6 660 Maalinta 30° 115 - 120 6 690 - 720 Tusaale 3 :
  54. 54. DHIBAATOOYINKA LA XIRIIRA CAANA BOORAHA: 1.Calool xanuun. 2.Yaabuus. 3.Dheef shiid xumo. 4.Caaro. 5.Diliq. 6.Saxaro xumo. 2) Caanaha Lo'da: Caanaha Lo'da waa caana wanaagsan, hase ahaatee kuma haboona in cunugga da'diisa ka hooseyso 10 bilood la siiyo. Waxaa suuro gal ah in cunugga caanaha lo'da ka qaado cudurro badan sida kuwa shubanka dhaliyo iyo kuwa caarada taasoo ugu darmi karto korid la'aan. Caanaha lo'da marka la bar-bar dhigo kuwa naaska hooyada way ka culus yihiin taasna waxay keeni kartaa dheef-shiid xumo. Dheef-shiid xumadu iyadana waxay keeni kartaa diliq, matag, calool xanuun, caaro iyo ekzeemka jirka ka soo baxa.
  55. 55. Borotiinka caanaha lo'da ayaa u sabab noqon karo calool xanuun iyo caaro. Dhibaatooyinkaan waxay cunugga ku ridaan guud ahaan korid la'aan, cudurro badan waayo caanaha lo'da lagama helo unugyada jirka difaaca Waxaa kaloo iyana dhici karto cunugga goortuu koro in uu ku dhaco cudurka neefta. Haddi la kar-kariyo caanaha lo'da waxaa laga sifeen karaa jeermiga ku dhex jiro hase ahaatee wax isbedel ah ku imaan maayo borotiinka dhaliyo caaradda. Dhibaatada kale oo cunugga kala kulmi karo caanaha lo'da waa kilyo xanuun, maadaama kilyaha cunugga sameeskoodu aysan si fiican u dhameestirneen ma xamili karaan caano culus sida caanaha lo'da. Midda kale cunugga lagu quudiyo caanaha lo'da wuxuu la kulmi karaa dhiig yari ugu timaado feero la'aan taaso la xiriirto dheef-shiid xumo. Cunugga waxaa caanaha lo'da la siin karaa goortuu gaaro 10 -12 bilood, (1 sano) waana muhiim in caanaha marka hore la hagaajiyo oo qafiif laga dhigo.
  56. 56. Hagaajinta caanaha lo'da: Hagaajinta caanaha lo'da waxaa loola jeedaa in caanaha la qafiifiyo lana karkariyo Waayo caanaha lo'da way culus yihiin waana suuro gal in ay jeermiyaal ku jiraan, Midda kale waa caano ku yar sokorta markii la bar-bar dhigo caanaha naaska hooyada. Waxaa jirta cunugga yar xubnahiisa kar ka mid ah ay weli ku jiraan koritaan, marka waxaa muhiim ah in xubnahaasi ee soo koraya laga ilaaliyo shaqooyin aysan xamili karin. Diyaarinta caanaha lo'da: Waa in marka hore caanaha la kar-kariyo. 100 gr.(ama 100 ml) caanaha lo'da waa in ay ka koobnaadaan: 60 gr. oo caanaha lo'da iyo 40 gr oo biyo nadiif ah (horay loo kar-kariyay) ama biyaha dhalada ku jira. Caanaha saa loo qafiifiyay waa in sokor lagu daro iyadoo 100 ml oo caano lagu daro 1 qaado yar oo sokor ah.
  57. 57. Tusaale 4 : Haddi uu cunugga qaato 200 ml oo caanaha lo'da ah waa in caanahaasi ka koobnaadaan: 120 ml oo caanaha lo'da ah 80 ml oo biya nadiif ah 2 qaado yar oo sokor ah oo lagu daro. Cunugga waa in la siiyo caanaha sidaas loo hagaajiyay illaa uu ka gaaro13 -15 bilood, wixii xilligaas ka dambeeyana looma baahna in caanaha lo'da la hagaajiyo waa in aad kaliya karkarisaa si aad jeermiga ugu nadiifisaa.
  58. 58. DHAMAAD.

×