SlideShare une entreprise Scribd logo
1  sur  122
Awaamiirta Dhaqan-
galianta Iibka Dawlada
Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya
Jigjiga/Itoobiya
TUSMO
................................................................................................................................................1
Jigjiga/Itoobiya.........................................................................................................................1
TUSMO.....................................................................................................................................2
Qaybta 1aad ArrimoGuud........................................................................................................5
Qeybta 2aad Xilalka iyo Wajibaadyada...................................................................................7
Qeybta 3aad Qorshaha iibka..................................................................................................15
8. Diyaarinta Qorshaha Iibka..................................................................................................15
10-Xulashada Habka/nooca Iibka...........................................................................................18
11-Cayimidda Muddada Fulinta Iibka.....................................................................................18
12-Mugga Qorshaha Iibka.....................................................................................................19
13-Siyaabaha Qorshaha Iibka Loo Ansixiyo ama Wax looga Baddelo.....................................19
14-Shaacinta Qorshe Sannadeedka Iibka ..............................................................................20
Qeybta 4aad Noocyada Iibka Iyo Dhaqan Galkooda...............................................................20
15- Noocyada/Hababka Iib Ee La Ogol Yahay(La Fasaxey).........................................20
16-Dhaqan Gellinta Iibka Tartanka Furan ah ee Heer Qarran:-.................................21
16.1-Diyaar Garowga Hore :-..........................................................................................21
16.2. Oggaysiiska Tartanka:-...........................................................................................22
16.3.Dukumintiga Tartank Xafiisyada Dawladu:-............................................................23
16.4 Tilmaamaha la siiyo Tartameyasha:-.......................................................................23
6.5.Qeexidda Bahida Farsamo........................................................................................26
16.6. Foomka Tartanka iyo Shaxda soo gudbinta Qiimaha:-..........................................27
16.7. Shuruudaha Guud iyo kuwa Garka ah ee Heeshiiska.............................................28
16.8 .Diyarinta Shuruudaha Qiimaynta Tartanka.......................................................29
16.9- Go’aminta Muddada Tartanku U Furnanayo Tartamayasha..................................30
2
16.10.Iibka Dukumintiga Tartanka..................................................................................31
16.11. Qaabka soo gudbinta Muunadda.........................................................................32
16.12. Fah-faahinta ama Wax-ka Bedelka Lagu Sameeyo Dukumintiga Tartanka .........34
16.13. Luuqada Tartanka:-..............................................................................................35
16.14. Qiimaha Tartanka iyo Wax-ka Badelka Qiimaha:- ...............................................36
16.15-Muddada Uu Sharciyan Jirayo Dukumintiga Tartanku:-.......................................40
16.16. Dammanadda Tartanka:- ....................................................................................41
16.17- Guddoonka (Qabashada) Dukumintiga Tartanka:-..............................................43
16.18- Furitaanka Tartanka.............................................................................................43
16.19- Qiimaynta Iyo isbar-bardhiga Tartanka ..............................................................46
16.20- Mudnaan Gaar ah................................................................................................50
16.21- Ka Saaridda Tartanka .........................................................................................52
16.22- Wada hadalka Lala Yeesho Qandaraslayasha .....................................................53
16.23. Ansixinta Tartanka ............................................................................................53
16.24. Shaacinta Cidda ku Guulaysatay Tartanka...........................................................54
16.25- Dammanadda Heeshiiska....................................................................................55
16.26- Horumarinta:-......................................................................................................56
16.27- Sexeexida Heeshiiska:-........................................................................................59
Qaybta 5aad Meel Marinta Iibka Caalamiga..........................................................................61
17- Tartanka Furan Ee Heer Caalamiga:-.....................................................................61
18- Iibyada Kale ee Heer Caalami:-................................................................................62
19- Tartanka Iibka Labada - darajo(heer):- .................................................................63
20- Tartanka xaqiijinta Hore ee kartida:-......................................................................64
21. Iibka Lagu Meel-Mariyo Dalabka Fikir Tartameedka:-..............................................66
22- Tartanka Codsiga muujinta rabitaanka...................................................................73
23- Meel-Marinta Iibka Tartanka Xadiidan..................................................................74
3
24- Iibka Lagu Hirgeliyo Qiimo Sheegta. ......................................................................76
25. Iibka Tooska..............................................................................................................78
Qaybta 6aad Iiba gaarka ah....................................................................................................83
26- Iibka Sare ee Gaarka.................................................................................................83
27- Iibka gaarka ah ee Alaabta iyo adeegyada ay xafiisyada dawladu wada jirka u
rabaan...............................................................................................................................83
Qaybta 7aad Maamulka heeshiiska........................................................................................90
28 Dhaqan Galinta heeshiiska.........................................................................................90
29. Daba Galka Hir-galinta Heeshiiska..........................................................................92
45.1 Heshiiska iibka Inta Aan La Sexeexin....................................................................112
45.1 Laba Bushkhadod Tartanka Lagu Soo Gudbiyay....................................................113
46. Xayiraada Meel-Marinta iibka Ee Ay Xafaiisyada Dawladu Sameeyaan...........114
47.Nidamka Loo Guudbiyo Loona Badha Cabashooynka Xafiiska Boordhiga.........114
Qaybta 12aad Nidamka lagu Eego warbixinta danbiilenimo ee loo gudbiyo BoFED.............116
48. Soo gudbinta warbixinta danbiilenimo iyo nidamka hir- galinta baadhista........116
49 Dhibaato Awoodiisa ka baxsan.................................................................................120
50 - Cabashada oo Maxkamad lagu eego .....................................................................121
Qaybta 13aad Awaamiirta la Nasakhay iyo Mudada Dhaqan- galka Awaamiirtan..............121
51. Awaamiirta la Nasakhay..........................................................................................121
52. Mudada Dhaqan-galka............................................................................................121
4
Awaamiirta Dhaqan-galinta Iibka Dawlada
Xafiiska maaliyadda iyo horumarinta dhaqaaluhu isagoo ka duulaya iyo 70aad
firqadiisa 2aad
ee bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawlada deegaanka
soomaalida, ayaa wuxuu soo saaray awaamiirtan:-
Qaybta 1aad
ArrimoGuud
1. Ciwaan Gaaban:-
Awaamirtan waxaa loogu yeedhi karaa “Awaamiirta Dhaqan-Gelinta Iibka
Dawladda”
2. Qeexid:-
1. Hadii aanu haboonanshaha ereyga si kale loogu mac-nayn Awaamirtan
dhexdeeda waa:-
b/ “Qeexidda Baahida Farsamo” waxaa loola jeedda dalabka
dukumentiga muujinaya nooca, heerka iyo tayada looga baahan-yahay
in ay buuxiso alaabtu, addeegu, shaqada dhismuhu ama addeega la
talintu.
t/ “ Bayaan” waxaa loola jeedaa bayaanka iibka iyo maamulka hantida
dawladda ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ee tirsigiisu yahay
82/2002.
j/ “Iib” waxaa loola jeedda muddada /qaabsocodka/ u dhaxeysa maalinta
la shaaciyay oggeysiiska ama laga billabo maalinta la faafiyo
oggeysiiska iibka illa inta la ogganaayo tartamaha ku guulaystay
islamarkana uu sexeexo heeshiiska.
x/ “Dukumentiga Caadiga ah ee Tartanka” waxaa loola jeedaa
dukumentiga uu diyaariyo xafiiska maaliyaddu, si guud ahaan uu
xafiisyada dawlada gacan uga siiyo inay u diyariyaan dukumentiga
tartanka qaab-mideysan oo isku mida.
5
Kh/ “Waaxda Iibka” waxaa loola jeedda qaybta awooda loo siiyey fullinta
shaqooyinka iibka, iyadoo aan wax loo dhimeyn qaab-dhismeedka
shaqo ee xafiisyada dawladda.
d/ “Qiimaha Guud” waxaa loola jeedda qiimaha guud ee uu xafiiska
dawladu ku meel-mariyo ama ku fuliyo iibka oo ay ka mid yihiin
canshuurta iyo dhammaan kharashyada kale.
r) “Xafiiska Maaliyadda” waxaa loola jeedaa Xafiiska Maaliyadda &
Dhaqaalaha ee Dawladda Deegaanka Soomaalida.
2. Dhamman erayada kale ee ku jira awaamirtan gudaheedu waxaa ay
yeelanayaan mac-naha lagu siiyey bayaanka iibka iyo maamulka hantida
dawlada ee Dawladda Deegaanka Soomaalida ee tirsigiisu yahay 82/2002.
3. Xadka Fulineed ee Awaamiirtan:-
Awaamiirtani waxay dhaqan-gal ku tahay dhammaan arrimaha iibka dawlada
deegaanka soomaalida ee uu bayaanka ku dhaqan-galiyey ama lagu xeeriyey.
4. Mabaadi’da:-
Cidd kasto awood loo siiyey in ay dhaqan-galiso waajibaadyada iibka, waxa
waajib ku ah in ay meel-mariso mabaadi’da hoos ku xusan:-
b/ In laga helo fulintaanka iibka wax-tarka ay lacagtu keeni karto, taasi oo
uu mac-naheedu yahay in la xaqiijiyo tashiil iyo karti fulineed oo wax
ku ool ah.
t/ Waxan ka aheyn arrimaha gaarka oo bayaanka lagu xeeriyay, waxa
reeban ama cadaalad xumo ah in tartamaha lagu reebo ama looga saaro
tartanka iibka dawlada arrimo la xidhiidha jinsiyadiisa ama arrimo an
khuseynin shuruudaha tartanka iibka dawlada u yaala.
j/ In la taageero ama gacan laga geysto horumarka dhaqaale ee dalka
iyadoo fulinta iibka dawlada laga dhigayo mid nidaamsan oo tayo leh.
x/ Dhamaan shuruudaha asaaska u ah go’aaminta iibka dawladda iyo
go’aanada la qaadanayoba waa inay si cad ugu furnaadaan cid kasta oo
ay khusayso,
6
kh/ Xaqiijinta inay jiro la-xisaabtan ama u qoolanaan go’aanada iyo
talaabooyinka la qaato ee la xidhiidha fulinta iibka.
d) Iyadoo lagu salaynayo mudnaan gaarka ah ee bayanka iyo awaamiirtan fasaxayaan, in la
dhiiri galiyo wax-soo saarayaasha, shirkadaha dalka laga leeyahay iyo ganacsatada yaryar.
Qeybta 2aad
Xilalka iyo Wajibaadyada
5. Xilka iyo Wajibaadka Masuuliyiinta Sare ee Xafiisyada
Dawlada:-
Iyado awoodaha lagu xusey bayaanku sidooda yahiin, ayaa wuxuu leeyahay
madax-xafiiseedku xilka iyo wajibaadkan dheeriga ee hoos-ku xusan:-
1. Wuxuu xaqiijiya shaqaalaha iyo masuulinta lagu soo meeleyo xafiiska si
ay u meel-mariyaan shaqooyinka iibka in ay u leeyihiin aqoon dheeriya
iyo waayo-aragnimo ku filan shaqada.
2. Wuxuu xaqiijiya masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska loogu soo
meeleyo si ay u fuliyan iibku in ay yihiin kuwo leh an-shax iyo asluub-
shaqeed fiican oo shaqaalenimo.
3. Wuxuu hubiya in qaybaha fullinta shaqooyinka iibka xafiisku yihiin
kooxo leh tababar ku filan iyo in ay leeyahiin qaab-dhismeed hufan oo
cad-cadaan leh.
4. Wuxuu aasaasa guddiga ansixinta iibka oo ka kooban sadex-xubnood,
buxinayana shuruudaha hoos-ku xusan, si ay u hubiyaan islamarkaana u
go’aamiyaan iibka isku dhafan ee xafiiska isla markaana muddadooda
shaqo aanay ka badneyn sedex sano.
b/ Waa inuu yahay xubin masuuliyad sare ka haya xafiiska.
t/ Waa in ay yihiin xubno leh aqoon kala duwan islamarkaana shaqada
xafiiska u leh aqoon iyo khibrad dheeriya.
5. Wuxuu marka uu u arko munasib hal sano dheeriya ugu daraa
(kordhiya) cimriga shaqo ee guddiga ansixintaa iibka.
7
6. Wuxuu hubiyaa in guddiga ansixinta arrimaha iibku haysto wakhti ku
fillan iyo in loo dhameystirey qalabkii xafiis ee ka caawin lahaa
gudashada xilkooda.
7. Wuxuu xaqiijiya in shaqaalaha ka mid noqda guddiga ansixinta
arrimaha iibku muddada ay ku hawlan-yahiin shaqada guddiga ay ka
mid tahay muddadii caaddiga ee shaqada xafiiska islamarkana loo
diwaan- geliyo qorsheyashooda iyo natiijooyinkooda.
8. Wuxuu suuro-geliyaa sidii ay shaqalaha iyo masuuliyiinta lagu
meeleeyo shaqooyinka iibka iyo guddiga ansixinta arrimaha iibku u
heli-lahayeen bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawlada,
awaamirtan, dokumantiga caadiga ah ee lagu fuliyo iibka iyo
dukueintiyada kale ee muhiimka ah ee ay dawladu soo saarto iyo sidoo
kale, in ay heelan tababaro ku filan oo gacan ka siiya gudashada
xilkooda.
9. Wuxuu Isagoo mudnaan gaar siinaya shaqada arrimaha iibka uu daba-
gal dheeri ah ku sameeya qeybaha iyo guddiyada ay shaqada iibku
khuseyso islamarkana uu ku talaabsadaa talabooyinka shaqada lagu
saxayo.
10.Wuxuu aasaasa guddi qiimeyneed oo ku meel-gaadha marka uu jiro iib
isu dhafan isla markana u baahan qiimeyn farsamo oo dheeriya.
11.Wuxuu qiimeeya islamarkana ansixiyaa qorsheyasha iib ee xafiiska ka
dib marka uu hubiyo in ay dhameystiran yahiin xaaladaha hoos -ku
xusan:-
b, in qorshaha iibku waafaqsan yahay jadwaladda shaqo ee xafiiska.
t, in iibasha oo dhan hal meela la isugu keenay si loo fuliyo.
j, in iyadoo laga duulayo go’aanka xafiiska maaliyada, si gaara loo
dhigo iibasha sida wada jirka ah ay xafiisyadu si heeshiis-duleed u
fuliyaan.
x, in qorshahu yahay mid uu ku dhan-yahay bahida iib ee xafiisku sido
kalena loo gudbiyey guddiga ansixinta iibka islamarkana uu
aqbaley guddigu.
8
12, Wuxuu suro-geliya in wakhtiga ku haboon loo gudbiyo cidda awooda u
leh fulinta iibka, kadibna marka loo soo dhameystiro xogaha- xafiisyada
iibka doonaya in hal-meela heeshiis guud loogu mel-mariyo.
13, Sida ku xusan qodobka 24aad farqadiisa 2aad ee awaamiirtan, iibasha
yar-yar ee cadadka lacagtoodu aadka u kooban tahay islamarkaana aan
loo baahneyn in ay ansixiyan guddiga ansixinta arrimaha iibku, wuxuu:
b, u wakiilan karaa waaxda iibka xafiisku inay ansixiso iibkaasi,
ama
t, u wakiilan karaa mas’uulka ay shaqadu sida toosa u khuseyso
inuu ansixiyo,
j, u wakiilan karaa ansixinta iibka masuulinta heerarka kala
duwan xafiiska ka jooga, isago wakaalashada uu bixinayo ku
cadaynaya cadadka lacageed,
14, Wuxuu hubiyaa sharciyadda qiimo sixida lagu sameeyo geedi socodka
meel-marinta (dhaqan-gelinta) arrimaha iibka ee ku saleysan awaamiirta
u xeerinayo qodobka 16aad
farqadiisa 14aad
ee awaamirtani.
15, Wuxuu hubiyaa islamarakana go’aan ka gaadha cabashooyinka la
xidhiidha xogaha geedisocodka fulinta iibka ee wafaqsan qodobka 14aad
ee awaamiirtan iyo shaqooyinka kale ee uu xafiisku fuliyey islamarkana
ay diideen in ay xog-ka siiyaan cidii rabtay, qaybta arrimaha iibka
xafiisku.
16, Wuxuu seexiixa heeshiis ama hadba sida loogu baahdo ayuu u
wakiishaa in uu saxeexo heeshiiska islamarkana uu daba-gal ku
sameeya dhaqan-gelinta heeshiiska.
17, Wuxuu suruo-geliya isago ka duulaya qodobka 8aad
xarafkiisa (D) ee
bayaankan, marka iibka xafiisku yahay mid aad isu-dhafan islamarkana
aanu xafiisku lahayn awood farsamo oo uu ku fuliyo, in iibka ay u fuliso
cid sedeexaadi/cid kale/ isago ka duuleya arrimaha hoos ku xusan:-
b, Wuxuu hubiyaa in addeega iib ee cid sedeexaadi u fulinayso loo fuliyay
si waafaqsan qodobada ku xusan bayaanka iyo awaamiirtani.
t, Wuxuu suro-geliya in uu si cad u kala qeexo xilka guddiga iibka ee
cidda sedeexaad iyo xilka shaqo ee xafiiska.
9
j, Wuxuu hubiyaa isago ka duulaya qodob-hoosaadkan dhammaan
go’aanada iib ee gacanta sedeexaad ee fulinaysa ay gaadhaan ay yahiin
kuwo loo keenay oo xafiisku oggolaaday.
18, Wuxuu suuro-geliya in loo gudbiyo warbixinta wax-qabadka arrimaha
iibka ee uu xafiisku fuliyay iyadoo laga duulayo foomamka iyo
muddada uu u cayimay xafiiska maaliyaddu.
19, Wuxuu gacan ka siiya islamarkaana u fududeeya baadhista iyo
kormeerka iib ee uu xafiiska maaliyaddu ku samaynayo sidii loo fuliyay
iibka xafiiska, iyado ay qeyb ka yahiin arrimahan hoos ku xusan:-
b, In uu hanti dhawrka iibka dawladda u diyaariyo dukumentiga ay
rabaan mar kastoo ay dalbadan.
t, In uu u diyaariyo hanti-dhawrayasha goob- ay ku shaqeeyan.
j, Inuu u qondeeyo masuul ama shaqale ka warbixiya geedi-
socodki iibashi uu xafiisku meel-mariyey.
20, Natiijooyinka hanti dhawrka iibka fikirka uu xafiiska maaliyaddu ka
bixiyo inuu meel-mariyo oo xafiiska maaliyadda soo war-geliyo
talabooyinka sixitan ee la meel-mariyay.
21, Wuxuu xafiiska dakhliga u gudbiyaa xogaha la xidhidha dakhliga
lacageed ee ka soo xeerootay arrimaha shaqooyinka iibka ee uu xafiisku
meel-mariyay.
6. Xilka iyo Wajibaadka Waaxda Iibka:-
Iyado ay sidooda yihiin xilka iyo wajibaadka bayanka lagu siiyey waaxda
iibku, ayaa waxay leeyahay xilka iyo wajibaadkan dheeriga ah ee hoos-ku
fah-faahsan.
1. Waxay iyado ka duulaysa bahida xafiiska ururisa oo ay u diyaarisa
qorshaha xafiiska qaab-waafaqsan shuruudaha ku xusan qodobka 8aad
(1)
ee awaamiirtan. Sidoo kale, iyadoo ka duulaysa bahida iibka xafiiska ee
la xidhiidha iibyada xafiisyada kale ee la rabo in wadajir loo dhaqan-
geliyo, ayay gaar u soocda marka uu xafiiska maaliyaddu go’amiyo.
10
2, Waxay hubisa in dhamman iibka dawlada ay fuliyeen qandarasleyaal ka
diwan gashan xafiiska maaliyadda isla markaasina ay bangiga ku
leeyihiin accounti, waxan ka ahayn iibasha lagu xeeriyey qodobka 51aad
qodob-hoosaadkiisa (1) xarafkiisa R iyo S iyo qodobka 25aad
(7) ee
awaamiirtan.
3, Waxay iyadoo la kaashanaysa waaxda xafiiska ee iibka soo codsatay
diyaarisaa dukumiintiga tartanka iibka oo ay u gudbisa guddiga
ansixinta iibka.
4, Waxay sixitan ku sameysaa dukumintiga tartanka iibka iyadoo ka
duulaysa talooyinka, fikirka iyo ra’yiga guddiga ansixinta iibka.
5, Iyada oo arrimaha ku xusan qodobka 51aad
ee bayanku sidooda yihiin
ayaa tartanka ibka furan ee heer caalami lagu fulinayo iyo iibka
caddadkiisa lacageed lagu qeexey qodob-hoosadkan iyo waliba iibka ka
sareeya intaasi wakhtiga oggeysiiska tartanka jara’idka lagu soo
bandhigo ayaa sidoo kale dadweynaha loogu shaacin shaashada
internetka xafiiska maaliyadda.
b, Shaqooyinka dhismaha laga bilaabo Birr 10,000,000.00
t, Iibka allabta “ 3,000, 000.00
j, Addeega la talinta “ 2,000, 000.00
x, Addeegyada kale “ 1,000,000.00
6, Marka uu tartanka iibku yahay mid ka sareeya cadadka lacageed ee
lagu xusey qodob hoosadka 5aad
ee qodobkan ee tartamaha ku
guuleystay tartanka la xusho islamarkana uu seexeexo heeshiiska iibka
waxaa muddo shan maalmood guddaheeda loogu shacini nidamka
isgadhsiineed ee Xafiiska maaliyadda iyadoo la buxinayo foomka u
xafiiska maaliyaddu u diyariyey in lagu buxiyo xogta oo loo shaciiyo
bulshada.
7, Waxay iibisaa dukumiintiga tartanka islamarkana fah-faahin ka bixisa
su,alaha la xidhiidha dukumintiga tartanka.
8, Waxay diyaarisa sanduuqa lagu rido dukumintiga tartanka oo ay
maamusha.
11
9, Waxay furtaa dukumintiga tartanka sidoo kalena waxay suro-galisa in
ay ka soo qeyb-galan xaflada furitanka dukumintiga tartanka qaybta
codsatay tartanka iyo wakiilka hantidhawraha guudaha.
10, Waxay hubisa in dukumintiga tartanka ee la soo gudbiyay la seexeexay
bog-walba iyo in lagu dhuuftay shabad islamarkana la diyariyay shiir-
qoraaleedka guddiga.
11, Waxay guddoontaa lacagta damanada tartanka oo ay surto-gelisa in la
xafido. Sidoo kale, iyado ka duulaysa shuruudaha lagu xusey
dukumintiga tartanka iibka ayay dawlada u xeereeysa lacagta damanada
tartanka ama u ceelisaa tartamaha.
12 Waxay hubisa in koobiyada dukumintiga tartanka loo gudbiyey guddiga
loo xilsarey inuu qiimeeyo dukumintiga tartanka. Waxay sido kale
hubisaa in dukumintiga tartanka ee asalka ah si xafiidan loo ilaaliyey, si
hadii uu khiilaaf uga yimado dukumintiga koobiga ah loogu saxo.
13, Dukumintiga tartanka ayay iyagoo koox ah qiimeynayaan ama hadii uu
yahay cadadka qiimaha iibku mid ka badan cadadka lagu xusey
qodobka 24(2) ee awaamiirtani, ay surto-gelini in ay guddiga ansixinta
iibku qiimeeyan.
14, waxay xaqiijisaa in aan lagu kicin ficil wax u dhimaaya ama u
faa’iidaynaya hal qandaraasle mudada lagu jiro in dukumentiyada
tartanka si haboon loo dejiyay ama xisaabta si wacan loo diyaariyay.
15, Waxay sharaxad ka bixisa ama ay sababtaa in sharaxaad laga bixiyo
su’aalaha la xidhiidha go’anada guddiga ansixinta iibka ee guddiga loo
soo jeeddiyo.
16, Waxay isku duba-ridaa islamarkana ay daba-gal ku sameysaa
shaqooyinka iibka ee ay u meel-mariyaan gacanta seedeexadi.
17, Waxay ansixisaa iibasha cadadkooda lacageed ay xadiidan-yahiin kana
hooseeyaan cadadka lagu qeexay qodobka 24aad
ee qodob-hoosadkiisa
2aad ee awaamiirtan islamarkana wafaqsan wakalashada uu madax-
xafiiseedku bixiyay.
18, Waxay tartameyasha la socodsiisaa cidda natiijada tartanka ku
guuleysatey iyo ciddi ku guuldaresatay.
12
19, Waxay allab-keenayasha kala xajootaa shuruudaha heeshiiska
islamarkana iadoo ka duulaysa masuuliyada loo wakiishey ay
seexeexdaa heeshiiska ama u gudbisaa masuulka sare ee xafiiska ee
arrintu khuseyso.
20, Waxay hubisaa in xafiiska dawladu uu fuliyay wajibadkii heeshiiska
islamarkana la sugay xuquuqdisa.
21, Waxay xushaa tartameyashii ka soo qeybgalaya tartanka iibka ku
saleysan qiimo sheegta islamarkana ay uruurisaa qiimaha ay ku soo
tartameen.
22, Waxay hubisaa in qiimaha ay ku soo tartameen tartameyasha ka qeyb-
gelaya tartanka iibka ee lagu fuliyo qiimo sheegta uu yahay qiimo
wafaqsan qiimaha suuqa.
23, Waxay xafiddaa oo ay ilaalisaa dukumintiyada iibka, islamarkana ay
fah-faahiin ka siisaa marka ay si sharciga waafaqsan su’alo uga
weydiiyan cida ay khuseyso.
24, Waxay si deg deg ah u siisaa cadeymaha la xidhiidha arrimaha iibka ee
xafiiska marka ay cida ay khuseyso ka dalbato, waxan ka aheyn
arrimaha lagu xusey qodobka 23(2) ee awaamiirtan, habse-ahaate,
marka helista cadeymuhu yahiin mid kharash ku soo kordhinaya
xafiiska waxa waajib ah inay kharash bixiso cida dooneysa cadeymuhu.
7. Xilka iyo Waajibaadka Guddiga Ansixinta Iibka:-
Iyadoo xil iyo waajibaadka bayaanka lagu siiyey guddiga iibku sidooda yihiin
ayaa wuxuu leeyahiin xilka iyo waajibaadkan hoos ku fah-faahsan.
1, Wuxuu hubiya in waaxda shaqada iibka lihi ay diyaarisay qorshe
sannadeedka isago maanka ku haya oo ku xisaabtamaya arriamahan
hoos ku xusan:-
b/ in baahiyaha kala duwan ee iibku waafaqsan yihiin
broogiraamyada xafiiska.
t/ In aan iib la’aantii si kale oo loo xalinkaraa jirin baahi kasta oo
jirta
13
j/ in qorshaha loo diyaariyey qaab iibka si wadar ah loogu fulin
karo.
x/ iyadoo ka duulayo xaladaha u gaarka ah xafiiska la dhameystiray
arrimahii kale ee loo baahnaa in la dhamaystiro.
2. Wuxuu hubiya dhamaan dukumintiga tartanka ee ay diyaariso waaxda
iibku, iney ka mid yihiin ama ay ku jiraan arimaha hoos ku xusan:-
b, inuu yahay mid wafaqsan dukumintiga caadiga ah ee tartanka ee
uu diyaariyey xafiiska maaliyaddu u diyaariyey iib kasta
noociisa.
t, inuu yahay mid muujinaya arrimaha lagu xusey bayaanka iyo
awaamiirtan ee la xidhiidha caddeynta baahida farsamo.
j, inay yahiin shuruudaha tartanku kuwo cad cad oo cadaaladi ku
dheehan tahay islamarkana la fulin karo.
x, in qoraalada muhiimka ah lagu dhameystirey shuruudaha iyo
arimaha kale ee lagama maarmanka ah ee bayaanka iyo
awaamirtuba u xeeriyeen noocyada kala duwan ee iibka.
3, isagoo sameynaya hawlaha hubineed ee hoos ku xusan, ayuu ansixiya
kadib marka uu hubiyo warbixinta qiimeynta iibasha lacagtoodu ka
sareyso cadadka iib ee noocyadooda lagu xusey qodob-hoosaadka 2aad
ee qodobka 24aad
ee awaamiirtan.
b, in qiimeyntu ku saleysan tahay dukumiintiga tartanka la
xayaysiiyay.
t, in ay waafaqsan tahay shuruudaha lagu xeeriyey bayaanka iyo
awaamiirta.
j- in la hubiyo xaalada geedi socodka qiimeynta ka hor intaan la
gaadhin go’aanka iibka iyo in ay guud ahaan tahay qaabsocodka
arrimaha iibka ee xafiisku mid ku dheelitiran kharashka lacageed
ee uu xafiisku galiyo/ku bixiyo.
4- wuxu meel-mariya waajibadka ku xusan qodob-hoosaadka 16 iyo 23 ee
awaamiirtan.
14
5- wuxu waajibiya in go’aanada guddiga ansixinta iibku ka gaadho
warbixinta qiimeynta iibka ay noqdan kuwo mac quul ah oo sababeysan.
6- wuxuu masuulka xafiiska uga tala bixiya qaabka shaqo ee si hufan
loogu dhaqan gelinkaro bayaanka, awaamiirtan iyo nidaamyada kale ee
xafiiska maaliyaddu soo saaro ee ay tahay in la meelmariyo.
7- wuxu masuulka xafiiska u gudbiya warbixin muujineysa waxqabadkii
guddiga iibka, dhibaatooyinka ay kala kulmeen iyo talaabooyinkii xal
ahaanta loo qaatey iyo go’aanadii leysla qaatey.
8- wuxuu jawaab ka bixiya marka xafiiska maaliyadda ama cida kale ee
awooda u leh ay su’aalo ka weydiiyan qeedi-socodki iyo waxqabadki
guddiga iibka ee xafiiska.
9- waxaa awaamiirtan lifaaqa labaad ee la socda ku fah-faahsan xilka iyo
waajibaadka shaqo ee shir guddoonka iyo xoghayaha guddiga ansixinta.
Sidoo kale waxaa lifaaqa ku cad qaabka iyo nidaamka shirarka guddiga.
Qeybta 3aad
Qorshaha iibka
8. Diyaarinta Qorshaha Iibka.
1, Xafiis kastoo dawladeed iyo qeybaha hoosyimaadaba marka uu
doonayo inuu fuliyo progaramyada shaqo waxa muhiima ah inuu
diyaarsado nidaam iyo qorshe uu ku fuliyo dhamaan baahida iib ee uu
xafiisku u baahan yahay.
2, qorshaha iib ee la diyaarinayo waa in uu ahaado mid meel-marinaya
ujeedooyinka hoos ku xusan:-
b, inuu yahay mid dhaqan gelinaya mabaadi’da iibka dawlada ee
lagu xusey qodobka 5aad ee bayaanka.
t, inuu yahay mid hirgelinaya shaqooyinka xafiiska.
j- inuu yahay mid meesha ka saara dib u dhaca iibka oo gacana ka
geysta hirgelinta shaqada isla markana tashiilaya kharashka
xafiiska.
15
x, inuu yahay mid horseedaya in laga taxadaro dhibaatooyinka
lagala kulmo arrimaha iibka muddada la fulinayo.
9-Qeexida, Uruurinta iyo Diyarinta Bahida Iibka
1, Xafiis kastoo dawladeed marka uu diyaarinayo baahida iibka waxaa
waajib ah inuu maanka ku hayo arrimahan hoos ku xusan.
b, in la hubiyo mar hadii aanu baahida xafiiska guddahiisa waxba ka
tareyn ama wax ka badaleyn in la ogaado in aanu laheyn wax
faa,iido ah oo kale ama aanu noqon karin wax hantiya.
t, in la hubiyo in baahidiisa laga dabooli karo midka suqa yala ama
uu fulin karo addeeg.
j, in la hubiyo in baahida iib ayna noqonin mid ku saleysan qeybo
aan fa,iido laheyn islamarkana aan xafiiska gelinin kharash aan
loo baahneyn.
x, in la hubiyo in baahida iibku tahay mid ku xisaabtantey ama
maanka ku haysa korodhka baahida mustaqbalka,marka uu yahay
iibka la rabo in la meel-mariya mid muddo dheer la isticmaali
doono.
Kh, in la hubiyo hadii aney xaaladi kalifin, in ay baahidu tahey mid
ku saleysan xaaladaha suuqa ama in ay tahay mid ku jaan go,an
sicirka suuqa caadiga ah ee standerka (heer).
d, in la hubiyo baahida iibku in aysan noqonin mid waxyeeleysa
amniga iyo xasiloonida deegaanka.
2, xafiis kastoo dawladeed marka uu rabo in uu ogaado baahidiisa iib ee
sannadlaha ah, waxa loo baahan yahay inuu fulliyo arrimahan hoos ku
xusan:-
b, inuu ka soo codsada qeybaha kale duwan ee xafiiska inta ay
tahay baahida iib ee ay sannadka u baahan yahiin.
t, isagoo ka duulaya baahida loo soo gudbiyey ayuu u kala
habeyn noocyadooda,tiradooda, tayadooda iyo goobta laga
helleyo.
16
j, isagoo ka duulaya baahida iyo mudnanta xafiiska,ayaa wuxu
gaar u kala dhigaa allaabada,qalabka dhismaha iyo addeega.
x, in la hubiyo baahida iib ee la soo gudbiyey iney tahay mid la
heli karo iyo mid an la heli karin.
kh, in iyadoo laga duulayo daraasad lagu sameyey suuqa ama xogo
laga kala heley illo kale la ogaado qiiyaasta qiimaha uu u
baahan-yahay iibku.
d, in la hubiyo in isticmaaleyashu diyaariyen cadeynta baahida
farsamo iyo in ay tahay mid la diyaarin doono.
3, xafiisyada dawladu iyagoo ka duulaya baahida laga soo uruuriyey
isticmaaleyasha,macluumadka laga heley daraasadkii suuqa laga
sameeyey iyo iyaga oo maanka ku haya arirmahan hoos ku xusan ayaa
waxa waajib ah in ay diyaariyaan baahidooda iib.
b, iyadoo arrimaha ku xusan qodobka 48aad
ee bayaanku sidooda ay
yahiin,ayaa waxaa loo bahan-yahay marka ay dhacdo in hal mar
ah la meel-mariyo iibka allaabta,addeega ama qalabka dhismaha
in la meel-mariyo nooca iib ee boqolkiiba kontan ka sareeya
(5%).
t, in ilaa inta ay suragal tahay, hal meela lagu uruuriyo baahi isku
midka ama isku dhaw dhaw.
j, in la hubiyo in iibasha,hal mara la wada la fuliyo,ay yahiin kuwo
si fudud suuqa looga helli karo ama ay yahiin kuwo
helitaankooda suuqa tahay mid ku kala firidhsan melo kala
duwan, islamarkana ay tahay mid sura-gellinaysa in tartan ku
filan la qaban karo.
x, in la hubiyo in meel marinta iibku ayna laheyn wax dhibaato ah
ama culeys ah oo dhib keenaya.
17
10-Xulashada Habka/nooca Iibka
1, xafiisyada dawladu marka ay diyaarinayaan qorshaha iibka waxa looga
baahan-yahay in ay ka xushaan noocyada iib ee lagu xeeriyey bayaanka
iyo awaamiirta hadba midka ku haboon.
2, xafiisyada dawladu marka ay diyaarinayaan qorshaha iibka waxa loo
baahan-yahay in ay hubiyan in qorshaha iibka lagu darey baahidooda iib
ee la ogyahay iyo in loo xuley iib kasta habkii ku haboona ee loo fulin
lahaa.
11-Cayimidda Muddada Fulinta Iibka
1, xafiisyada dawladu diyaarinta qorshaha iibka iyagoo u isticmaalaya
foomka u diyaariyey xafiiska maaliyaddu, ayaa waxa looga bahan-
yahay in ay cayimaan muddada la fullinayo hawlaha ugu waaweyn ee
iibka. Waxa kale oo muhiim ah in maanka lagu hayo nooca iib ee la
fulinayo arrimaha ku haboon ee loo baahan-yahay oo ah sidan hoos ku
xusan:-
b, in muddada iibka la fulinayo ay tahay mid waafaqsan qorshaha
ee xafiiska.
t, in ay tahay waqti suuqa aad looga heli karo.
j, in ay tahay mid ku qorshaysan muddada ugu gaaban ee uu
tartan socon karo oo ah mid waafaqsan lifaaqa 3aad
ee la socda
awaamirta iyo illaa inta ay suuro-gal tahay inuu noqdo mid leh
fursad balaadhan oo loogu tartami karo,islamarkana lagu
diyaarin karo dukumintiga tartanka .
x, in la hubiyo in la siiyey mudo ku fillan oo lagu diyaariyo
dukumintiga tartanka,qiimeynta iyo ansixinta tartanka marka
uu iibku yahay mid aad u adag, isla markana cadadka qiimaha
lacagtuna ay tahay mid aad u badan.
2, iyadoo arrimaha ku xusan qodobkan firqadiisa 1aad
ay sidooda yihiin,
ayaa waxa loo bahan-yahay in laga taxadaro muddada laga fulinayo
waajibaadyada waaweyn ee noocyada iibka in ayna ka badnaan
muddadii loo baahna in lagu fuliyo.
18
12-Mugga Qorshaha Iibka.
1, xafiisyada dawladu iyagoo ka duulaya arrimaha lagu xeeriyey qeybta
3aad
ee awaamirta iyo arrimaha ku xusan lifaaqa (1) ee diyaarinta
qorshaha iibka ee uu xafiiska maaliyaddu u diyaariyey arrinta, ayaa
waxa loo baahan-yahay in ay diyaariyan qorsheyasha iibka ee
xafiisyadooda. Sidoo kale waxa loo baahan-yahay in ay qayb ka yihiin
qorshaasi arrimahan hoos ku xusan:-
b- tirsiga & lambarka iibka
t- qeexidda iibka
j- cadadka iibka
x- fah-faahinta qaabka loo dhaqan gelinayo(fullinayo).
kh- muddada la dhameystirayo hawlaha waaweyn ee iibka.
d- cadadka iyo illa miisaaniyadeed ee lagu qabanayo iibka.
r- noocan heeshiis ee ku haboon iibka.
s- nooca ka qeyb qaadashada geedi socodka fulinta iibka ee
xubnaha ugu muhiimsan.
sh-arrimaha kale ee mudnanta leh iyadoo lagu xisaabtamayo hadba
xaalada uu xafiisku ku sugan yahay.
2, xafiiska dawladu ilaha xogaha uu u isticmaaley diyaarinta qorshaha
iibka iyo arrimaha kale ee uu isleeyahay waxay gacan ka siin karaan
bulshada macaamiisha u ah xafiiska fahanka qorshaha, waa inuu ku
lifaaqo foomka qorshaha iibka.
13-Siyaabaha Qorshaha Iibka Loo Ansixiyo ama Wax looga Baddelo.
1, qaybaha waaxda iibku qorshaha iibka sanadlaha ah ee ay soo
diyaariyaan marka ay u gudbiyan guddiga ansixinta iibka ee ay
fikirkooda ka helaan, waa inay ka ansixiyaan madax xafiiseedka.
2, masuulka sare ee xafiiska dawladu waa in uu duyaariyo nidaam shaqo
oo uu ku hubinayo in geedi-socodka iibku ku salaysan yahay qorshaha
la ansixiyay ee iibka.
19
3, nuqul ka qorshe sannadeedka iibka ee madax-xafiiseedku ansixiyay,
waa in sida ku xusan qodobka 14aad
firqadiisa 2aad
ee bayaanka loo
gudbiyo qeybaha xafiiska ee uu iibku khuseeyo iyo xafiiska maaliyadda.
4, marka qorshe sannadeedka iibka xafiisyada dawladda la ogolaado ee
madax-xafiiseedyadoodu ansixiyaan islamarkaasina nuqul ka mid ah loo
gudbiyo xafiiska maaliyadda wixii ka dambeeya xafiisyada dawladu
kuma talaabsan karaan arimo ka baxsan qorshahaasi mana kala qay-
qaybin karan oo mid uma fulin karan iibka.
5, iyadoo arrimaha ku xusan firqada 1aad
ee qodobkan sidooda yihiin, ayaa
marka ay muhiim u arkaan xafiisyada dawladdu ee madaxa xafiiskuna
aqbalo waxay mar kasta wax ka badel ku sameyn karan qorshahooda
iib.
6, sida lagu qeexey firqada 5aad
ee qodobkan wax ka badel lagu sameyo
qorshaha iibnka, ayaa waxa loo baahan yahay in qaybaha xafiiska iyo
xafiiska maaliyadda ee nuqulkii hore loo diray la wargaliyo.
14-Shaacinta Qorshe Sannadeedka Iibka
Xafiiska maaliyaddu isagoo ka duulaya qodobka 13aad
firqadiisa 3aad
ee
awaamiirtan qorshayaasha iibka sannadlaha ah ee xafiisyadu u soo gudbiyaan
intuu isu ururiyo, sida ku xusan qodobka 6aad
firqadiisa 5aad
ee awaamiirtan
qorsha iib ee xaddiga lacagtiisu ka sarayso, hadba sida loogu baahan yahay intu
noocyada iib u kala qaybiyo ayuu u shaacini. Ama suuragalini sidii ay
xafiisyadu xogahan ugu soo saari lahaayeen shaashadda internetka ee xafiiska
maaliyadda.
Qeybta 4aad
Noocyada Iibka Iyo Dhaqan Galkooda
15- Noocyada/Hababka Iib Ee La Ogol Yahay(La Fasaxey)
15.1- bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawlada qodobkiisa 25aad
, wuxuu
xeeriyey oo uu fasaxey noocyada iib ee hoos ku qoran.
b- Iibka Tartanka Furan ah
t- Iibka tartanka xaddiidan
j- Iibka ku saleysan codsiga qiima sheegta
x- Iibka Tooska hal allaab keene lala gallo
20
kh- Iibka ku saleysan qiimaha tartanka.
d- Iibka tartanka labada heer (meerto).
15.2- waxan ka aheyn shuruudaha bayaanka iyo awaamiirta lagu xusey,
xafiisyada dawlada waxa waajib ku ah in ay wax ku iibsadaan ama
isticmaalan iibka tooska ah.
15.3 - xafiisyada dawladu waxay isticmaali karan ama fullin karaan nooc iib
oo ka baxsan iibka tartanka furan, marka ay jiran oo kaliya xaaladah
bayaanka iyo awaamiirta lagu xusey.
15.4 xafiis kastoo dawladeed oo isticmala nooc iib oo ka baxsan iibka
tartanka furan ee ku xusan qaybta 4aad
ee bayaanka, waxaa waajib ku ah
inuu keeno dukumintiga caddeynaya sababta iyo xaalada uu door-bidey
hababka iib ee noocan ah.
16-Dhaqan Gellinta Iibka Tartanka Furan ah ee Heer Qarran:-
Xafiisyada dawladu marka ay dhaqan gelinayaan iibka furan ah, waxa loo
baahan-yahay iney isticmaalan dukumintiga rasmiga ah ee uu tartanka uu
diyaariyey xafiiska maaliyaddu. Sidoo kale waxaa looga baahan yahay inay
raacan/qaatan nidaamyada fulineed ee qodobkan lagu fah-faahiyey.
16.1-Diyaar Garowga Hore :-
Xafiisyada dawladu si ay u dhaqan-geliyaan habka iibka tooska ee heer
qaran, waa in ay hubiyaan iney dhameystiran yahiin shuruudahan hoos ku
xusan:-
16.1.1. in la hubiyo in iibka la rabo ay buuxinayaan shuruudihiisa
qandaraaslayaal wadani ah oo kaliya islamarkaana ay cadadka lacagtu
ka hoosayaso heerkii loogu tala galay tartanka furan ee caalamiga sida
ku cad qodobka 17aad
farqadiisa 2aad
ee awaamiirtan.
16.1.2. in kastoo, ay cadadka lacagta iibku ka hoosayso heerlkii loogu tala
galay tartanka heer caalami ee lagu qeexay qodobka 17aad
farqadiisa
2aad
, ee awaamiirta hadana marka ay jirto in wax-soo saarku ama
addeegu yahay mid wadanka gudihiisa oo kaliya laga heli karo waxaa
lagu fulin karaa heer qaran.
21
16.2. Oggaysiiska Tartanka:-
16.2.1. si loo suuro-galiyo in ay tartanka ka soo qaybgalaan tiro badan
tartamayaal ahi, waxaa muhiim ah / waajiba/ in oggaysiiska tartanka
ugu yaraan hal mar lagu soo daabaco jaraa’idka sida wayn wadanka
looga akhristo.
16.2.2. iyadoo arrimaha ku xusan qodobka 16aad
ay sidooda yihiin, ayuu
xafiiska dawliga ahi waqtiga iyo cadada uu isagu doorto u fulin kara
nooca iib ee lagu til-mamay qodobka 27aad
farqadiisa 2aad
ee bayaanka,
sidoo kale isagoo addeegsanaya hababka kale ee iib ayuu baahin karaa
oggaysiiska tartanka.
16.2.3. Oggaysiiska tartanku waa inuu ka koobnado (xanbaarsan-yahay)
arrimahan hoosku xusan.
16.2.3.1. Magaca, iyo addareska xafiiska dawladda ee oggaysiiska soo
bandhigay.
16.2.3.2. Nooca allaabta, ama addeega haddii loo baahdo tirada iyo goobta
lagula kala wareegayo ama nooca shaqada dhismaha iyo goobta laga
fulinayo ama nooca addeega iyo goobta lagu qabanayo.
16.2.3.3. Shuruudaha looga baahan-yahay in ay soo buuxiyaan tartamayaashu.
16.2.3.4. Goobta laga heli karo dokumintiga tartanka.
16.2.3.5. Cadadka dammanada tartanka.
16.2.3.6. Cadadka lacagta lagu iibsado dokumintiga tartanka iyo qaabka loo
bixinayo.
16.2.3.7. Goobta lagu xaraynayo dokumintiga tartanka iyo maalinta, saacada
iyo goobta lagu furayo dokumintiga tartanka.
16.2.3.8. Inuu xafiiska dawladu xaq u leeyahay inuu qeyb-ahan ama guud-
ahan ka noqon karo tartanka.
16.2.3.9. Iyo arrimaha kale ee xafiisku doorbido (amino) in loo shego
tartameyasha.
22
16.2.4. Oggeysiiska taratanka kolka loo diyaariyo qaabka uu dhigayo ama ku
xusan qodobka 16aad
farqadisa 3aad
ee awaamirta, luqada lagu qorayna
waa in ay ahato mida dukumintiga tartanka lagu diyaariyey.
16.3.Dukumintiga Tartank Xafiisyada Dawladu:-
16.3.1 Iyado sideeda ay tahay istcmalka dukumintiga ee u diyaariyey
xafiiska maliyaddu, waxa looga bahan-yahay inay hubiyaan in
dukumintiga tartanka ee la diyaarinayo ee la diyaarinayo uu
yahay mid ay ku dhan yahiin arrimaha lagu fah-faahiyey
awaamiirtan.
16.3.2. Marka la diyaarinayo dukumintiga tartanka ee ay isticmaalayaan
xafiiska maaliyaddu dukumintiga caadga ah ee uu tartanka u
diyariyey iyagon wax ka badelin tilmaamaha tartanmeyasha iyo
arrimaha guud ee heeshiiska, ay hadaba iyagoo ka duulayo
xalada iyo nooca iib, ay wax-kabadel ku sameyn karaan qaybaha
kale ee dukumintiga taratanka.
16.3.3. Iyadoo la oggyahayay inta badan in ay diyaariyan dukumintiga
tartanka waaxda ama kooxda shaqooyinka iibku, ayaa waxa loo
bahan-yahay in la hubiyo ka hor inta aan lagu hawgelin
dukumitiga taratanka inu ogolaado in la diyariyo guddiga
ansixinta iibka ee xafiisku.
16.4 Tilmaamaha la siiyo Tartameyasha:-
16.4.1. Xafiiskasta oo dawladeed waa inu dukumintiga tilmaamaha
tartameyasha oo ka mid ah dukumintiga caadiga ah ee tartanka loo
diyariyey iyo shaxda xogta tartanka oo fah-faahsan dhigo qeybta
xusus dhawrka islamarkana uu siiyo tartameyasha haddi ay
codsadaan.
16.4.2 Tilmaamaha tartameyasha ee ay diyariyaan xafiisyadu,waa in
xafiiska dawladu hubiyo in ay qeyb-ka yahiin arrimaha hoos ku
xusan:-
b- Alaabta la soo iibinayo, ama shaqada dhismaha, addeega la
talinta iyo addeegyada kale ee la qabanayo guud ahan, waa
23
in lagu muujiyaa magaca xafiiska, ciwaankiisa iyo sidoo
kale illaha miisaaniyada iibka.
t- Waa inuu yahay mid muujinaya shuruudaha loo bahan-
yahay in ay soo buxiyan tartameyashu iyo sidoo kale
caddaynta diwan gelinta fadka (VAT)-ka tartameyasha
wadaniga ah ee u tartamaya tartanka qiimaha lacagtiisu ka
sareyo Birr 100,000.00. Sidoo kale marka ay tartameyashu
yihiin tartameyal ajanabi ah in looga bahan-yahay in ay soo
gudbiyan liisanka kambanigoda ee wadanka lagaga diwaan
geliyey.
j- Haddi dokumentiga tartanka ay ku jiraan arrimo u baahan
in la cadeeyo, waa in ay la socoto faah-faahin qeexaysa sida
caddaynta loo waydiisan karo, waqtiga iyo in su’aalaha loo
baahan yahay in qoraal lagu soo gudbiyo.
x- Qaabka loo baahan yahay inuu noqdo dukumintiga
tartanka ee ay tartamayaashu soo gudbinayaan, luuqada lagu
soo diyaaranaayo, arrimaha kale lagu qeexay dukumintiga
caadiga ah ee tartanka iyo xogaha, nooca foomamka iyo
tiradooda.
kh- tartamayaashu in aanay ka qayb-qaadanayn ficilada la
xidhiidha wax-isdaba-marinta iyo musuq-maasuq iyo
waliba inay ixtiraamayaan shuruucda dalka itoobiya oo ay
adkaynayaan foomka dhaarta ee ay saxeexooga ku balan
qaadayaan oo ku lifaaqan dukumintiga tartanka iyo kuwa
kale ee looga bahan yahay inay soo buuxiyaan soona
saxeexaan.
d- Tartamayaasha isku daya inay khal-khal galiyaan geedi
socodka taratanka in laga saari doono tartanka, ka dibna
ayna ka qayb-gali doonin tartanka iibka dawlada iyo in aan
loo celin doonin lacagtii dammanada tartanka.
r- Marka tartamayaasha looga baahan-yahay in ay keenaan
muunada allaabta waxaa loo tilmaami goobta iyo waqtiga
muunada la keenayo iyo sidoo kale in muunadaha loo celin
doono tartamayaasha laga guuulaysto iyo in kale.
24
s- Goobta uu yaalo sanduuqa tartanku iyo in aan la
ogalaanaynin in lagu rido warqadaha gadaal ka yimaada Ka
dib marka la xidho sanduuqa.
Sh- Habka loo isticmaalayo qiimaynta geedi-socodka shaqo ee
tartanka la meel-mariyo, shuruudaha u yaala qiimayntaasi la
dhaqan-galinayo iyo shuruud kasta dhibcaha ay leedahay
(ku fadhido) iyo sidoo kale marka ay laba tartame ama in ka
badan ay natiijada qiimayntoodu isku mid noqoto,
shuruudaha iyo qaabka lagu kala saaro, si loo oggaado
tartamaha ku guulaystay tartanka.
dh- Muddada dhaqan-galinta heeshiiska, in qiimo badal la
samayn karo iyo in kale, iyo haddii qiime badal la ogalaado
qaabka loo meel-marinayo.
c- Dammanada tartanka, cadadka iyo nooca dammanada
fulinta heeshiiska iyo sidoo kale cimriga dammanadahasi.
g- Muddada ugu danbaysa ee la xaraynayo dukumintiga
tartanka iyo goobta, maalinta iyo saacada la furayo
dukumintiga tartanka.
f- Mudada uu jiraayo qiimaha tartanku iyo sidoo kale goobta
iyo waqtiga wax lala kala wareegayo.
q- Mudnaanta gaarka ah ee loo fasaxay shirkadaha iyo wax-
soo-saarka dalka guda-hiisa ee bayaanku xeeriyay.
k- In dokumentiga tartanka lagu soo rido hal boqshad ama laba
boqshadood, qaabka loo xidhayo boshqadaha, in ay yihiin
kuwo isku mid ah, in la soo xareeyo originalka iyo
koobigaba, tirada koobiyada, in dukumintiga uu saxeexay
cidii awooda u lahaydi iyo in dikumintigu shaabad u
baahan-yahay, iyo sidoo kale (in shahadada
cusboonaysiistay, in aan cashuur lagu lahayn iyo arrimaha
kale ee uu xafiisku u baahdo) qaababka loo soo gudbiyo.
l- Qaab-waafaqsan arrimaha ku xusan qodobka 16, 26 ee
awaamiirtan, marka ay suuro-gal tahay in horumarin la
25
oggol yahay, in lagu caddeeyo cadadka iyo nooca
dammanada ee la oggol-yahay.
m- Haddii tartamayaashu ay cabasho ka qabaan qaab socodkii
tartanka in ay xaq- u leeyiin in ay cabashadooda ku soo
gudbiyaan qaab waafaqsan shuruudaha ku xusan cutubka
afar iyo tobnaad ee bayaanka iyo qodobka 35aad
iyo 47aad
ee
awaamiirtan.
n- In xafiisku ka hor intaanu heeshiiska la galin taratamaha ku
guulaystay taratnka, in cadadka qalab ee ku qoran
dukumintiga tartanka inuu keeno lagu kordhin karo ama
laga yarayn karo marka loo baahdo boqolkiiba
labaatan(20%) isagoon wax- laga dhimin qiimihii lagu soo
tartamay.
16.4.3. Mugga tilmaamaha tartamayaasha ee dukumentiga caadiga ah ee
tartanka haba yaraatee wax isbadal ah laguma samayn karo. Wax-
kabadalka lagu sameeyo tilmaamaha tartamayaashu waa mida la
xidhiidha fah-faahinta xogaha tartanka ee ku taala shaxda.
6.5.Qeexidda Bahida Farsamo
b- Xafiisyada dawlada ee badanaa fuliya (dhaqan-galiya) iibasha
aadka isugu-dhafan islamarkaana u baahan kharash aad u
sareeya, waxaa loo baahan-yahay in loo diyaariyo faah-faahin
qeexaysa baahida farsmo sida xusan qodobka 21aad
ee bayaanka.
t- Iyadoo uu ku salysan-yahay rabitaanka istic-maalayaasha ayaa
waxaa muhiim ah inay noqoto qeexidda baahida farsamo ee la
diyaarinayo mid ku salaysan hadba noocyada iib,
faa’iidadooda, qaabka shaqo, farsamo ama dabiiciga dhismo
islamarkaana ayna noqonin mid xayirta tartanka iibka.
j- Qeexidda baahida farsamo ee la diyaarinayo iyadoo qayb ka ah
heeshiish ayaa waxay faa’iido u tahay xaqiijinta (sugida) fulinta
heeshiiska.
x- Qeexidda baahida farsamo ee alaabta la rabo, addeega la
talineed iyo shaqada dhisme waa inay diyaariso waaxda iibka
ee xafiiska iibka doonaya ama khabiirada xafiiska ee aqoonta
26
dheeriga ah u leh iibka la doonayo in la fuliyo. Iibasha aadka
isugu-dhafan ee u baahan kharash aad u sareeya, xafiisyada
dawladu waxya samayn karaan in xafiisyada kale ka codsadaan
ama u shaqaalaystaan khabiir u diyaariya qeexidda baahida
farsamo.
Kh- Marka la diyaarinayo qeexidda baahida farsamo looma baahna
in lagu muujiyo (dhigo) shirkado gaara calaamadahooga
qanacsi. Habase-ahaate, marka ay muuqato in ay adag tahay in
la diyaariyo dalab si cad u muujinaya baahida ama iibka loo
rabo qorshe gaara ama u baahan qalab dayactir ama marka
allaabta ama addeega loo baahan-yahay cida samaynaysa tahay
hal shirkada oo kaliya ayaa shirkada alaab soo dajinta ama
addeeg bixinta magaceeda ama eray u dhigma lagu dhajin karaa
iyadoo la raacinayo “iyo wixii la mid ah”.
d- Waa in la hubiya qeexidda baahida farsamo ee la diyaarinayo
inay tahay mid aanay ku jirin shaqooyin keni kara ama
carqaldaynkara baahida hadda (eega) iyo mida mustaqbal ee
xafiiska dawladda.
r- Xafiiska dawladu marka uu diyaarinayo qeexidda baahida
farsamo, wuxuu samayn karaa isagoo ku darsanaya
mabaadi’ida nidaamka darjaynta ee u soo saaro xafiiska
maaliyaddu ama tayada iyo darajaynta itoobiya ama ha’yadaha
kale ee hadba nooca iibku khuseeyo.
s- Waxaa loo baahan-yahay inay qeexidda baahida farsamo tahay
mid u sahlaysa taratmayaasha raba inay ka qayb-qaataan
tartanku inay sida ugu haboon u diyaariyaan dukumintiga
tartanka oo ay qayb- ka tahay isla dokumantiga tartanka.
16.6. Foomka Tartanka iyo Shaxda soo gudbinta Qiimaha:-
b- Xafiisyada dawladu dukumentiga ay u diyaariyaan tartanku waa
inuu yahay dukumentiga u diyaariyay xafiiska maaliyaddu ama
hadba nooca iib uu xafiisku u diyaariyay oo ay ka mid yihiin
foomamka tartanka, qiimaha iyo arrimo la xidhiidha foomka ama
shaxda lagu soo gudbiyo iyo dokumantiga kale ee muhiimka loo
27
arko ee ay tahay in ay soo buuxiyaan tartamayaashu waa inay ku
jiraan.
t- Sida uu qabo qodob-hoosaadkan xarafkiisa “b” foomka soo
gudbinta qiimaha tartanka ee xafiisyada dawladu diyaariyaan
waa in hadba sida ay baahidu tahay lagu cadeeyaa qiimaha,
canshuurta, iyo arrimaha kale ee soo gudbinta qiimaha la
xidhiidhka. Sidoo kale, waa inuu yahay mid suura-galinaya in
qiimaynta tartanku noqdo mid cad oo dhakhso badan.
j- Foomka tartan ee la diyaarinayaa waa inuu yahay mid suuro-
galiya sidii uu tartamahu u soo gudbin lahaa fikirkiisa ku aadan
tartanka oo cad, inuu fahmay geedi socodkii tartanka, inuu ka
digtoonaado arrimaha khal-khal galinaya tartanka iyo inuu
tartmahu masuuliyadeeda leeyahay arimaha la xidhiidha
fikirkiisa.
16.7. Shuruudaha Guud iyo kuwa Garka ah ee Heeshiiska
16.7.1. Xafiis kasta oo dawladeed dukumentiga shuruudaha guud iyo
kuwa gaarka ah ee uu heeshiiska u diyaarinayaan koobiyadooda waa
inuu ka dhigo qayb ka mid ah dukumentiga tartanka oo islamarkana
la siiya tartamayasha.
16.7.2. Dukumentiga shuruudaha guud ee heeshiis ee tartanka caaddiga
ah wax-kabadal laguma samayn karo. Shuruudaha heeshiiska ee
gaarka ah laakiin hadba iibka la fulinayo noociisa iyo dabiicigiisa
iyadoo lala xidhiidhinayo qodobada ku xusan shuruudaha guud ee
heeshiiska habayn lagu samayn karaa.
16.7.3. Iyadoo arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.7.1 iyo 16.7.2,
ay sidooda yihiin ayaa in kastoo ay kala duwanaan karto hadba sida
nooca iibku yahay ee shuruudaha heeshiiska ee gaarka ah ee
xafiisyada dawladu diyaariyaan, hadana waxaa muhiim ah in ay ka
mid ahaadaan arrimahan hoos ku xusan:
b- In la hubiyo in ay ku caddahay xilka iyo waajibaadka
qandaraaslaha iyo xafiiska dawladda iyo in ay waajibaadyada
xafiiska dawladda la saaray ay yihiin kuwo leh daliil sharci lana
fulin karo.
28
t- Inay ku caddahay haddba sida loogu baahdo qaabka ugu
muhiimsan ee heeshiiska loo dhaqan-galin karaayo, mudada la
soo gudbinaayo, sida loo lingaxayo, masuuliyada qiimo sixidda
iyo lacag bixinta, guddoomitaanka iyo hawlaha hubinta,
damaanad iyo wixii la mid ah qaabka loo fulinayo.
16.8 .Diyarinta Shuruudaha Qiimaynta Tartanka
16.8.1. Xafiiska dawladu waa inuu shuruudaha qiimeynta tartanka si cad ugu
muujiyo qaybta kartida iyo qiimaynta ee dukumintiga caadiga ah ee
tartanka.
16.8.2. Inkasto shuruudaha qiimeynta tartanku hadba sida nooca iibka yahay
u kala duwanaanayaan, hadana waxaa lagama-marmana in labadan
hab xulasho ee asaasiga mid ka mida lagu fuliyo:-
b- In la xaddido heerka ugu horeysa ee shuruuda farsamo ee
iibka laga ogol yahay kadibna tartamayaasha buuxiya
heerkaasi looga baahnaa laga dhex-xusho tartamaha soo
gudbiyey qiimaha ugu hooseya, ama
t- In shuruudo go’aamin kara faa’iidada dhaqaale iyo waxtar ee
iibka iyo waliba iyadoo siday shuruudahaasi u kala miisaan
culus yihiin si cad loogu muujiyo dukumantiga tartanka, in
qiimayn ku salaysan shuruudahaasi la sameeyo oo tartamaha
ugu dhibca sareeya la xusho.
16.8.3. qodob-hoosadka qodobka 16.8.2 ee kor ku xusan qaabka lagu qeexay
in qiimeyn lagu sameyo shuruudaha loo doortey inay xaddidaan iibku
inuu wax tarka ugu sareeya keeno iyadoo ay tahay inay xaqiiqo ku
salysanaadaan oo lacag ahaanna lagu muujin karo, ayaa waxaa loo
baahan yahay inay ku salaysanaadaan arrimaha hoos ku xusan ku:
b- Marka iibku yahay mid caddi ah ama alaab keenid heerkeeda la
garanayo, inuu yahay mid xafiiska faa’iido u leh oo shuruudo
gaara ah oo tartamayaasha dhexdooda kala duwanaan ka dhalin
kara laga keeni karo iyo in kale, ama
t- Xafiiska dawladu shuruuda u hooseysa ee uu u dhigay ka
sokow shuruudaha laga keeni karo in faa’iido dheeri ah laga
29
helayo iyo in aan laga helayn ama shuruudaha dheerigu waxtar
xafiisku ka helayo heerka ugu hooseeya iyo kan ugu sareeya,
j- In alaabta la iibsanayo aan loo samayn heerar (standard) oo si
faa’iido looga helo in alaabo u dhaw qeexidda farsamo ay
jiraan iyo in kale,
x- Iyado allaabtu tahay mid muddo dheer lagu shaqaysan karo
marka ilihii alaabta laga heli jiray kala duwanaansho ka jiro
awgeed ay kharash dheeri ah u baahan tahay in siyaabo kale loo
isticmaalo, loo xafido isla markaasina looga takhaluso.
16.8.4- Xafiiska dawladu dukumintiga ay soo gudbiyaan tartamayaashu
marka lagu qiimeyo qaab wafaqsan shuruudahan ku xusan qodob-
hoosadka 16.8 ee la oggado qandaraslaha ku guleystay, haddi xafiisku
aaminsan yahay in loo bahan - yahay in qiimeeyo lagu xqiijiyo kartida
tartamaha guulaystay ee wakhtiga la joogo waa in shuruudaha
qiimayntu ay ahaadaan ku marka horeba ku caddaa dokumantiga
tartanka.
16.8.5 -Sida ku xusan qodob-hoosadka 16.8.3 shuruudaha loo xusho in
loo adeegsado tartansiinta waa in la xaqiijiyo inay yihiin kuwo gacan
ka geysan kara go’aaminta fa’iidada ay keneyso allabtu ama addeegu,
waa in sida ay ugu kala muhiimsan yihiin samaynta ay ku leeyhiin
go’aaminta fa’iidada iibku keenayo miisaankooda loo kala cusleeyo.
16.8.6- Habka hirgelinta qiimeynta loo addeegsado fulinta iibka adeegu
iyadoo ay tahay mida ku xusan qodob-hoosadka qodobkan 16.8.2
xarafkiisa (t) ayaa waxa loo baahan yahay in dhibcaha qiimaha la
siinayo aanay ka hooseyn (50%) ka mid ah dhibcaha guud.
16.9- Go’aminta Muddada Tartanku U Furnanayo Tartamayasha
16.9.1- Xafiiska dawladu marka uu diyaarinayo dukumintiga tartanka
wuxu go’aamiyaa malinta ugu danbeysa ee la soo xareynayo
dukumintiga tartanka isago ka duulaya arrimahan hoos-ku xusan:-
b- Muddada ay qadan karto in tartamayashu helan dukumintiga
tartanka, lagu diyarinayo dukuminti la aqbali karo, xog lagu
uruursan karo, lagu fah-faahin karo, haddi loo baahdo isgarbsi
lagu samaysan karo, lagu heli karo wakiilnimada alaab soo
30
saaraha iyo caddaynta wakiilashada awooda seexeexa iyo
waliba shuruudaha hore ee looga baahan yahay ka qayb-
qaadashada tartanka muddada lagu diyarin.
t. Marka tartanku yahay tartanka furan ee heer caalami,
muddada lagu soo gaadhsiinayo dukumintiga tartanka goobta
lagu xareynayo,
x. Marka tartanku yahay iibka shaqooyinka dhismaha, muddada
soo xaqiijinta goobta dhismaha iyo tartanka ka hor mudada ay
qadanayso kawada xajoodka u diyaargarawga tartanka.
16.9.2. Iyaddo ay sidooda yahiin ama arrimaha ku xusan qodob-hoosadka
qodobka (16.9.1) muddada tartanku furan yahay ee lagu xareyn kara
waa in ayna ka yaran/yaranin muddada lagu xusey lifaqa tirsigisu-yahay
3 ee la socda ama ku lifaqan awaamiirtan.
16.10.Iibka Dukumintiga Tartanka
16.10.1. Tartan kasta dukumintiga tartan ee la diyariyey qiimaha lagu
iibiyo waxa go’aamin dona xafiisyada dawlada iyagoka duulaya
arimaha lagu xeeriyey qodobka 30aad
ee bayanka ee hoos-ku xusan.
b. Qiimaha iibka dukumintiga tartanku wa inaanu noqon mid
xafiisyada dawladu ka dhigaan in tartameyal badani aanay helin.
t. Xafiisyada dawladu marka ay go’aminayan qiimaha dukumintiga
tartanka waxa loo bahan yahay in uuna noqonin mid fa’iido laga
rabo ee uu noqoto mid looga danleyahay in uu daboolo
kharashkii ku baxay diyarinta dukumintiga oo kaliya.
16.10.2. Xafiisyada dawladu iyago maanka ku haya arrimaha hoos-ku
xusan, ayay hadba sida loogu bahdo bilash ku siin dukumintiga tartanka
ama amar ku bixin in lagu iibiyo qiimo ka hooseya kharashkii ku baxay
diyaarinta dukumintiga:
b. Marka loo maleyo in aanay jirin tartameyaal badani,
t. Marka xafiisku aaminsan-yahay in kharashka ku baxay diyaarinta
dukumintiga tartanku aad u yar yahay,
31
j. Marka xafiisku aamino in kharashka ku baxay diyarinta
dukumintigu yahay mid aad u sareeya oo hadii tartamayaashu
kharashka oo dhan ha bixiyaan la yidhahdo ay keeni karto inuu
yarado ka qayb-galka tartameyashu,
x. Marka xafiisku aamino in tartanka dib loogu noqdo isla
markaana tartameyashi hore u iibsadey dukumintiga tartanka si
ay uga qeyb-galaan tartanka aanay haboonayn in ay marlabad
iibsadan.
16.10.3. Dukumintiga tartanku laga bilabo maalintii la soo bandhigay
tartanka illa maalinta ugu danbeysa ee la xidhayo, waa in maal-maha
shaqo ee u dhaxeeya muddadas ay tartameyashu heli karan isago u
diyarsan qaabkii loogu tilmaamay oggaysiska.
16.11. Qaabka soo gudbinta Muunadda
16.11.1- Marka aanay suro-gal ahayn diyarinta qeexidda baahida farsamo
ama qeexidda baahida farsamo ee la diyariyay la aaminsan yahay in
iibku kaga fa’iido badan yahay in loo sameeyo muunado dheeriya,
xafiiska dawladu wuxuu samayn kara in muunad dheeriya loo soo
gudbiyo ama loo soo dhaweeyo.
16.11.2. Xafiiska dawladdu marka uu isaga laftikiisu soo bandhigo muunad
islamarkana uu rabo in tartameyashu keenan muunad la mida tan la
tusay:
b. Muunada xafiiska dawladdu soo bandhigay ma’aha in ay noqoto
mid la xidhidha hal qandarasle ama ayna noqon allaab lagu
sameeyay calamad ganacsi. Sidoo kale, ay noqdaan sida ugu
suro-galsan muunado la qaadan karo oo la soo bandhigi karo
loona sheego tartamayaasha inay keeni karaan.muunadahasi
kuwa la mid ah iyo kuwo tayo ahaan iyo nooc ahanba u dhaw.
t. Waxa loo bahan-yahay in la hubiyo in muunadaha la dhigey meel
si fiican/si cad/tartamayashu uga arki karaan iyo in loo diyariyey
khabiir sharaxaad ka bixiya munadahaaasi, hadii loo bahdo.
j. Munadaha tartameyasha loo bandhigey kasokow xafiisku hadii
uu rabo inuu diyariyo qeexidda bahida farsamo, waxa haboon in
32
qeexidda la diyarinayo noqdo mid illa xad, muujinaysa dabiiciga
farsamo oo la mid ah munadahii loo soo bandhigey tartamayasha.
16.11.3. Marka la rabo in tartamayashu soo gudbiyan munadahii loogu
xusey qeexidda bahida farsamo.
b. Tartamayaasha waxa loo bahan yahay in si cad loo wargaliyo
nooca, muddada iyo qaabka, munadaha ay keenayaan.
t. In kasto ay tahay in muunadaha laga hor keeno/gudbiyo tartanka
hadana marka ay dhacdo in isagoo soo direy tartamuhu lakiin
arrimo isgadhsineed awgeed uu dib uga dhacey muddada la soo
gudbin laha, xafiisku wuxu siin kara muddo kale oo uu ku soo
bandhigo munadaha marka uu garawsado in ayna wax u
dhimaynin meel-marinta iibka.
16.11.4. Qandarasleyashu marka ayna muuqal ahaan keeni karin muunada
ee xafiiska dawladduna ka aqballo sababta ay u keeni kari waayeen,
xafiisku wuxuu ogolaan karaa in ay u soo gudbiyaan xogaha ku saabsan
muunadahaasi. Taasi oo ay ka mid noqon karaan sawirada munadaha
ama inta qayb-ahaan laga hayo munadaha. Habase - ahaate, waxa
qaabkan oo kale la fulin karaa marka la hubiyo in aanu wax-isbadela ku
keenayn xulashada tartamaha ugu roon oo aanu sidoo kale tartamayasha
dhexdooda kala duwanaansho ku keenaynin.
16.11.5. Xafiiska dawladda waxay masuuliyadi ka saran tahay inuu si
taxader leh u xafiido una hubiyo muunadaha ay keenaan tartamayaashu.
Hase-ahaato e munadaha tartamayaashu keenaan muddada baadhitanka
ay ku jiran haddii ay sababo la xidhiidha xaga dabiiciga alaabta awgeed
u lumaan ama ay xumaadan malaha wax-magdhaw ah. Muunadaha aan
lumin ama xumaanin badhitanku markuu dhamaado waxaa loo celin
tartamihii laha. Tartamayaashu haddi aanay ku qaadan muunadahooga
ay soo bandhigeen laga bilabo malinta la furo tartanka ilaa muddo lix-
billood ah gudaheed waxa inta lala wareego ayaa dawladdaloo xarayni.
16.11.6. Haddi aanu xafiiska dawladdu go’aan kale gaadhin, muunadda
tartamaha guuleysta waa inay taalo illa inta uu dhamanayo iibku
maadaaama loo bahan yahay in la isbarbar dhigo munadaha iyo allaabta
muddada wareejinta allabta.
33
16.12. Fah-faahinta ama Wax-ka Bedelka Lagu Sameeyo Dukumintiga
Tartanka
16.12.1. Sida ku xusan qodobka 31aad
ee bayaanka, xafiisyada dawladu waa
in ay fah-faahin ka bixiyan su’alaha ay tartamayashu ka waydiyan
dukumintiga tartanka ee ay xafiisyadu diyariyan.
16.12.2. Iyagoo ay jiran arrimaha ku xusan qodob-hoosadka qodobkani ee
16.12.1, su’alaha fah-faahinta ama wax-kabadelka la xidhiidha ee an
buxinin arrimaha hoos-ku xusan xafiisku kuma qasbana inuu jawaab ka
bixiyo:
b. Sida ku xusan awaamirtan iibka aadka is ku-dhafan ee dalka
gudahiisa lagu qabanayo muddada ugu yar ee tartankiisu
tartameyasha u furnaanayo ay tahay 30 malmood, marka ay
muddadii lagu xareynayey in ka yar 10 maalmood ka hadhsan
tahay su’aalaha la soo gudbiyo,
t. su’alaha la soo jeediyo marka ay ka hadho 21-malmood
muddadii lagu xareynayey dukumintiga tartanka furan ee heer
caalami.
j. su’alaha la soo jeediyo marka ay ka hadho 5 malmood muddadii
lagu xareynayey dukumintiga tartanka marka uu iibku yahay mid
fudud oo muddada ugu yar ee tartameyasha u tartanku u
furnaanayona ay tahay 15 malmood.
16.12.3. Su’alaha fah-faahinta u baahan ee ay soo jeedinayan
tartamayashu jawaabta laga bixinayo iyadoo ah qoraal ayaa iyadon la
xusin cidda soo jeedisey si iskumida loogu diri dhamman tartamayaasha
ka qayb-galaya tartanka.
16.12.4. Xafiisyada dawladu iyagoo ka duulaya su’alaha u bahan fah-
faahinta ama wax-ka badelka ee ay tartamayashu u soo jeediyeen ayay
markay u arkaan inay muuhiim tahay ku sameyn fah-faahin ama wax-ka
badel dukumintiga tartanka ee xafiisku horey u diyariyey. Wax-ka badel
kasta oo mugga dukumintiga tartanka wax-ka badelaya iyagoo laga
dhigayo qayb labaad oo ka mid ah dukumantiga tartanka, ayaa waxaa
baahan yahay in wakhti isku mid ah la gaadhsiiyo dhamman tartameyashii
horey u iibsadey dukumintiga tartanka.
34
16.12.5- Xafiisyada dawladu marka ay dukumintiga tartanka wax-ka badel
ku sameeyan, sida ku xusan qodob-hoosadka qodobkan ee 16.12.9,
islamarkana tartameyasha ayna muddada tartanka ka hadhey ka gaadhsiin
karin inay ku soo daran wax-ka badelka, ayaa xafiisku muddo dheeraad
ah ku dari maalmaha tartanka lagu soo xareynayo.
16.12.6- Xafiiska dawladdu wuxu sameyn kara marka uu arko in ay muhiim
tahay in loo yeedho islamarkana fah-faahin laga siiyo tartamaysha
iibsadey dukumintiga tartanka ee xafiisku diyariyey. Intaasi kadibna
doodaha laga yeesho arintaaasi waa looga baahan yahay in la qoro oo
laxafiido hadal-qoraalka (shiir qoraleedka).
16.12.7- Si ay tartameyasha soo buuxinaya dukumintiga tartanka ugu suura-
gasho in ay ku soo buuxiyaan dukumintiga fah-faahinta ama wax-ka
badelka laga ogolaaday waxaa loo bahan-yahay in ay helaan koobiga
dukumintiga wax-ka badelka iyo fah-faahinta lagu sameyey markii shirka
wada-hadalka la yeeshay lagu jirey.
16.13. Luuqada Tartanka:-
16.13.1- Sida ku xusay qodobka 19aad
ee bayanka waa in luuqada lagu
diyarinayo oggaysiiska tartanka, dukumintiga tartanka iyo guud ahaan
luuqada tartanku ahaato:-
b- Marka ka qeyb-galasha tartanka yihiin dhamantood
qandarasleyal wadaniya luuqada tartanku waxay noqonaysaa af
Soomaali, habase-ahaate, marka uu xafiisku u arko in hadii
ingriis laga dhigo ay fa’iido badan leedahay islmarkana
tartameyal badani ka soo qeyb-galidoonan, waxa lagu diyaarin
oggeysiiska tartanlka, dukumintiga tartanka iyo guud ahaan geedi
socodka tartanka luuqada afka Ingriiska.
t- Dukumintiga tartanka furan ee heer caalami waxa lagu
diyarin afka ingiriiska.
16.13.2- Marka sida kor ku xusan tartamayasha dukumintigooda tartanka
iyo cadeymahooda kale ku diyariyey luqad ka baxsan luqadii loogu
talagaley in lagu buuxiyo dukumintiga tartanka, waxa looga baahan
yahay gaar ahaan dokumantiga mugga aassaasiga ee tartanka wax ka
badali karaya inay tarjume sharciyad leh kasoo tarjumaan oo ay sso
gudbiyaan iyagoo ku soo lifaaqaya asalkooda.
35
16.13.3- xafiiska dawladu marka uu xaqiijiyo inuu dokumantiga tartamuhu
keenay faraqi weyn oo asaaasi ahi u dhaxeeyo dukumintiga tartanka
lagu diyariyey iyo mic-naha luqada lagu soo turjumey islamarkana uu
aamino in uu dukumintiga ku keeni karo faraq weyn oo wax-ka badela
mugga dukumintiga, wuxuu ka saari karaa dukumintigaasi tartanka.
16.14. Qiimaha Tartanka iyo Wax-ka Badelka Qiimaha:-
16.14.1- Xafiiska dawligi waa inuu xaqiijiyo in qiimayasha tartanka ee
tartamayaashu soo buuxiyeen uuna aheyn mid ku saleysan qiimaha
qandarasle kale oo ay yihiin kuwo aan waxba iska badaleyn muddada
tartanka iyo dhaqan-gelinta heeshiiskaba.
16.14.2- Iyadoo ay jiraan arrimaha ku xusan qodob-hoosadka qodobkani
16.14.1, marka xafiiska dawladdu ogaaddo in ay jiraan xaladaha hoos-ku
xusan 12 bilood kadib maalinta uu dhaqan-galey heeshiiska shaqooyinka
dhismaha iyo 3 bilood kabib marka uu hirgaley iibka heeshiis-duleedka ee
wadajirka loo dhaqan-galinayo, in qiima bedel ama hagajin (sixid0 la
samayn karo waa in dukumantiga tartanka lagu caddeeyo.
b- Marka la hubiyo in dhameystirka heeshiiska shaqooyinka
dhismaha u hadhan tahay muddo 12 bilooda iyo dhameystirka
wajibaadyada heeshiis-duleedka ay u dhiman tahay muddo lix
bilooda,
t- Marka ay xafiiska maaliyaddu u bixiyo macluumad lagu bilaabi
karo in qiimo sixid ama qiimo badel lagu sameeyo heeshiis-
duleedka iibka wadjirka lagu fuliyo.
j- Unuga loo xushay in qiimo sixid lagu sameyo waa in la hubiyo in
xafiiska maaliyaddu uu soo gudbiyey xogo muujinaya xalada
qiimahaa ama xogaha la xidhiidha qiimaha.
x- Iyadoo ay jiran arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.4.2.
xarafkiisa (j) unugyada uu xafiiska maaliyaddu ku guuldareysato
in uu ka bixiyo xogo la xidhiidha qiimaha wakhtiga xaadirka ah,
xafiiska dawladu marka uu aamino in la sameyo qiimo sixid
wuxuu sameyn unugyada la rabo in qiimo badel lagu sameyo xog
la xidhiidha qiimaha inuu ka heelo hayadaha wax-soo sarka ee
wadaniga ama hayada sharciga ah ee dibeda (ajnabiya).
36
16.14.3- Qiimo Sixid lagu Sameyo Iibka Shaqooyinka Dhismaha:-
Iyagoo arrimaha lagu xusey qodob-hoosaadka 16.14.2, ay sidooda yihiin,
qiima sixid kasta oo la xidhiidha iibka shaqooyinka dhismaha waa in ay
noqdaan kuwo ku saleysan nidaamyada shaqo ee hoos-ku xusan
islamarkana lagu saleyo jaangoynta lagu xuso dukumintiga tartanka
caadiga.
b- In shaqooyinka dhismaha ee ugu waaweyn loo dhameystiro
qalabka ay u bahan-yahiin si gaarana loogu dhigo alaabteeda
shaqo kasta oo dhisme.
t- In la oggado shaqooyinka waaweyn ee ay hoosyimadan
shaqooyinka yar yar ee uu bahan allabaha kala duwani kalinta ay
ku leeyahiin guud ahaan shaqooyinka wax-qabadka dhismaha
kadibna la go’aamiyo midka qiimo sixida lagu sameyn karo iyo
kuwa kale ee aan lagu samayn karin.
j- Ka hor intaan la xidhin tartanka qiimahooda lagu sheegayo ayaa
billow ahaan loo qaadan qaab ku saleysan jangoynta qiime
sixida.
x- Marka dalabka qiimo sixidu ku soo gudbo qaab-waafaqsan
arrimaha lagu xeeriyey qodob-hoosadka 16.10.2, siiba iibka
shaqooyinka dhismaha qiimo badelka waxa lagu saleyn qiimaha
wakhtigan xadirka lagu shaqeeyo islamarkana waxa la wafajini
jan-goyntii hore.
16.14.4- Qiimo Sixida Lagu Sameeyo Iibka Heeshiis-duleedkaka Lagu
Fuliyo:-
Xafiisyada dawladu qiimo sixida ay ku sameynayaan iibka heeshiis-
duleedkaka lagu fuliyo waa inuu noqdo mid u dhaca qaabkan hoos-
xusan:-
b- Wax-qabadka qiimo sixida lagu sameynaya waa in ay yihiin
kuwa u xafiiska maaliyaddu ka soo gudbiyo xogaha qiimaha
wakhtiga xaadirka oo kaliya.
37
t- Qaab-waafaqsan meel-marinta iibka heeshiis-duleedka dalabka
loo sameyo qiimo sixidu waa in uu noqdo 30 maalmood kadib
marka uu dhaqan-galo heeshiis-duleedku.
j- Allaabta qiimo sixida lagu sameynayo ama addeega waa in lagu
xuso heeshiiska dhexdiisa maalinta la furey tartanka qiimaha
xafiiska maaliyaddu soo saaray inta uu taagna iyo muddada uu
jirayo heeshiis-duleedka inta jeer ee qiima sixitanka lagu
sameynayo waa in heshiiska lagu qoraa.
x- Xafiiska dawladu qaabka heeshiiska ku cad iyo qiimahii dhaqan-
galka ahaa maalinkii tartanka la furey iyo qiimaha hadda lagu
haw-galo, inta uu eego farqiga u dhaxeya kii u xafiiska
maaliyaddu goyyey, ayuu farqiga ku kordhin ama ka dhimi
qiimaha qandarasleyasha islamarkana uu meel-marin in lagu
dhaqmo qiimo sixida la sameeyey illa inta laga gadhayo
muddada danbee ee qiimo sixida la sameynayo.
kh- Haddii sidu heeshiiskoodu dhigayay ay ahayd wakhtigii loo
bahna inuu qandarasluhu ku keeno in qiimo sixid loogu
sameynayo shaqooyinka ama allaabaha uu dib uga dhacayo isla
markaasina alaabtu timaado mar dambe, waxa qiima sixida loo
samaynayaa ay noqon mid ku saleysan qiimahii tagna muddadii
loo bahna in ay alaabtu timaado oo kaliya.
16.14.5-Qiimo Sixida Loo Sameeyo Iibka Addeega La Talinta:-
b- Muddada dhaqan-galinta heeshiiska addeega la talinta marka la
oggado in dib u dhaca heeshiiska ku yimid ayna ahayn khalad la
taliyuhu sababtisa leeyahay islamarka xafiisku aamiino in la
taliyuhu xaq u leeyahay in loo sameeyo qiimo sixid waa loo
samayn kara qiimo sixidaas.
t- Iyadoo ay jiran arrimaha lagu xusey qodob-hoosadka 16.14.5
xarafkiisa (b) qiimo sixida loo sameeyo la taliyeyashu kama
badnan karto boqolkiiba shan iyo toban (15%) qiimaha guud ee
lagu heeshiiyey.
16.14.6- Allaabaha iyo addeegyada uu xafiisku rabo in qiimo sixid lagu
sameyo waxa loo bahan- yahay in iibka ay ka mid yahiin marka loo
38
diyaarinayo dukumintiga tartanka lagu xuso-in ay qayb-ka noqdan
arrimaha hoos-ku xusan iyo kuwa kale muhiimada u lehba:
b- Si loo hirgeliyo qiimo sixida nooca cadeymaha looga bahan-
yahay tartamayashu ay soo raaciyan dukumintiga tartanka,
t- Dalabka qiimo sixidu xaladaha lagu soo gudbin karo, qaabka loo
soo dhaweenayo iyo nooca iyo tirada cadaymaha la soo
raacinayo dalabka qiimo sixida.
j- Xogaha iyo cadaymaha kale ee la amiinsan-yahay in ay fa’iido
uu leeyihiin dhaqan-gelinta qiimo sixida iyo sido kale nidamyada
shaqo ee loo bahan-yahay in ay raacan qandarasleyashu.
16.14.7- Xafiisyada dawladu waa in ay hubiyan muddada qiimeynta
tartanka in ay qandaraslayashu aqbaleen shuruudahii uu yalay
ujeedooyinka qiimo sixida iyo in la qaadan karo cadaymaha ay soo
gudbiyeen.
16.14.8- xafiiska dawladda iyo tartamaha ku guleystay tartanka waxa looga
bahan-yahay in heeshiiska dhexmaridona ay si cad uga mid noqdan,
arrimaha hoos-ku xusan iyo arrimaha kale ee loo arko in ay muhiim.
b- Iyagoo ka fa’iidaysanaya shaqooyinka qiimo sixida loo
samaynayo ayey allabaha la sameeyo iyo tafasisha addeegayada
la qabtay iyo dhaqan-galinta qiimo sixida ay mujini,
t- dhaqan-galinta qiimo sixida waa in xafiiska dawlada iyo
qandarasluhu muujiyan nooca dukumintiga ay ku heeshiiyeen iyo
meesha uu ka soo jeedo.
j- Cadaymaha loo soo gudbiyo qiimo sixidu waa in ay noqdaan
kuwa ku xusan/wafaqsan/heeshiiska iyo in an la aqbali karin
cadaymo ka yimada ila kale.
x- Qandarasluhu marka uu ku gul-daraysto inuu fuliyo/qabto
shaqadii heeshiiska lagula-galay wakhtigeed ama uu keeni waayo
allabtii laga filayay qiimo korodhka ka yimad arrintasi looma
samayn karo qiimo sixid.
16.14.9- Geedi socoidka meel-marinta qiimo sixida faraqa ku yimada
sababaha sixitanka shaqooyinka dhismaha guud ahaan marka uu qiimuhu
39
ka badan-yahay heeshiiska boqolkiiba shan iyo labaatan (25%), ayaa inta
uu aqbalo qiimo bedelkas uu samayn inuu iibku socdo madamo loo arko
in ay leedahay fa’iido dhaqaale oo la wargelin madaxa xafiiska si uu
go’aanka ku haboon uga qaato.
16.14.10- Xafiiska dawladu iib kastoo la ogol yahay in loo sameyay qiimo
sixid dalabka qiimo sixidu xittaa haddii aanu ka iimanin allaab keenaha
(qandaslaha) marka ay u timado dalabka codsiga lacagtu wuxuu badhitaan
ku sameyn in ay jirto qiimo dhac ku yimid shaqooyinka heeshiiska loogu
oggaladay in loo sameeyo qiimo sixid islamarka uu ka jari haddii ay jirto
hoos u dhac-xaga qiimaha intu xisaabiyo kadib bixin baaqiga marka uu ka
gooyo dalabka lacagta.
16.15-Muddada Uu Sharciyan Jirayo Dukumintiga Tartanku:-
16.15.1- Xafiiska dawladu waa in uu dukumintiga tartanka si taxadar leh
ugu qeexo muddada uu jirayo dukumintiga tartanka. Qiimaha tartanka
ama dukumintiga tartanku muddada uu jirayo iyadoo ay ku xidhan tahay
hadba nooca iibka, ayaa waxa loo bahan-yahay inuu xafiisku ku
xisaabtamo arrimahan hoos-ku xusan marka uu ugo’aaminayo muddada:
b- Isku-dhafnaanta iibka iyo meel-marinta tartanka muddada ay
qaadan karto
t- Tirada tartamayasha ka soo qayb-gali kara tartanka.
j- Khibradda xafiiska dawladu u leeyahay qiimaynta iibabka
noocan oo kale ah.
x- Iibka xaaladaha is- badbadal ee ka jira qiimaha suuqa
16.15.2, Muddada uu jirayo qiimaha tartanka ee ku xusan qodab-hoosadka
16.15.1 waxaa loo bahan-yahay inuu xafiisku ku xisaabtamo muddada ay
qaadan karto in lagu dhammeeyo qiimaynta iibka, guddiga ansixinta
muddada uu ku ansixiyo iibka, mudada cabashooyinka lagu dhamaystiayo
iyo illaa cidda ku guulaysatay taranka heshiisaka lalagalayo mudada ay
qaadan karto.
16.15.3, Haddii xafiisku aanu aaminin (aqbalin) in ay waqti badan ahaato
muddada iibsiga dukumintiga tartanku sida ku xusan qodob-hoosadka
16.15.1 muddada tartanku uu jiri karaa waa inayna ka badanin toban (10)
cisho laga bilabo maalinka tartanka la furayo.
40
16.15.4, Xafiisyda dawladu waa in ay muddada qiimaha tartanka iibku
socdo ay ku dhameystiran geedi socodka oo ay heeshiiska la galaan
cidda (shirkada) ku guuleysatey tartanka. Habase-ahaate marka ay jiran
sababo mac-quul ah oo kalifaya iyadoo aanu dhamaanin hawlahii iibku
inuu dhamado wakhtigii qiimaha tartanku islamarkana xafiisku ku
qanacsan yahay arrinta tartamaysha waxey ka codsan karan in la siiyo
muddo dheeriya oo uu jiro qiimahooda tartanka.
16.15.5, Sida ku xusan qodob-hoosadka 16.15.4 codsiga muddada dheeriga
ee tartamayaasha laga dalbayo waa in aanu ka badanin muddo lagu
dhameystiri karo shaqooyinka ama hawlaha geedisocodaka iibka u
hadhey oo kaliya. Habase-ahaate hadii qandarasleyaashu aanay raali ka
aheyn in ay kordhiyaan muddada qiimahooda tartanka jirayo waa in
laga saaro tartanka iyadoon lagala wareegin damaanada tartanka.
16.15.6, Tartamaysha oggolaada inay muddada kordhin ku sameeyaan
qiimahooda tartanka waa inay qoraal ku soo gudbiyaan oggolaanshooda
iyo muddada ay kordhiyeenba. Sidoo kale waxa looga baahan yahay in
ay muddo kordhin ku sameeyan damaanadda tartanka ama ay keenaan
mid cusub.
16.15.7, Sida ku xusan qodob-hoosadka 16.15.6 qandarslaha aan muddo
kordhin ku sameyn damaanadaa tartanka, waa in loo arko tartame aan
raali ka ahayn inuu muddo kodhin ku sameeyo muddada qiimihiisa
tartanku u jirayo oo laga saaro tartanka.
16.16. Dammanadda Tartanka:-
16.16.1, Waxan ka ahayn iibka addeega la talinta, xafiisyada dawladu waa
in ay go’aamiyan dammanadda tartanka oo ay ku caddeeyaan
dokumantiga tartanka marka ay isticmaalayaan nooca iibka tartanka
furan ama iibka tartanka xaddiidan ama iibka tartanka laba – meertada
ah. Sidoo kale, haddii xafiiska dawladdu sababo jira awgeed u aamino
in loo baahan yahay wuxu waydiisan karaa tartamayaasha iibka addeega
la talinta inay keenaan dammanadda tartanka.
16.16.2, Xafiiska dawladu isagoo ka duulaya cadadka qiimaha guud ee
iibka waa inuu lacag u dhiganta ugu yaraan 0.5% ugu badnaanna 2% oo
ah damaanadda tartanka intuu u xaddido ku caddeeyo oggaysiiska iyo
41
dukumintiga tartanka. Damaanadda tartanka ee sidaasi oo kale loo
xaddidayo waa in aanay Birr 500,000.00 ka badan.
16.16.3, Sida ku xusan qodob-hoosadka 16.16.2 waxa loo bahan yahay in
xafiisyada dawladu ku xisaabtamaan arrimaha hoos ku xusan marka ay
go’aaminayaan ama xaddidayaan dammanada tartanka:
b- Allaabta ama addeega la iibinayo oo xaalada qiimahooga is bad-
badelkiisu aad u sareeya
t- Inay ay jiraan tartamayaal ku filan oo tartanka ka qayb galaya,
j- Dammanadda dheeriga ah ee la waydiinayo aanay ku ahayn
caqabad ka soo qaygalkooda tartanka,
x- Ay ku dhiiri-gelineyso tartamaha ku guuleysta tartanku inuu raali
ka noqdo saxeexida heeshiiska,
kh- Inay tahay dammanaddu mid dabooli karta waxyeelda
xafiska uga iman karta haddii tartamaha tartanka u saxeexi
waayo heshiiska.
16.16.4, Nooca dammanadda tartanka hadba sida u rabo tartamuhu waxay
noqon kartaa lacag ahaan, letter of cridit uu xaqijiyay bangi, jeegga
lacag bixinta oo uu leeyahay Bangui caan ah ama damaanad Bangi..
16.16.5, Iagoo arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.16.4 ay sidooda
yihiin, qandarasleyasha wadaniga ah ku hawlgala shaqooyinka
dhismaha waxa laga oglaan karaa dammanad ku xidan shuruud haddi ay
ka keenaan caymiska inay u noqoto dammanada tartanka.
16.16.6, Muddada sharciyan ay jirayso dammanada tartanka ee ay soo
gudbiyaaan qandarasleyashu waa in ay noqoto mid ka danbeysa malinta
ugu dambaysa muddada uu jiritaan qiimaha tartanka 28 cisho.
16.16.7, Dammanada tartanka ee ay qandarasleyal ajnabi ahi ku soo
gudbiyaan bangi dibadeed oo ka baxsan Itoobiya, waa inay noqoto mid
ay ansixiyeen bangiyada dalku oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn.
16.16.8, Qandaraasleyaasha ka baaqsada inay hirgeliyaan arrimaha hoos-ku
xusan, xafiiska dawladu wuxu kala wareegi kara dammanadda tartanka
ee uu ka hayay.
42
b- Qandaraaslaha iski uga baxa tartanka marka ay dhamato
muddadii ugu danbeysey ee lagu soo xareynayey dukumintiga
tartanku ama muddadii lagu cadeeyey dukumintiga tartanka in
sharciyan uu u jiro qiimaha tartanku,
t- Tartamaha isagoo ku guuleystey tartanka oggolaan waaya inuu
heeshiiska seexiixo iyo inuu soo gudbiyo dammanada hir-gelinta
heeshiiska ee laga dalbay.
16.17- Guddoonka (Qabashada) Dukumintiga Tartanka:-
16.17.1, Xafiisyada dawladu waa inay u diyaariyaan sanduuq ay
tartameyaashu ku ridaan dukumintiga tartanka. Waxa loo bahan yahay
Inc. san-duuqua yaallo goobtii lagu qeexay dukumintiga tartanka oo uu
furnaado illaa sacada ugu danbeysa ee loogu tallagalay in la xareeyo
dukumintiga tartanka.
16.17.2, Iyadoo ay tahay waajib illalinta iyo xafidaada sanduuqu ayaa
hadana loo bahan-yahay illa maalinta la furayo inuu hayo furaha
sanduuqa madaxa waaxda iibka ee xafiisku.
16.17.3, Illa inta ay suuro-gal tahay waa in dukuminti kasta oo la xidhiidha
tartanka lagu rido sanduuqa loo diyaariyay dukumintiga tartanka. Sidoo
kale, waxa loo bahan yahay in xafiisku hal qof oo sháqaale ah ku
meeleeyo sanduuqa laga bilaabo maalinta tartanku bilaabmo si
dukumintiga tartanka ee la galin kariwaayo sanduuqa uu u gudoomo.
16.17.4, Sida kusan qodob-hoosadka 16.17.3 dukumintiga tartanka ee uu
xafiisku guddoomo (qabto) waa in uu bixiya cadayn mujinaysa inuu
gudoomay dukumintigaasi. Sidoo kale, masuulka loo xilsaaray waa inuu
xaqiijo ammaanka dukumintiga tartanka ee sidaasi oo kale loo
gudoomay.
16.17.5, Dukumintiyada tartanka ee la soo gudbiyo marka ay dhamato
malinti iyo sacadii loogu talagalay in lagu soo xareeyo dukumintiga
tartanka waa in islamarkaaba iyadon la furin loo celiya tartamaha isla
leh.
16.18- Furitaanka Tartanka
16.18.1, Tartanka waxaa si cad loogu furi goobta, maalinta, iyo saacadda
lagu tliimaamay/xusay/ oggaysiiska tartanka ama haddii wax-ka badel
43
lagu sameyay qaabka lagu xusey dukumintigaasi in loo furayo. Marka la
furayana:-
b- Waa inay joogaan tartamayaashu ama wakiiladooda sharciyeed.
Habase-ahaate, hadii tartamuhu uu rabitankisa uga maqnaado
marka la furayo dokumantiga tartanka looma xanibnaanayo,
t- Haddii aanay khal-khalinaynin geedi socodka ama aanay goobtu
yaraanin, waxa loo oggol-yahay in ay ka soo qeyb-galan laamaha
warbaahinta wakiiladoodu ama ciddii kale ee dooneysa in ay
goob-joog ka noqota.
j- Haddii ay suro-gal tahay waa inuu wakiilka hantidhawrka
guduhu gob.-joog ka ahaado furitaanka.
x- Maalinta furitanka dokumantiga tartanka waa ugu yaraan 3
khabiir oo ka tirsan waaxda shaqada iibka ka soo qeyb-galan.
Sidoo kale, waxa ka soo qeyb-gali kara geedi socodka furitanka
tartanka khabiirada ka hawl-gala qaybaha iibka iska leh.
16.18.2, Hadii uu yahay tartanku mid hal boshqad in lagu soo rido la
dalbadey xafiisyadu inta ay furaan dukumintiga tartanka ee uu soo
gudbiyey tartame kasta waa inay kor ugu dhawaqaan magaca, qiimaha
uu ku soo tartamey, xaaladood iyo cadadka uu qiimaha hoos u dhigey,
nooca iyo cadadka dammanada tartanka iyo dhamman arrimaha kale ee
tilmaanta ka bixinaya heerka uu tartame kasta kaga jiro tartanka.
16.18.3- Haddii Tartanku yahay mid la Amray in Labo Buqshadood
Lagu soo Gudbiyo.
b- Furitanka tartanka waxa la furi buqshada ay ku jiraan
dukumintiga farsamo oo kor loogu dhawaaqi magaca tartamaha
iyo arrimaha kale ee loo baahan yahay in caddeeyo.
t- Dhamman buqshadaha ay ku jiraan dukumintiga qiimaha
tartanka ee tartamayashu iyadoo aan la furin ayaa la isugu geyn
buqshad kale oo lagu lingaxo (xidho) ee dusha lagaga qoro
lamberka tartanka, dusha lagu xuso in ay yihiin buqshadihii
qiimaha ee ay sexeexaan xubnaha xafiiska ee furey tartanku,
ayaa illa inta la qabanayo wareega labaad ee furitanka tartanka
44
boqshadaha oo xidhan loo dhib waaxda iibka ama masuulka kale
ee sida gaarka ah loogu xilsaro si uu u xafido.
j- Natiijada farsamo ee tartanka marka uu ansixiyo mas’uulka
awooda u lihi, waa in si isku mida qoral ahaan lagu gaadhssiyo
dhamman tartameyashii ka soo qayb-galey tartanka.
x- Tartameyasha ku guul-dareystay qiimeynta farsamo qoralka loo
guudbinayo waa Inc. Noqdo mid loogu sheegayo sababta ay ku
guul-dareysteen. Haddi ay tartameyaashu arrintaasi wax cabasho
ah ka qabaan way keensan karan iyagoo wafajinaya nidaamka
iyo shuruudaha ku xusan qaybta 11aad
ee awaamiirtan.
kh- Tartameyasha ku guuleystay qiimaynta farsamo warqada
loo qorayo waa inay ahaato mid lagu wargelinayo maalinta,
sacad iyo goobta lagu furayo boqshadaha qiimaha tartanka.
Waxaan loo bahan yahay in ay warqadu wada gaadho wakhti
isku mid ah islamarkana muddo ku filan oo ay iyagoo raali ka ah
kaga soo qaybgali karaan maalinta ay dhacyaso xafladda
furitanka. Hase ahaate, haddii ay jiran cabashooyin ka dhan ah
arrintu, illa go’an laga gaadhayo cabashooyinkaaasi lama furi
karo boqshadaha qiimaha tartanka.
d- Kadib marka loogu yeedho qab-wafaqsan qodob-hoosadka
16.18.3 xarafkiisa (kh) tartamayaasha, waa in si cad/toos ah loo
furo boqshadaha ay ku jiran qiimaha tartanka ee tartameyasha ku
guleystey qiimayntii farsamo ee la sameeyey.
r- Iyadoo hab-wafaqsan qodob-hoosadka 16.18.3, xarafkiisa (kh)
lagu furayo boqshadaha qiimaha tartameya-sha ku guuleystey
qiimaynta farsamo, ayaa la magaca tartamaha, qiimaha uu ku
tartamayo, haddii qiimo dhimis ay jirto cadadka iyo shuruudaha,
iyo sidoo kale arrimaha kale ee xidhiidh toos ah la leh qiimaha
loo seguí tartamayaash si ay u ogaadaan.
s- Marka la oggaado natiijada qiimeynta farsamo, tartameyasha ku
guldaraystay qiimeynta farsamo waa in loo celiyo dammanadda
tartanka iyo iyadoon la furin boqshada ay ku jiraan dukumintiga
qiimaha tartanku. Hase-ahaate, haddii ay jiraan sida ku cad
qodob-hoosadka 16.18.3 xarafkiisa (x) cashooyinka ka dhan ah
45
natiijada qiimeynta farsamo illa inta cabashooyinkaasi go’an
laga gaadhayo waa in aan loo ceelin dammanada tartanka iyo
boqshada ay ku jiraan qiimaha ay ku soo tartamenba.
16.18.4 Waaxda iibka ee xafiiska dawladdu waa inuu diyaariyo hadal-
qoraalka shiirka geedi-socodka furitanka tartanka. Hadal qoraalkaasi
waa inuu ka koobanado magacda tartamaysha, qiimaha ay ku soo
tartameen iyo arrimaha kale ee la soo jeediyey marka furitaanka socday.
Hadal-qoraalka shirka iyo nuqulka rasmiga (orjinal) ee dukumintiga
tartanka ee ay soo gudbiyan tartamayasha waa in ay sexeexan
khabiirada goob-jooga ka ahaa furitanka tartanka. Sidoo kale
tartameyasha soo xaadiray waa iyaguna seexeexaan liistada loogu tala
galay xaqiijinta ka soo qayb-galkooda.
16.18.5, Dukuminti kastoo aan la furin muddadii furitanka tartanka
islamarkana aan loo akhriyin si ay u oggadan tartameyashu, lama
addeegsan karo oo uma gudbikaro wareegyada tartan ee xiga.
16.18.6, tartame kasta wahktiga furitaanka tartanku socdo lagama saari-
karo tartanka.
16.19- Qiimaynta Iyo isbar-bardhiga Tartanka
16.19.1- Qiimeynta Ugu Horeysa
16.19.1.1 Xafiiska dawladdu wuxuu tartanku inuu dhameystiran yahay u
qaadan kara oo uu u gudbin kara marxalada xigta ee qiimaynta fah-
faahsan, marka dukumintiga tartanka ee tartameyashu ay soo gudbiyeen
munaasabadda furitaanka lagu furo ee la ogaado inay buuxinayaan
dhamaan shuruudihii hordhaca ahaa ee ku yiilay dokumantiga tartanka.
16.19.1.2, Xafiis kasta oo dawladeed waxaa looga baahan yahay in
aanay u gudbinin qiimeynta faah-faahsan tartameyasha aan buuxin
arrimahan hoos-ku xusan:-
b- Marka xafiisku ogaado in tartamaha ka qayb galay tartanku aanu
buuxin shurudaha ugu hooseeya ee cabbirka tayo iyo cabiryada
kale ee muhiimka ah ee ay caddaato inaanu karti lahay,
t- Marka uu tartamuhu ogalaan waayo qallad xisaabeedka loo saxay
sida ku xusan qodob-hoosadka 16.19.1.3.
46
j- Marka tartamahu keeni waayo dammanadda tartanka ama
oggolayn inuu keeno dammandda hirgelinta heeshiiska,
x- Marka uu keeni waayo cadeymaha kale ee uu xafiisku ka
dalbadey.
16.19.1.3, Iyadoo ay jiran arrimaha ku xusan qodob-hoosadka 16.19.1.1,
hadana xafiiska dawladdu muddada uu hubinta ku jiro qaladaadka
xisaabeed ee uu la kulmo wuu sixi kara. Sixitankan oo kalena xafiiska
dawladdu waa in uu si deg-deg ah qoraal ku wargeliyo tartamaha ay
arrintu khuseyso. Kadibna haddi tartamuhu ogolaan waayo sixitankan
xisaabeed gabi ahaanba waa in laga saaro tartanka.
16.19.1.4, Arrimaha lagu qeexey dukumintiga tartanka, xaladaha
heeshiiska iyo qodobada kale ee muhiimka ah haddii aanu kala
duwanansho asaasi ahi ka dhex jirin (u dhaxeyn) ama ay yahiin
qaladaad yar-yar oo la sixi-karo oo aan wax u dhimeyn muhiimada
tartanka oo ay yihiin cillado yar- yarawgeed xafiiska dawladdu wuxu
u qaadan karaa inuu dhameystiran yahay dokumantiga tartanku.
Habase-ahaate, kala duwanaansho kasta oo jira, illa inta ay suuro-
galayso, waa in la lacageeyo oo lagu xisaabtamo marka tartansiinta
iyo qiimeynta tartanka lagu guda jiro.
16.19.2-Meel-Marinta Qiimeynta faah-faahsan Iyo xulista
Guuleystaha:-
16.19.1 Xafiiska dawladu si uu u soo saaro qandaraslaha ku guuleystey
tartanka waa isagoo adeegsanaya dukumintiga tartamayaasha ee u ku
ogolaaday natiijada qiimaynta hordhaca ahayd iyo shuruudaha ku
xusnaa dukumintiga tartanka uu sameeyo qiimeyn faah-faahsan.
Lamana ogola in shuruudo ka baxsan kuwii ku qornaa dokumantiga
tartanka loo isticmaalo qiimaynta. Xafiiska dawladdu isagoo ku
salaynaya shuruudahaasi ku xusnaa dokumantiga tartanka ayuu
tartamaha ku guulaystay tartanka ku xulan karaa hababkan qiimayneed
ee hoos ku xusan:
b- Marka dokumantiga tartanka hal boqshad lagu soo gudbiyo, in
qandaraslaha la xaqiijiyo inuu buuxiyey shuruudaha qiimeynta
farsamo islamarkaana uu ugu qiimaha hooseeyo la xusho, ama
47
t- Marka dokumantiga tartanka laba boqshadood lagu soo
gudbiyay, in la xusho qandaraslaha hela natiijada ugu sareysa
guud ahaan qiimeynta farsamo iyo tan maaliyadeed ee tartanka
kuwaasi oo ku saleysan shuruudaha lagu qiyaaso wax ku ool
nimada tartanka.
16.19.2.2 Marka lagu jiro qiimeynta faah-faahsan, waa lagu xisaabtamo
tartamayaashu qiima dhimista aan wax shuruud ah ku xidhnayn
ee ay bixiyaan,.
16.19.2.3- Hadaba haddii loo baahdo in la hubiyo sharciyadda
tartamaha ku guulaysta tartanka, waxaa la samayn karaa qiimayn
lagu hubinayo in heerka kartidiisa maaliyeed iyo farsamo ee
wakhtiga la joogo ay buuxinayaan shuruudihii ku xusnaa
dukumantiga tartanka.
16.19.2.4- Iyadoo Iibka ay tahay in lagu fuliyo nooca heer caalami
oo si loo sameeyo qiimayn awgeed aan si gaara loogu xusin
dukumintiga tartanka in qaab kale loo soo gudbiyo, qiimaha ay
soo gudbineyn qandarasleyashu iyo qiimaynta tartanka ee la
samaynayoba waa in ay ahaadaan kuwo ay ku jirto canshuurtu.
16.19.2.5, Mudada qiimeynta hadii labo iyo in ka badani ay helaan
natiijo isku mida, sida ku xusan qodobka 17aad
qabtiisa 3aad
ee
bayaanka waa in mudnanta la siiyo wax-soo saarka dalka
gudahiisa,.
16.19.2.6, Iyadoo arrimaha ku xusan qodob-hoosadka 16.19.2.5 ay
sidooda yihiin, marka ay jiran qandarasleyal isku mida ama
keeney natiijada guusah oo isku mida si loo kalasaaro cidda ku
guuleysatey tartanka xafiisku wuxuu sameyn kara inuu soo saaro
shuruudo kooban oo uu tartamayaahsa ka codsado inay
shuruudahasi fikradooda tartan ee kama dambaysta ah ka soo
godbiyaan. Si arrintan loo fuliyana waa:-
b- in tirada shuruudaha ay tartamayaasha dhibcaha isju midka ah
heelay ay ku tartamayani aanay ka badanin 3 oo xuruuf lagu
muujin karo.
48
t- Shuruudahaasi waa in ahaadaan kuwo xusnaa dukumintiga
tartanka siiba qaybta fah-faahinta tartanka.
j- Tartamayaasha isku midka baxey maraka la xaqiijiyo in ay isku
mid yahiin, inta arrintan loo sheego ayaa laga codsan in ay
fikirkooda ugu danbeya ka dhiibtan shuruudaha labaad ee ku
xusnaa dukumintiga tartanka.
x- Tartameyasha dhibcaha isku midka ah helay fikiradahooda kama
dambaysta ah ee ay ka dhiibteen shuruudaha tartanka, waa in
lagu furo meel ay goobjoog ka yihiin oo loo akhriyo fikiradaha
ay dhiibteen.
kh, Tartameyasha dhibcaha isku midka ah helay fikiradahooda kama
dambaysta ah ee ay ka dhiibteen shuruudaha tartanka inta la
qiimeyo ayaa tartamihii fikirka ugu macquulsan ama ugu
wanagsan soo jeediyey loo qaadan qandaraslaha ku guuleystey
tartanka.
d- Iayadoo arrimaha lagu xusey arafka (kh) ee qodob-hoosadka
16.19.2.6, ay sidooda yihiin, tartameyasha dhibcaha isku midka
ah helay fikiradahoodii ugu danbeyey oo ay soo jeedin waayeen
ama ay marlabaad isku mid noqdaan, waxa iyagoo goobjoog ah
lagu kala saari baqtiya nasiib qori tuur ah.
16.19.2.7, Xafiiska dawladu marka uu dooranayo cidda ku
guuleysatey tartanka maadama la garanayo cabirkooda, allab kasta
iyo addeeg kasta cabirkiisa halkii xabo qiimaheeda gaarka ah ama
iyadoon wax loo dhimayn shuruudaha iyo kalmadaha heshiiska
hadba sida loogu baahdo tirada alaabta ama adeega ilaa 20% in kor
ama hoos loo dhigi karo waa inay ku muujiyaan dokumantiga
tartanka.
16.19.2.8, Xafiisyada dawladu tartan kasta qiimayntiisa waa inay
dhameeyan islamarkaana ay wargeliyaan natiijada qiimeynta tartanka
tartamayaasha ka hor inta aan la gaadhin maalinta ugu danbeysa
muddada uu sharciyan jirayo qiimaha tartanku. Hase-ahaate, haddii ay
jiraan sababo ku kalifaya in qiimeyntu dib uga dhacdo wakhtigaasi,
waa in sida ku xusan qodobka 16.19.4 ee awaamiirtan uu ka codsado
49
tartamayaasha in ay kordhiyan muddada uu qiimaha tartanku
sharciyan jirao.
16.19.2.9, Xafiiska dawlada ee tartanka soo bandhigay marka garwsado
fikir tartameedka uu soo gudbiyey hal-qandarasle oo kaliya in qiimaha
uu soo gudbiyay uu la mid yahay kan suuqa islamarkaasi u xaqiijiyo in
aanay dukumintiga tartanka ku jirin sababo taratameyasha kale ka
xanibaya ka qaybgalka tartanka, iyadoon loo baahan in dib loo soo
bandhigo tartanka ayuu tartamahaasi kaligii ka dhigi karaa inuu
guuleystay.
16.19.3- Dib U Soodhejinta Tartanka
In tartanka dib loo soo bahdhigo waxaa loogu baahan karaa:-
b- Marka qiimaha uu soo gudbiyey qandaraslaha la barbar dhigo
qiimahii uu xafiisku taratnka ka hor qiyaasey oo uu farqi wayn
uga sareeyo islamarkana la xaqiiqsado inaanu ahayn qiimaha
saxda ee suuqa oo loo baahan yahay in dib tartank loo soo
bandhigo,
t- Marka qandarasle kaliya soo tartamo ee la xaqiijiyo xaladaha uu
kali ahaan ugu soo tartamay in ayna waafaqsanayn nidaamka iyo
shuruudaha ku xusan bayaanka iyo awaamiirtan ama la ogaado in
haddii wax-kabadel lagu sameeyo dukumentiga tartanka la heli
karo tartamayaal fara-badan.
16.20- Mudnaan Gaar ah
16.20.1, Waxaan ka ahayn qiime sheegta iyo iibka lagu fuliyo hal qandaras
(iibka tooska ah), iib kasta sida ku xusan qodobka 17 ee bayaanka,
waxaa mudnaan ama tixgalin gaar ah loo samaynayaa allabaha dalka
gudihiisa laga soo saaro, hay’da yar-yar ee lagu aasaaso bayaanka
hay’ada ee horumarinta yaryar ee Dawladda Federaalka Itoobiya,
hawlaha dhinaca dhismaha iyo shaqooyinka addeega la talinta ee ay
wadaan shirkadaha wadaniga ahi.
16.20.2, Mudnaanta gaarka ah ee loo samaynayo sida ku xusan qodob-
hoosaadka 16.20.1, marka lagu guda jiro tartanka dhinaca qiimaha
waxaa loo meel-marini iyadoo lagu salynayo arimahan hoos ku xusan:-
50
b- Daawada iyo iibka qalabka caafimaadka 25%.
t- Iibka alaabta kale 15%.
j- Iibka shaqooyinka dhismaha iyo addeeega la talinta 7.5%.
16.20.3, Mudnaanta gaarka ah ee ku xusan qodob-hoosaadka 16.20.2,
xarafahiisa (b) iyo ( t), Waxaa la suuro galin karaa marka la keeno
dokumanti uu hanti-dhawre la aqoonsan yahay ku soo caddeeyay in
daawada ama qalabka caafimaad ama allabta kharashka soo saaristeeda
lagu bixiyay guud ahaan boqolkiiba soddan iyo shan (35%) iyo intaa in
ka badan ay yihiin qiime-aadan dalka Itoobiya guddahiisa. Dhaqan-
galinta qodob-hoosaadkan “qiime-aadan” waxaa loola jeeddaa wixii
kharash ah ee ka soo hadha marka kharashka guud laga jaro kharashka
lagu bixiyo allabaha ka yimaada dalka dibadiisa iyo addeegyada laga
helo dalka dibadiisa. Arrintani ma khusayso canshuuraha dadban (aan
tooska ahayn) ee laga qaado wax-soosaarka dibada.
16.20.4, Hawlaha dhismaha ama shaqooyinka addeegyada la talintu waxay
ka faa’iidaysan karan oo kaliya mudnanta gaarka ah ee ku xusan qodob-
hoosaadka 16.20.2 xarafkiisa (j) marka ay dhammaystirman ama
buuxsaman dhamaan arrimahan hoos ku xusan:-
b- Marka shirkad lagu aasaasay sharciga itoobiya ee xarunteeduna
ku taalo dalka itoobiya gudihiisa.
t- Marka saamiyada shirkada ama hantida guud ee shirkada
boqolkiiba konton(50%) ay leeyihiin dad itoobiyan ahi.
j- Marka gudiga sare ee maamulka shirkada(boardhiga) boqolkiiba
konton(50%) ay xubno ka yihiin dad itoobiyan ahi.
x- Marka shaqaalaha muhiimka ah ee shirkada boqolkiiba
konton(50%) ay itoobiyan yihiin.
16.20.5. Hay’adaha yar-yar ee horumarinta ee lagu aasaasay bayaanka
hay’adaha yar-yar ee horumarinta.
b- Tartanka ay kula jiraan shirkadaha alaab-keenayaasha dalka
gudihiisa, boqolkiiba seddex (3%) ayaa mudnaan gaara la siin.
51
t- Iibku marka uu yahay iib lagu meel-marinayo habka iibka
caalamiga ah waxaa la dhaqan-galinayaa mudnanta gaarka ah ee
ku xusay qodob-hoosaadka 16.20.2 xarfahiisa (b), (t), iyo ( j).
j- Dammanada tartanka, dammanada heshiiska iyo dammmanada
lacagta horumarinta badalkooda waxaa la ogolaanayaa warqada
dammanada ah ee ay usoo qorto cidda dhistay hay’adahaasi.
x- Dukumintiga taratanka ee loo diyaariyay tartanka, waxaa lagu
siinayaa lacag la.aan, marka ay keenaan caddayn muujinaysa
sharciyadda loogu aasaasay hay’adaha yar-yar ee horumarinta.
16.21- Ka Saaridda Tartanka
16.21.1, Xafiiska dawladu wuxuu tartanka ka saari karaa tartamaha ku kaca
danbiyda (dunuubta) hoos ku xusan mid ka mida:-
b- Marka allabta ama addeega u ka keenaayo (imanaayo) dal ka mid
ah dalalka wasaarada ganacsiga federalka itoobiya ay joojisay
xidhiidhkooda ganacsi.
t- Marka ay hay’ada qaramada midoobay golaheeda ammaanku
cuna-qabatayn ku soo rogo alaabta iyo addeegyada ka yimaada
dalkas ama shaqsiyaad ama hay’ado ka tirsan dalkas in aan la
siinin wax-lacag ah.
j- Marka la xaqiijiyo inuu ku kacay arrimo ka dhana bayaanka
maamulka hantida iyo Iibka dawlada iyo Awaamiirtan.
x- Marka uu yahay mid ku guul daraytstay waajibaadkii heeshiiska
ee uu horay ugu guulaystay, ka dibna uu xafiiska maaliyaddu ka
mamnuucay ka qayb-galka tartanada iibka dawlada.
kh, Marka la xaqiijiyo inuu masuuliyiinta ama shaqaalaha xafiiska
siiyay ama isku dayay inuu siiyo laaluush si uu u helo mudnaan
gaara ama ugu guulaysto tartanka.
d- Marka la xaqiijiyo inuu tartamuhu khaladaad wax-is-daba-marin
ah ku sameeyo dukumentiga tartanka ama la galay tartame kale
wada xaajood khiyaama ah.
52
16.22- Wada hadalka Lala Yeesho Qandaraslayasha
16.22.1, Inta geedisocodka fulinta iibka lagu jiro heer kasta ha ahaate
waxaa tartamayaasha wada hadal lala yeelan karaa marka ay xaalad
gaara ahi soo wajahdo oo kaliya. Wada hadalada dhex-mara xafiiska
dawlada iyo alaab-keenayaashu waxay noqonayaan laba arimood oo
kala duwan. Kuwaasi ah:-
b- Inay ka wada hadlaan arrimo yar-yar, ama
t- Marka uu yahay tartanka labada heer (meerto), in laga wada
xaajoodo tartanku noocyada iib ee uu ka koobnanayo.
16.22.2, Haddii aanay ahayn qaabka lagu fasaxay qodob-hoosaadka
16.22.1; xafiiska dawlada ee tartanka soo bandhigay, marka tartanka la
furo inuu codsado faah-faahin u sahlaysa qiimaynta fikir tartameedka
waxaan ka ahayn, tartamayaashu fikir tartameedyada ay soo gudbiyeen
ee ay ka mid ka yihiin qiimaha ama qodobada kale ee asaaaka u ah
looma ogola in wax-kabadel lagu sameey inuu waydiisto ama fasaxo.
16.23. Ansixinta Tartanka
16.23.1, Xafiisyada dawlada waxa qiimaynta tartanka fulinaya waaxda
iibka ama hadba, sida loogu baahdo, guddi-ku- meel-gaadhka ah ee loo
aasaaso inay tartanka qiimeeyaan. Waxaana looga baahan yahay inay
muddada uu qiimaha tartamayaashu sharciyan u jiro dhexdeeda ku
dhamaystiran qiimaynta tartanka islamarkana iyagoo taladooda ay
natiijada u gudbiyaan mas’uulka awooda loo siiyay inuu ansixiyo iibka.
16.23.2, Cidda ansaxinta iibka awooda loogu siiyay bayaanka iyo
awaamiirtan, waxay marka ay xaqiijiso in fulinta iibku waafaq-san
tahay nidaamka iibka dawlada iyo in qiimaynta tartanku ku salaysan
tahay shurrudihii ku xusna dukumentiga tartanka ayay go’aan ka
bixinaysaa. Go’aankaasina wuxuu noqon kara mid ka mid ah kuwan
hoos ku xusan:-
b- Inuu fasaxo in la qaado talaabada xigta, ka dib marka uu aqbalo
guud ahaanba warbixinta qiimaynta.
t- Inuu diido warbixinta, amarna ku bixiyo in dib loo qiimeeyo.
53
16.23.3, Cidda ansixinta iibka awooda u lihi haddi uu muhiim u arko
wuxuu codsan karaa in kooxdii soo diyaarisay warbixinta loo soo
gudbiyay ay fah-faahin ka siiyaan warbixinta.
16.23.4, Sida ku xusan qodob-hoosaadka 16.23.2 xarafkiisa (t), cidda
ansixinaysa iibku marka aanu ku qancin soo jeedinta go’aanka
qiimaynta wuxuu isagoo raacinaya sababta dib ugu celinayaa kooxdii
qiimaynta samaysay. Intaasi kadib, waxaa looga baahan yahay kooxda
qiimaynta iyagoo ka duulaya jihada uu u qeexay/siiyay/ guddiga
ansixintu inay dib qiimayn kale u samaynayaan oo warbixin saxan
kasoo gudbiyaan.
16.23.5, Iyadoo ay jiraan arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.23.4,
kooxda qiimayntu ama xubin kasa too ka mida kooxda qiimaynta
tartanku aanu ku qanac-sanayn jihada ay bixiyeen cidda ansaxinta iibka
awooda u leh ayaa inta lagu cadeeyo fikirkiir uuna ku qanac-sanayn
warbixinta natiijada qiimaynta iyadoo go’aankii guddiga ansixinta iibka
laga duulayo la meel-marini iibkaa.
16.24. Shaacinta Cidda ku Guulaysatay Tartanka
16.24.1, Xafiisyada dawldu natiijada tartanka waa inay isku mar qoraal ugu
gudbiyaan tartamayaashii ka qayb-galay tartanka. Tartamayaasha laga
guulaystay waa in loogu caddeeyo sababaha looga guulaystay iyo
tartamaha ku guulaystay ka uu yahay.
16.24.2, Qandaraslaha tartanka ku guulaystay warqada loo qorayona looma
qaadan karo heshiis dhex-maray xafiiska iyo qandaraaslaha. Xafiiska
iyo qandaraaslaha waxaa loo arki karaa inuu heeshiis dhex-maray marka
masuulka xafiiska iyo qandaraaslaha ay kala saxeexdaan heeshiis fah-
faahsan oo koobaya arrimo badan.
16.24.3, Warqada qanadaraaslaha guulaystay lagu wargalinayo inuu
saxeexo heeshiisku waa in ay ka koobnaato arrimahan hoos ku xusan:-
b- Inuu xafiisku aqbalay fikir tartameedkii qandaraasluhu soo
gudbiyay.
t- Qiimaha guud ee heeshiiska lagu fulinaayo.
j- Cadadka qiimaha dammanada hirgalinta heeshiiska iyo maalinta
ugu danbaysa ee laga gudoomayo.
54
16.24.4, Qandaraaslaha ku guulaystay tartanku haddii uu saxeexi waayo
heeshiiska oo uu diido xafiiska dawladu isagoo miisaamaya fa’iidada
ugu jirta, ayaa wuxuu karaa inuu qandaraaslaha kaalinta labaaad ku jira
ka dhigi qandaraaslaha tartanka ku guulaystay ama inuu soo bandhigo
tartan cusub.
16.24.5, Xafiiska dawladu marka uu xaqiijiyo in ay dhamaystiran yihiin
xaladaha hoos ku xusan waa in uu u celiya taratamayaasha dammanada
tartanka ee laga hayey.
b- Marka qandaraaslaha guulaystay heeshiis lala saxeexdo ee uu
keenay dammanada hirgalinta heeshiiska.
t- Marka Tartamayaashii laga guulaystay ama qandaraaslaha diida
muddadii lagu kordhin lahaa jiritaanka damaanada ayna
dhamaatay xiliga ay damaanadu sharciyan dhaqan-galka ahayd.
16.25- Dammanadda Heeshiiska
16.25.1, Iibka lagu meel-mariyo qiimo sheegta iyo iibka addeega waxan ka
ahayn, iib kastoo kale waxaa xafiiska dawlada looga bahan-yahay inuu
ka qaado dammanda hir-galinta heeshiiska.
16.25.2, Qandaraasluhu laga bilaabo maalinta uu xafiiska la saxeexdo
heeshiiska waa inuu mudo 15 cisho guddahood ah uu ku keeno xafiiska
dammanada heeshiiska oo dhan ugu yaraan 10% qiimaha guud ee
heeshiiska oo waafaqsan arrimahan ku xusan qodob-hoosaadka 16.16.4.
16.25.3, Xafiiska dawladu marka uu xaqiijiyo in aanu qandaraasluhu
heeshiiska u fulinin qaabkii loo baahnaa, wuxuu dammanada heeshiiska
ee uu qandaraasluhu dhigay ula wareegi qaab waafaqsan qodob-
hoosaadka 16.25.2.
16.25.4, Iyadoo ay jiraan arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.23.3,
marka dhamaystir la’aanta wajibaadyada heeshiisku aanu wax dhibaato
ah u keenayn xafiiska ama wax-khasaare ah u keenayn islamarkaana
guddiga ansixinta iibka xafiisku oggaado in fulin la’aanta heeshiisku
aanay ka imanin fudaydsiga/dhayalsiga/ qandaraaslaha, waa in loo
celiyo qandaraaslaha dammanada heeshiiska ee laga hayo.
16.25.5, Xafiiska dawladu isagoo ka duulaya arrimaha ku xusan qodob-
hoosaadka 16.25.3, talaaboyinka uu ku talaabsado waxaa looga baahan-
55
yahay inuu ka diyaariyo qoraal dhamaystiran oo marka uu xafiiska
maaliyaddu ama cidda kale ee sharciga u lehi ka codsato u gudbiyo ama
fah-faahin ka bixiyo qodobada u baahan fah-faahinta.
16.25.6, Iyadoo ay jirin arrimaha ku xusan qodon-hoosaadka 16.25.2, ayaa
haddana:-
b- Shirkadaha dhismaha ee dalka gudihiisa ama shirkadaha soo
saara daawooyinka iyo qalabka caafimaadka iibka lala galayo loo
ogolaanayaa dammaanada heeshiiska ee shuruudu ku xidhan
tahay ee ay ka keenaan hay’adaha caymiska ee caanka ah.
t- La taliyayaasha ku hawlan shaqooyinka la talintu addeegyada la
talineed ee ay bixiyaan marka la aminsan-yahay in ay dhibaato u
gaysan karto xafiiska, waxaa laga codsan karaa in ay keenaan
caymiska mag-dhawga khabiirka.
j- Sida ku xusan qodobka 16.20.5 xarafkiisa (j) ee awaamiirtaa
hay’adaha yar-yar ee horumarintu waxay dammaanad ahaan u
keenayaan cadaynta ay siiyaan xafiisyadii sharci ahaan u
aasaasay hay’adahaasi.
x- Tartanka loo qabto fulinta iibka addeega caymiska, hay’ada
caymiska ee ku guulaysata tartanka waxa ay lacagta kayd ahaan
u taala bangiga qaranka itoobiya u isti-cmali karaan dammanada
heeshiiska. Habase-ahaate damaanda ay noocan u keenayaan in
kayd ku filan uu yalo bangiga waa in ay bangiga ka keenaan
cadayn muujineysa.
16.25.7, Hadii aanu jirin heeshiis gaara oo labada dhinac ee heeshiisku
dhexmaray gaadheen, marka qandaraslahu sii buuxda uu dhammaystiro
waajibaadyadii heeshiiska waa in loo celiya dammanada heeshiiska.
16.26- Horumarinta:-
16.26.1, Iibka dawlada hadba sida loogu bahan-yahay waxa horumarin
ahaan loo bixin kara 50% guud ahaan qiimaha heeshiiska. Xaddiga
horumarinta la siinayo waa in lagu xusa dukumintiga tartanka gudahiisa.
16.26.2- Horumarinta qadarasleyashu qaab-wafaqsan heeshiiska u soo
dalbadaan waxa looga bahan-yahay in ay dammanada horumarinta oo
uu dhiganta lacagta horumarinta ka keenan bangiga, nooca
56
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI
Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI

Contenu connexe

Tendances

Modelo de carta para la presentación de documentos de embarque en una cobranz...
Modelo de carta para la presentación de documentos de embarque en una cobranz...Modelo de carta para la presentación de documentos de embarque en una cobranz...
Modelo de carta para la presentación de documentos de embarque en una cobranz...Diario del Exportador
 
Advance ruling presentation
Advance ruling presentationAdvance ruling presentation
Advance ruling presentationRishub Kapoor
 
Ejemplo Escritura de Constitución de Sociedad de Responsabilidad Limitada cop...
Ejemplo Escritura de Constitución de Sociedad de Responsabilidad Limitada cop...Ejemplo Escritura de Constitución de Sociedad de Responsabilidad Limitada cop...
Ejemplo Escritura de Constitución de Sociedad de Responsabilidad Limitada cop...DeLunar
 
Catalogo GameStop Aprile/Maggio 2014
Catalogo GameStop Aprile/Maggio 2014Catalogo GameStop Aprile/Maggio 2014
Catalogo GameStop Aprile/Maggio 2014GameStop Italia
 
Catalogo GameStop Primavera 2011
Catalogo GameStop Primavera 2011Catalogo GameStop Primavera 2011
Catalogo GameStop Primavera 2011GameStop Italia
 
1040 introduction
1040 introduction1040 introduction
1040 introductionknowinfonow
 
Islamic Book in English: King of Jinns
Islamic Book in English: King of JinnsIslamic Book in English: King of Jinns
Islamic Book in English: King of JinnsIslamic Library
 
Income from business
Income from businessIncome from business
Income from businessAsma Yasmin
 
Impuesto a-la-rente-23-01-13
Impuesto a-la-rente-23-01-13Impuesto a-la-rente-23-01-13
Impuesto a-la-rente-23-01-13shirninosh
 
Higher Rate Of TDS /TCS On Non-Filers: Analysis And Operation Of Provisions
Higher Rate Of TDS /TCS On Non-Filers: Analysis And Operation Of ProvisionsHigher Rate Of TDS /TCS On Non-Filers: Analysis And Operation Of Provisions
Higher Rate Of TDS /TCS On Non-Filers: Analysis And Operation Of ProvisionsDVSResearchFoundatio
 

Tendances (13)

Modelo de carta para la presentación de documentos de embarque en una cobranz...
Modelo de carta para la presentación de documentos de embarque en una cobranz...Modelo de carta para la presentación de documentos de embarque en una cobranz...
Modelo de carta para la presentación de documentos de embarque en una cobranz...
 
Advance ruling presentation
Advance ruling presentationAdvance ruling presentation
Advance ruling presentation
 
4. reverse charge machanism under gst.
4. reverse charge machanism under gst.4. reverse charge machanism under gst.
4. reverse charge machanism under gst.
 
Pre gst
Pre gstPre gst
Pre gst
 
Ejemplo Escritura de Constitución de Sociedad de Responsabilidad Limitada cop...
Ejemplo Escritura de Constitución de Sociedad de Responsabilidad Limitada cop...Ejemplo Escritura de Constitución de Sociedad de Responsabilidad Limitada cop...
Ejemplo Escritura de Constitución de Sociedad de Responsabilidad Limitada cop...
 
Catalogo GameStop Aprile/Maggio 2014
Catalogo GameStop Aprile/Maggio 2014Catalogo GameStop Aprile/Maggio 2014
Catalogo GameStop Aprile/Maggio 2014
 
Catalogo GameStop Primavera 2011
Catalogo GameStop Primavera 2011Catalogo GameStop Primavera 2011
Catalogo GameStop Primavera 2011
 
1040 introduction
1040 introduction1040 introduction
1040 introduction
 
Islamic Book in English: King of Jinns
Islamic Book in English: King of JinnsIslamic Book in English: King of Jinns
Islamic Book in English: King of Jinns
 
Law of Taxation UNIT-1.pdf
Law of Taxation  UNIT-1.pdfLaw of Taxation  UNIT-1.pdf
Law of Taxation UNIT-1.pdf
 
Income from business
Income from businessIncome from business
Income from business
 
Impuesto a-la-rente-23-01-13
Impuesto a-la-rente-23-01-13Impuesto a-la-rente-23-01-13
Impuesto a-la-rente-23-01-13
 
Higher Rate Of TDS /TCS On Non-Filers: Analysis And Operation Of Provisions
Higher Rate Of TDS /TCS On Non-Filers: Analysis And Operation Of ProvisionsHigher Rate Of TDS /TCS On Non-Filers: Analysis And Operation Of Provisions
Higher Rate Of TDS /TCS On Non-Filers: Analysis And Operation Of Provisions
 

Awaamiirta dhaqan galianta iibka dawlada DDSI

  • 1. Awaamiirta Dhaqan- galianta Iibka Dawlada Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya Jigjiga/Itoobiya
  • 2. TUSMO ................................................................................................................................................1 Jigjiga/Itoobiya.........................................................................................................................1 TUSMO.....................................................................................................................................2 Qaybta 1aad ArrimoGuud........................................................................................................5 Qeybta 2aad Xilalka iyo Wajibaadyada...................................................................................7 Qeybta 3aad Qorshaha iibka..................................................................................................15 8. Diyaarinta Qorshaha Iibka..................................................................................................15 10-Xulashada Habka/nooca Iibka...........................................................................................18 11-Cayimidda Muddada Fulinta Iibka.....................................................................................18 12-Mugga Qorshaha Iibka.....................................................................................................19 13-Siyaabaha Qorshaha Iibka Loo Ansixiyo ama Wax looga Baddelo.....................................19 14-Shaacinta Qorshe Sannadeedka Iibka ..............................................................................20 Qeybta 4aad Noocyada Iibka Iyo Dhaqan Galkooda...............................................................20 15- Noocyada/Hababka Iib Ee La Ogol Yahay(La Fasaxey).........................................20 16-Dhaqan Gellinta Iibka Tartanka Furan ah ee Heer Qarran:-.................................21 16.1-Diyaar Garowga Hore :-..........................................................................................21 16.2. Oggaysiiska Tartanka:-...........................................................................................22 16.3.Dukumintiga Tartank Xafiisyada Dawladu:-............................................................23 16.4 Tilmaamaha la siiyo Tartameyasha:-.......................................................................23 6.5.Qeexidda Bahida Farsamo........................................................................................26 16.6. Foomka Tartanka iyo Shaxda soo gudbinta Qiimaha:-..........................................27 16.7. Shuruudaha Guud iyo kuwa Garka ah ee Heeshiiska.............................................28 16.8 .Diyarinta Shuruudaha Qiimaynta Tartanka.......................................................29 16.9- Go’aminta Muddada Tartanku U Furnanayo Tartamayasha..................................30 2
  • 3. 16.10.Iibka Dukumintiga Tartanka..................................................................................31 16.11. Qaabka soo gudbinta Muunadda.........................................................................32 16.12. Fah-faahinta ama Wax-ka Bedelka Lagu Sameeyo Dukumintiga Tartanka .........34 16.13. Luuqada Tartanka:-..............................................................................................35 16.14. Qiimaha Tartanka iyo Wax-ka Badelka Qiimaha:- ...............................................36 16.15-Muddada Uu Sharciyan Jirayo Dukumintiga Tartanku:-.......................................40 16.16. Dammanadda Tartanka:- ....................................................................................41 16.17- Guddoonka (Qabashada) Dukumintiga Tartanka:-..............................................43 16.18- Furitaanka Tartanka.............................................................................................43 16.19- Qiimaynta Iyo isbar-bardhiga Tartanka ..............................................................46 16.20- Mudnaan Gaar ah................................................................................................50 16.21- Ka Saaridda Tartanka .........................................................................................52 16.22- Wada hadalka Lala Yeesho Qandaraslayasha .....................................................53 16.23. Ansixinta Tartanka ............................................................................................53 16.24. Shaacinta Cidda ku Guulaysatay Tartanka...........................................................54 16.25- Dammanadda Heeshiiska....................................................................................55 16.26- Horumarinta:-......................................................................................................56 16.27- Sexeexida Heeshiiska:-........................................................................................59 Qaybta 5aad Meel Marinta Iibka Caalamiga..........................................................................61 17- Tartanka Furan Ee Heer Caalamiga:-.....................................................................61 18- Iibyada Kale ee Heer Caalami:-................................................................................62 19- Tartanka Iibka Labada - darajo(heer):- .................................................................63 20- Tartanka xaqiijinta Hore ee kartida:-......................................................................64 21. Iibka Lagu Meel-Mariyo Dalabka Fikir Tartameedka:-..............................................66 22- Tartanka Codsiga muujinta rabitaanka...................................................................73 23- Meel-Marinta Iibka Tartanka Xadiidan..................................................................74 3
  • 4. 24- Iibka Lagu Hirgeliyo Qiimo Sheegta. ......................................................................76 25. Iibka Tooska..............................................................................................................78 Qaybta 6aad Iiba gaarka ah....................................................................................................83 26- Iibka Sare ee Gaarka.................................................................................................83 27- Iibka gaarka ah ee Alaabta iyo adeegyada ay xafiisyada dawladu wada jirka u rabaan...............................................................................................................................83 Qaybta 7aad Maamulka heeshiiska........................................................................................90 28 Dhaqan Galinta heeshiiska.........................................................................................90 29. Daba Galka Hir-galinta Heeshiiska..........................................................................92 45.1 Heshiiska iibka Inta Aan La Sexeexin....................................................................112 45.1 Laba Bushkhadod Tartanka Lagu Soo Gudbiyay....................................................113 46. Xayiraada Meel-Marinta iibka Ee Ay Xafaiisyada Dawladu Sameeyaan...........114 47.Nidamka Loo Guudbiyo Loona Badha Cabashooynka Xafiiska Boordhiga.........114 Qaybta 12aad Nidamka lagu Eego warbixinta danbiilenimo ee loo gudbiyo BoFED.............116 48. Soo gudbinta warbixinta danbiilenimo iyo nidamka hir- galinta baadhista........116 49 Dhibaato Awoodiisa ka baxsan.................................................................................120 50 - Cabashada oo Maxkamad lagu eego .....................................................................121 Qaybta 13aad Awaamiirta la Nasakhay iyo Mudada Dhaqan- galka Awaamiirtan..............121 51. Awaamiirta la Nasakhay..........................................................................................121 52. Mudada Dhaqan-galka............................................................................................121 4
  • 5. Awaamiirta Dhaqan-galinta Iibka Dawlada Xafiiska maaliyadda iyo horumarinta dhaqaaluhu isagoo ka duulaya iyo 70aad firqadiisa 2aad ee bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawlada deegaanka soomaalida, ayaa wuxuu soo saaray awaamiirtan:- Qaybta 1aad ArrimoGuud 1. Ciwaan Gaaban:- Awaamirtan waxaa loogu yeedhi karaa “Awaamiirta Dhaqan-Gelinta Iibka Dawladda” 2. Qeexid:- 1. Hadii aanu haboonanshaha ereyga si kale loogu mac-nayn Awaamirtan dhexdeeda waa:- b/ “Qeexidda Baahida Farsamo” waxaa loola jeedda dalabka dukumentiga muujinaya nooca, heerka iyo tayada looga baahan-yahay in ay buuxiso alaabtu, addeegu, shaqada dhismuhu ama addeega la talintu. t/ “ Bayaan” waxaa loola jeedaa bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawladda ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ee tirsigiisu yahay 82/2002. j/ “Iib” waxaa loola jeedda muddada /qaabsocodka/ u dhaxeysa maalinta la shaaciyay oggeysiiska ama laga billabo maalinta la faafiyo oggeysiiska iibka illa inta la ogganaayo tartamaha ku guulaystay islamarkana uu sexeexo heeshiiska. x/ “Dukumentiga Caadiga ah ee Tartanka” waxaa loola jeedaa dukumentiga uu diyaariyo xafiiska maaliyaddu, si guud ahaan uu xafiisyada dawlada gacan uga siiyo inay u diyariyaan dukumentiga tartanka qaab-mideysan oo isku mida. 5
  • 6. Kh/ “Waaxda Iibka” waxaa loola jeedda qaybta awooda loo siiyey fullinta shaqooyinka iibka, iyadoo aan wax loo dhimeyn qaab-dhismeedka shaqo ee xafiisyada dawladda. d/ “Qiimaha Guud” waxaa loola jeedda qiimaha guud ee uu xafiiska dawladu ku meel-mariyo ama ku fuliyo iibka oo ay ka mid yihiin canshuurta iyo dhammaan kharashyada kale. r) “Xafiiska Maaliyadda” waxaa loola jeedaa Xafiiska Maaliyadda & Dhaqaalaha ee Dawladda Deegaanka Soomaalida. 2. Dhamman erayada kale ee ku jira awaamirtan gudaheedu waxaa ay yeelanayaan mac-naha lagu siiyey bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawlada ee Dawladda Deegaanka Soomaalida ee tirsigiisu yahay 82/2002. 3. Xadka Fulineed ee Awaamiirtan:- Awaamiirtani waxay dhaqan-gal ku tahay dhammaan arrimaha iibka dawlada deegaanka soomaalida ee uu bayaanka ku dhaqan-galiyey ama lagu xeeriyey. 4. Mabaadi’da:- Cidd kasto awood loo siiyey in ay dhaqan-galiso waajibaadyada iibka, waxa waajib ku ah in ay meel-mariso mabaadi’da hoos ku xusan:- b/ In laga helo fulintaanka iibka wax-tarka ay lacagtu keeni karto, taasi oo uu mac-naheedu yahay in la xaqiijiyo tashiil iyo karti fulineed oo wax ku ool ah. t/ Waxan ka aheyn arrimaha gaarka oo bayaanka lagu xeeriyay, waxa reeban ama cadaalad xumo ah in tartamaha lagu reebo ama looga saaro tartanka iibka dawlada arrimo la xidhiidha jinsiyadiisa ama arrimo an khuseynin shuruudaha tartanka iibka dawlada u yaala. j/ In la taageero ama gacan laga geysto horumarka dhaqaale ee dalka iyadoo fulinta iibka dawlada laga dhigayo mid nidaamsan oo tayo leh. x/ Dhamaan shuruudaha asaaska u ah go’aaminta iibka dawladda iyo go’aanada la qaadanayoba waa inay si cad ugu furnaadaan cid kasta oo ay khusayso, 6
  • 7. kh/ Xaqiijinta inay jiro la-xisaabtan ama u qoolanaan go’aanada iyo talaabooyinka la qaato ee la xidhiidha fulinta iibka. d) Iyadoo lagu salaynayo mudnaan gaarka ah ee bayanka iyo awaamiirtan fasaxayaan, in la dhiiri galiyo wax-soo saarayaasha, shirkadaha dalka laga leeyahay iyo ganacsatada yaryar. Qeybta 2aad Xilalka iyo Wajibaadyada 5. Xilka iyo Wajibaadka Masuuliyiinta Sare ee Xafiisyada Dawlada:- Iyado awoodaha lagu xusey bayaanku sidooda yahiin, ayaa wuxuu leeyahay madax-xafiiseedku xilka iyo wajibaadkan dheeriga ee hoos-ku xusan:- 1. Wuxuu xaqiijiya shaqaalaha iyo masuulinta lagu soo meeleyo xafiiska si ay u meel-mariyaan shaqooyinka iibka in ay u leeyihiin aqoon dheeriya iyo waayo-aragnimo ku filan shaqada. 2. Wuxuu xaqiijiya masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska loogu soo meeleyo si ay u fuliyan iibku in ay yihiin kuwo leh an-shax iyo asluub- shaqeed fiican oo shaqaalenimo. 3. Wuxuu hubiya in qaybaha fullinta shaqooyinka iibka xafiisku yihiin kooxo leh tababar ku filan iyo in ay leeyahiin qaab-dhismeed hufan oo cad-cadaan leh. 4. Wuxuu aasaasa guddiga ansixinta iibka oo ka kooban sadex-xubnood, buxinayana shuruudaha hoos-ku xusan, si ay u hubiyaan islamarkaana u go’aamiyaan iibka isku dhafan ee xafiiska isla markaana muddadooda shaqo aanay ka badneyn sedex sano. b/ Waa inuu yahay xubin masuuliyad sare ka haya xafiiska. t/ Waa in ay yihiin xubno leh aqoon kala duwan islamarkaana shaqada xafiiska u leh aqoon iyo khibrad dheeriya. 5. Wuxuu marka uu u arko munasib hal sano dheeriya ugu daraa (kordhiya) cimriga shaqo ee guddiga ansixintaa iibka. 7
  • 8. 6. Wuxuu hubiyaa in guddiga ansixinta arrimaha iibku haysto wakhti ku fillan iyo in loo dhameystirey qalabkii xafiis ee ka caawin lahaa gudashada xilkooda. 7. Wuxuu xaqiijiya in shaqaalaha ka mid noqda guddiga ansixinta arrimaha iibku muddada ay ku hawlan-yahiin shaqada guddiga ay ka mid tahay muddadii caaddiga ee shaqada xafiiska islamarkana loo diwaan- geliyo qorsheyashooda iyo natiijooyinkooda. 8. Wuxuu suuro-geliyaa sidii ay shaqalaha iyo masuuliyiinta lagu meeleeyo shaqooyinka iibka iyo guddiga ansixinta arrimaha iibku u heli-lahayeen bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawlada, awaamirtan, dokumantiga caadiga ah ee lagu fuliyo iibka iyo dukueintiyada kale ee muhiimka ah ee ay dawladu soo saarto iyo sidoo kale, in ay heelan tababaro ku filan oo gacan ka siiya gudashada xilkooda. 9. Wuxuu Isagoo mudnaan gaar siinaya shaqada arrimaha iibka uu daba- gal dheeri ah ku sameeya qeybaha iyo guddiyada ay shaqada iibku khuseyso islamarkana uu ku talaabsadaa talabooyinka shaqada lagu saxayo. 10.Wuxuu aasaasa guddi qiimeyneed oo ku meel-gaadha marka uu jiro iib isu dhafan isla markana u baahan qiimeyn farsamo oo dheeriya. 11.Wuxuu qiimeeya islamarkana ansixiyaa qorsheyasha iib ee xafiiska ka dib marka uu hubiyo in ay dhameystiran yahiin xaaladaha hoos -ku xusan:- b, in qorshaha iibku waafaqsan yahay jadwaladda shaqo ee xafiiska. t, in iibasha oo dhan hal meela la isugu keenay si loo fuliyo. j, in iyadoo laga duulayo go’aanka xafiiska maaliyada, si gaara loo dhigo iibasha sida wada jirka ah ay xafiisyadu si heeshiis-duleed u fuliyaan. x, in qorshahu yahay mid uu ku dhan-yahay bahida iib ee xafiisku sido kalena loo gudbiyey guddiga ansixinta iibka islamarkana uu aqbaley guddigu. 8
  • 9. 12, Wuxuu suro-geliya in wakhtiga ku haboon loo gudbiyo cidda awooda u leh fulinta iibka, kadibna marka loo soo dhameystiro xogaha- xafiisyada iibka doonaya in hal-meela heeshiis guud loogu mel-mariyo. 13, Sida ku xusan qodobka 24aad farqadiisa 2aad ee awaamiirtan, iibasha yar-yar ee cadadka lacagtoodu aadka u kooban tahay islamarkaana aan loo baahneyn in ay ansixiyan guddiga ansixinta arrimaha iibku, wuxuu: b, u wakiilan karaa waaxda iibka xafiisku inay ansixiso iibkaasi, ama t, u wakiilan karaa mas’uulka ay shaqadu sida toosa u khuseyso inuu ansixiyo, j, u wakiilan karaa ansixinta iibka masuulinta heerarka kala duwan xafiiska ka jooga, isago wakaalashada uu bixinayo ku cadaynaya cadadka lacageed, 14, Wuxuu hubiyaa sharciyadda qiimo sixida lagu sameeyo geedi socodka meel-marinta (dhaqan-gelinta) arrimaha iibka ee ku saleysan awaamiirta u xeerinayo qodobka 16aad farqadiisa 14aad ee awaamirtani. 15, Wuxuu hubiyaa islamarakana go’aan ka gaadha cabashooyinka la xidhiidha xogaha geedisocodka fulinta iibka ee wafaqsan qodobka 14aad ee awaamiirtan iyo shaqooyinka kale ee uu xafiisku fuliyey islamarkana ay diideen in ay xog-ka siiyaan cidii rabtay, qaybta arrimaha iibka xafiisku. 16, Wuxuu seexiixa heeshiis ama hadba sida loogu baahdo ayuu u wakiishaa in uu saxeexo heeshiiska islamarkana uu daba-gal ku sameeya dhaqan-gelinta heeshiiska. 17, Wuxuu suruo-geliya isago ka duulaya qodobka 8aad xarafkiisa (D) ee bayaankan, marka iibka xafiisku yahay mid aad isu-dhafan islamarkana aanu xafiisku lahayn awood farsamo oo uu ku fuliyo, in iibka ay u fuliso cid sedeexaadi/cid kale/ isago ka duuleya arrimaha hoos ku xusan:- b, Wuxuu hubiyaa in addeega iib ee cid sedeexaadi u fulinayso loo fuliyay si waafaqsan qodobada ku xusan bayaanka iyo awaamiirtani. t, Wuxuu suro-geliya in uu si cad u kala qeexo xilka guddiga iibka ee cidda sedeexaad iyo xilka shaqo ee xafiiska. 9
  • 10. j, Wuxuu hubiyaa isago ka duulaya qodob-hoosaadkan dhammaan go’aanada iib ee gacanta sedeexaad ee fulinaysa ay gaadhaan ay yahiin kuwo loo keenay oo xafiisku oggolaaday. 18, Wuxuu suuro-geliya in loo gudbiyo warbixinta wax-qabadka arrimaha iibka ee uu xafiisku fuliyay iyadoo laga duulayo foomamka iyo muddada uu u cayimay xafiiska maaliyaddu. 19, Wuxuu gacan ka siiya islamarkaana u fududeeya baadhista iyo kormeerka iib ee uu xafiiska maaliyaddu ku samaynayo sidii loo fuliyay iibka xafiiska, iyado ay qeyb ka yahiin arrimahan hoos ku xusan:- b, In uu hanti dhawrka iibka dawladda u diyaariyo dukumentiga ay rabaan mar kastoo ay dalbadan. t, In uu u diyaariyo hanti-dhawrayasha goob- ay ku shaqeeyan. j, Inuu u qondeeyo masuul ama shaqale ka warbixiya geedi- socodki iibashi uu xafiisku meel-mariyey. 20, Natiijooyinka hanti dhawrka iibka fikirka uu xafiiska maaliyaddu ka bixiyo inuu meel-mariyo oo xafiiska maaliyadda soo war-geliyo talabooyinka sixitan ee la meel-mariyay. 21, Wuxuu xafiiska dakhliga u gudbiyaa xogaha la xidhidha dakhliga lacageed ee ka soo xeerootay arrimaha shaqooyinka iibka ee uu xafiisku meel-mariyay. 6. Xilka iyo Wajibaadka Waaxda Iibka:- Iyado ay sidooda yihiin xilka iyo wajibaadka bayanka lagu siiyey waaxda iibku, ayaa waxay leeyahay xilka iyo wajibaadkan dheeriga ah ee hoos-ku fah-faahsan. 1. Waxay iyado ka duulaysa bahida xafiiska ururisa oo ay u diyaarisa qorshaha xafiiska qaab-waafaqsan shuruudaha ku xusan qodobka 8aad (1) ee awaamiirtan. Sidoo kale, iyadoo ka duulaysa bahida iibka xafiiska ee la xidhiidha iibyada xafiisyada kale ee la rabo in wadajir loo dhaqan- geliyo, ayay gaar u soocda marka uu xafiiska maaliyaddu go’amiyo. 10
  • 11. 2, Waxay hubisa in dhamman iibka dawlada ay fuliyeen qandarasleyaal ka diwan gashan xafiiska maaliyadda isla markaasina ay bangiga ku leeyihiin accounti, waxan ka ahayn iibasha lagu xeeriyey qodobka 51aad qodob-hoosaadkiisa (1) xarafkiisa R iyo S iyo qodobka 25aad (7) ee awaamiirtan. 3, Waxay iyadoo la kaashanaysa waaxda xafiiska ee iibka soo codsatay diyaarisaa dukumiintiga tartanka iibka oo ay u gudbisa guddiga ansixinta iibka. 4, Waxay sixitan ku sameysaa dukumintiga tartanka iibka iyadoo ka duulaysa talooyinka, fikirka iyo ra’yiga guddiga ansixinta iibka. 5, Iyada oo arrimaha ku xusan qodobka 51aad ee bayanku sidooda yihiin ayaa tartanka ibka furan ee heer caalami lagu fulinayo iyo iibka caddadkiisa lacageed lagu qeexey qodob-hoosadkan iyo waliba iibka ka sareeya intaasi wakhtiga oggeysiiska tartanka jara’idka lagu soo bandhigo ayaa sidoo kale dadweynaha loogu shaacin shaashada internetka xafiiska maaliyadda. b, Shaqooyinka dhismaha laga bilaabo Birr 10,000,000.00 t, Iibka allabta “ 3,000, 000.00 j, Addeega la talinta “ 2,000, 000.00 x, Addeegyada kale “ 1,000,000.00 6, Marka uu tartanka iibku yahay mid ka sareeya cadadka lacageed ee lagu xusey qodob hoosadka 5aad ee qodobkan ee tartamaha ku guuleystay tartanka la xusho islamarkana uu seexeexo heeshiiska iibka waxaa muddo shan maalmood guddaheeda loogu shacini nidamka isgadhsiineed ee Xafiiska maaliyadda iyadoo la buxinayo foomka u xafiiska maaliyaddu u diyariyey in lagu buxiyo xogta oo loo shaciiyo bulshada. 7, Waxay iibisaa dukumiintiga tartanka islamarkana fah-faahin ka bixisa su,alaha la xidhiidha dukumintiga tartanka. 8, Waxay diyaarisa sanduuqa lagu rido dukumintiga tartanka oo ay maamusha. 11
  • 12. 9, Waxay furtaa dukumintiga tartanka sidoo kalena waxay suro-galisa in ay ka soo qeyb-galan xaflada furitanka dukumintiga tartanka qaybta codsatay tartanka iyo wakiilka hantidhawraha guudaha. 10, Waxay hubisa in dukumintiga tartanka ee la soo gudbiyay la seexeexay bog-walba iyo in lagu dhuuftay shabad islamarkana la diyariyay shiir- qoraaleedka guddiga. 11, Waxay guddoontaa lacagta damanada tartanka oo ay surto-gelisa in la xafido. Sidoo kale, iyado ka duulaysa shuruudaha lagu xusey dukumintiga tartanka iibka ayay dawlada u xeereeysa lacagta damanada tartanka ama u ceelisaa tartamaha. 12 Waxay hubisa in koobiyada dukumintiga tartanka loo gudbiyey guddiga loo xilsarey inuu qiimeeyo dukumintiga tartanka. Waxay sido kale hubisaa in dukumintiga tartanka ee asalka ah si xafiidan loo ilaaliyey, si hadii uu khiilaaf uga yimado dukumintiga koobiga ah loogu saxo. 13, Dukumintiga tartanka ayay iyagoo koox ah qiimeynayaan ama hadii uu yahay cadadka qiimaha iibku mid ka badan cadadka lagu xusey qodobka 24(2) ee awaamiirtani, ay surto-gelini in ay guddiga ansixinta iibku qiimeeyan. 14, waxay xaqiijisaa in aan lagu kicin ficil wax u dhimaaya ama u faa’iidaynaya hal qandaraasle mudada lagu jiro in dukumentiyada tartanka si haboon loo dejiyay ama xisaabta si wacan loo diyaariyay. 15, Waxay sharaxad ka bixisa ama ay sababtaa in sharaxaad laga bixiyo su’aalaha la xidhiidha go’anada guddiga ansixinta iibka ee guddiga loo soo jeeddiyo. 16, Waxay isku duba-ridaa islamarkana ay daba-gal ku sameysaa shaqooyinka iibka ee ay u meel-mariyaan gacanta seedeexadi. 17, Waxay ansixisaa iibasha cadadkooda lacageed ay xadiidan-yahiin kana hooseeyaan cadadka lagu qeexay qodobka 24aad ee qodob-hoosadkiisa 2aad ee awaamiirtan islamarkana wafaqsan wakalashada uu madax- xafiiseedku bixiyay. 18, Waxay tartameyasha la socodsiisaa cidda natiijada tartanka ku guuleysatey iyo ciddi ku guuldaresatay. 12
  • 13. 19, Waxay allab-keenayasha kala xajootaa shuruudaha heeshiiska islamarkana iadoo ka duulaysa masuuliyada loo wakiishey ay seexeexdaa heeshiiska ama u gudbisaa masuulka sare ee xafiiska ee arrintu khuseyso. 20, Waxay hubisaa in xafiiska dawladu uu fuliyay wajibadkii heeshiiska islamarkana la sugay xuquuqdisa. 21, Waxay xushaa tartameyashii ka soo qeybgalaya tartanka iibka ku saleysan qiimo sheegta islamarkana ay uruurisaa qiimaha ay ku soo tartameen. 22, Waxay hubisaa in qiimaha ay ku soo tartameen tartameyasha ka qeyb- gelaya tartanka iibka ee lagu fuliyo qiimo sheegta uu yahay qiimo wafaqsan qiimaha suuqa. 23, Waxay xafiddaa oo ay ilaalisaa dukumintiyada iibka, islamarkana ay fah-faahiin ka siisaa marka ay si sharciga waafaqsan su’alo uga weydiiyan cida ay khuseyso. 24, Waxay si deg deg ah u siisaa cadeymaha la xidhiidha arrimaha iibka ee xafiiska marka ay cida ay khuseyso ka dalbato, waxan ka aheyn arrimaha lagu xusey qodobka 23(2) ee awaamiirtan, habse-ahaate, marka helista cadeymuhu yahiin mid kharash ku soo kordhinaya xafiiska waxa waajib ah inay kharash bixiso cida dooneysa cadeymuhu. 7. Xilka iyo Waajibaadka Guddiga Ansixinta Iibka:- Iyadoo xil iyo waajibaadka bayaanka lagu siiyey guddiga iibku sidooda yihiin ayaa wuxuu leeyahiin xilka iyo waajibaadkan hoos ku fah-faahsan. 1, Wuxuu hubiya in waaxda shaqada iibka lihi ay diyaarisay qorshe sannadeedka isago maanka ku haya oo ku xisaabtamaya arriamahan hoos ku xusan:- b/ in baahiyaha kala duwan ee iibku waafaqsan yihiin broogiraamyada xafiiska. t/ In aan iib la’aantii si kale oo loo xalinkaraa jirin baahi kasta oo jirta 13
  • 14. j/ in qorshaha loo diyaariyey qaab iibka si wadar ah loogu fulin karo. x/ iyadoo ka duulayo xaladaha u gaarka ah xafiiska la dhameystiray arrimahii kale ee loo baahnaa in la dhamaystiro. 2. Wuxuu hubiya dhamaan dukumintiga tartanka ee ay diyaariso waaxda iibku, iney ka mid yihiin ama ay ku jiraan arimaha hoos ku xusan:- b, inuu yahay mid wafaqsan dukumintiga caadiga ah ee tartanka ee uu diyaariyey xafiiska maaliyaddu u diyaariyey iib kasta noociisa. t, inuu yahay mid muujinaya arrimaha lagu xusey bayaanka iyo awaamiirtan ee la xidhiidha caddeynta baahida farsamo. j, inay yahiin shuruudaha tartanku kuwo cad cad oo cadaaladi ku dheehan tahay islamarkana la fulin karo. x, in qoraalada muhiimka ah lagu dhameystirey shuruudaha iyo arimaha kale ee lagama maarmanka ah ee bayaanka iyo awaamirtuba u xeeriyeen noocyada kala duwan ee iibka. 3, isagoo sameynaya hawlaha hubineed ee hoos ku xusan, ayuu ansixiya kadib marka uu hubiyo warbixinta qiimeynta iibasha lacagtoodu ka sareyso cadadka iib ee noocyadooda lagu xusey qodob-hoosaadka 2aad ee qodobka 24aad ee awaamiirtan. b, in qiimeyntu ku saleysan tahay dukumiintiga tartanka la xayaysiiyay. t, in ay waafaqsan tahay shuruudaha lagu xeeriyey bayaanka iyo awaamiirta. j- in la hubiyo xaalada geedi socodka qiimeynta ka hor intaan la gaadhin go’aanka iibka iyo in ay guud ahaan tahay qaabsocodka arrimaha iibka ee xafiisku mid ku dheelitiran kharashka lacageed ee uu xafiisku galiyo/ku bixiyo. 4- wuxu meel-mariya waajibadka ku xusan qodob-hoosaadka 16 iyo 23 ee awaamiirtan. 14
  • 15. 5- wuxu waajibiya in go’aanada guddiga ansixinta iibku ka gaadho warbixinta qiimeynta iibka ay noqdan kuwo mac quul ah oo sababeysan. 6- wuxuu masuulka xafiiska uga tala bixiya qaabka shaqo ee si hufan loogu dhaqan gelinkaro bayaanka, awaamiirtan iyo nidaamyada kale ee xafiiska maaliyaddu soo saaro ee ay tahay in la meelmariyo. 7- wuxu masuulka xafiiska u gudbiya warbixin muujineysa waxqabadkii guddiga iibka, dhibaatooyinka ay kala kulmeen iyo talaabooyinkii xal ahaanta loo qaatey iyo go’aanadii leysla qaatey. 8- wuxuu jawaab ka bixiya marka xafiiska maaliyadda ama cida kale ee awooda u leh ay su’aalo ka weydiiyan qeedi-socodki iyo waxqabadki guddiga iibka ee xafiiska. 9- waxaa awaamiirtan lifaaqa labaad ee la socda ku fah-faahsan xilka iyo waajibaadka shaqo ee shir guddoonka iyo xoghayaha guddiga ansixinta. Sidoo kale waxaa lifaaqa ku cad qaabka iyo nidaamka shirarka guddiga. Qeybta 3aad Qorshaha iibka 8. Diyaarinta Qorshaha Iibka. 1, Xafiis kastoo dawladeed iyo qeybaha hoosyimaadaba marka uu doonayo inuu fuliyo progaramyada shaqo waxa muhiima ah inuu diyaarsado nidaam iyo qorshe uu ku fuliyo dhamaan baahida iib ee uu xafiisku u baahan yahay. 2, qorshaha iib ee la diyaarinayo waa in uu ahaado mid meel-marinaya ujeedooyinka hoos ku xusan:- b, inuu yahay mid dhaqan gelinaya mabaadi’da iibka dawlada ee lagu xusey qodobka 5aad ee bayaanka. t, inuu yahay mid hirgelinaya shaqooyinka xafiiska. j- inuu yahay mid meesha ka saara dib u dhaca iibka oo gacana ka geysta hirgelinta shaqada isla markana tashiilaya kharashka xafiiska. 15
  • 16. x, inuu yahay mid horseedaya in laga taxadaro dhibaatooyinka lagala kulmo arrimaha iibka muddada la fulinayo. 9-Qeexida, Uruurinta iyo Diyarinta Bahida Iibka 1, Xafiis kastoo dawladeed marka uu diyaarinayo baahida iibka waxaa waajib ah inuu maanka ku hayo arrimahan hoos ku xusan. b, in la hubiyo mar hadii aanu baahida xafiiska guddahiisa waxba ka tareyn ama wax ka badaleyn in la ogaado in aanu laheyn wax faa,iido ah oo kale ama aanu noqon karin wax hantiya. t, in la hubiyo in baahidiisa laga dabooli karo midka suqa yala ama uu fulin karo addeeg. j, in la hubiyo in baahida iib ayna noqonin mid ku saleysan qeybo aan fa,iido laheyn islamarkana aan xafiiska gelinin kharash aan loo baahneyn. x, in la hubiyo in baahida iibku tahay mid ku xisaabtantey ama maanka ku haysa korodhka baahida mustaqbalka,marka uu yahay iibka la rabo in la meel-mariya mid muddo dheer la isticmaali doono. Kh, in la hubiyo hadii aney xaaladi kalifin, in ay baahidu tahey mid ku saleysan xaaladaha suuqa ama in ay tahay mid ku jaan go,an sicirka suuqa caadiga ah ee standerka (heer). d, in la hubiyo baahida iibku in aysan noqonin mid waxyeeleysa amniga iyo xasiloonida deegaanka. 2, xafiis kastoo dawladeed marka uu rabo in uu ogaado baahidiisa iib ee sannadlaha ah, waxa loo baahan yahay inuu fulliyo arrimahan hoos ku xusan:- b, inuu ka soo codsada qeybaha kale duwan ee xafiiska inta ay tahay baahida iib ee ay sannadka u baahan yahiin. t, isagoo ka duulaya baahida loo soo gudbiyey ayuu u kala habeyn noocyadooda,tiradooda, tayadooda iyo goobta laga helleyo. 16
  • 17. j, isagoo ka duulaya baahida iyo mudnanta xafiiska,ayaa wuxu gaar u kala dhigaa allaabada,qalabka dhismaha iyo addeega. x, in la hubiyo baahida iib ee la soo gudbiyey iney tahay mid la heli karo iyo mid an la heli karin. kh, in iyadoo laga duulayo daraasad lagu sameyey suuqa ama xogo laga kala heley illo kale la ogaado qiiyaasta qiimaha uu u baahan-yahay iibku. d, in la hubiyo in isticmaaleyashu diyaariyen cadeynta baahida farsamo iyo in ay tahay mid la diyaarin doono. 3, xafiisyada dawladu iyagoo ka duulaya baahida laga soo uruuriyey isticmaaleyasha,macluumadka laga heley daraasadkii suuqa laga sameeyey iyo iyaga oo maanka ku haya arirmahan hoos ku xusan ayaa waxa waajib ah in ay diyaariyaan baahidooda iib. b, iyadoo arrimaha ku xusan qodobka 48aad ee bayaanku sidooda ay yahiin,ayaa waxaa loo bahan-yahay marka ay dhacdo in hal mar ah la meel-mariyo iibka allaabta,addeega ama qalabka dhismaha in la meel-mariyo nooca iib ee boqolkiiba kontan ka sareeya (5%). t, in ilaa inta ay suragal tahay, hal meela lagu uruuriyo baahi isku midka ama isku dhaw dhaw. j, in la hubiyo in iibasha,hal mara la wada la fuliyo,ay yahiin kuwo si fudud suuqa looga helli karo ama ay yahiin kuwo helitaankooda suuqa tahay mid ku kala firidhsan melo kala duwan, islamarkana ay tahay mid sura-gellinaysa in tartan ku filan la qaban karo. x, in la hubiyo in meel marinta iibku ayna laheyn wax dhibaato ah ama culeys ah oo dhib keenaya. 17
  • 18. 10-Xulashada Habka/nooca Iibka 1, xafiisyada dawladu marka ay diyaarinayaan qorshaha iibka waxa looga baahan-yahay in ay ka xushaan noocyada iib ee lagu xeeriyey bayaanka iyo awaamiirta hadba midka ku haboon. 2, xafiisyada dawladu marka ay diyaarinayaan qorshaha iibka waxa loo baahan-yahay in ay hubiyan in qorshaha iibka lagu darey baahidooda iib ee la ogyahay iyo in loo xuley iib kasta habkii ku haboona ee loo fulin lahaa. 11-Cayimidda Muddada Fulinta Iibka 1, xafiisyada dawladu diyaarinta qorshaha iibka iyagoo u isticmaalaya foomka u diyaariyey xafiiska maaliyaddu, ayaa waxa looga bahan- yahay in ay cayimaan muddada la fullinayo hawlaha ugu waaweyn ee iibka. Waxa kale oo muhiim ah in maanka lagu hayo nooca iib ee la fulinayo arrimaha ku haboon ee loo baahan-yahay oo ah sidan hoos ku xusan:- b, in muddada iibka la fulinayo ay tahay mid waafaqsan qorshaha ee xafiiska. t, in ay tahay waqti suuqa aad looga heli karo. j, in ay tahay mid ku qorshaysan muddada ugu gaaban ee uu tartan socon karo oo ah mid waafaqsan lifaaqa 3aad ee la socda awaamirta iyo illaa inta ay suuro-gal tahay inuu noqdo mid leh fursad balaadhan oo loogu tartami karo,islamarkana lagu diyaarin karo dukumintiga tartanka . x, in la hubiyo in la siiyey mudo ku fillan oo lagu diyaariyo dukumintiga tartanka,qiimeynta iyo ansixinta tartanka marka uu iibku yahay mid aad u adag, isla markana cadadka qiimaha lacagtuna ay tahay mid aad u badan. 2, iyadoo arrimaha ku xusan qodobkan firqadiisa 1aad ay sidooda yihiin, ayaa waxa loo bahan-yahay in laga taxadaro muddada laga fulinayo waajibaadyada waaweyn ee noocyada iibka in ayna ka badnaan muddadii loo baahna in lagu fuliyo. 18
  • 19. 12-Mugga Qorshaha Iibka. 1, xafiisyada dawladu iyagoo ka duulaya arrimaha lagu xeeriyey qeybta 3aad ee awaamirta iyo arrimaha ku xusan lifaaqa (1) ee diyaarinta qorshaha iibka ee uu xafiiska maaliyaddu u diyaariyey arrinta, ayaa waxa loo baahan-yahay in ay diyaariyan qorsheyasha iibka ee xafiisyadooda. Sidoo kale waxa loo baahan-yahay in ay qayb ka yihiin qorshaasi arrimahan hoos ku xusan:- b- tirsiga & lambarka iibka t- qeexidda iibka j- cadadka iibka x- fah-faahinta qaabka loo dhaqan gelinayo(fullinayo). kh- muddada la dhameystirayo hawlaha waaweyn ee iibka. d- cadadka iyo illa miisaaniyadeed ee lagu qabanayo iibka. r- noocan heeshiis ee ku haboon iibka. s- nooca ka qeyb qaadashada geedi socodka fulinta iibka ee xubnaha ugu muhiimsan. sh-arrimaha kale ee mudnanta leh iyadoo lagu xisaabtamayo hadba xaalada uu xafiisku ku sugan yahay. 2, xafiiska dawladu ilaha xogaha uu u isticmaaley diyaarinta qorshaha iibka iyo arrimaha kale ee uu isleeyahay waxay gacan ka siin karaan bulshada macaamiisha u ah xafiiska fahanka qorshaha, waa inuu ku lifaaqo foomka qorshaha iibka. 13-Siyaabaha Qorshaha Iibka Loo Ansixiyo ama Wax looga Baddelo. 1, qaybaha waaxda iibku qorshaha iibka sanadlaha ah ee ay soo diyaariyaan marka ay u gudbiyan guddiga ansixinta iibka ee ay fikirkooda ka helaan, waa inay ka ansixiyaan madax xafiiseedka. 2, masuulka sare ee xafiiska dawladu waa in uu duyaariyo nidaam shaqo oo uu ku hubinayo in geedi-socodka iibku ku salaysan yahay qorshaha la ansixiyay ee iibka. 19
  • 20. 3, nuqul ka qorshe sannadeedka iibka ee madax-xafiiseedku ansixiyay, waa in sida ku xusan qodobka 14aad firqadiisa 2aad ee bayaanka loo gudbiyo qeybaha xafiiska ee uu iibku khuseeyo iyo xafiiska maaliyadda. 4, marka qorshe sannadeedka iibka xafiisyada dawladda la ogolaado ee madax-xafiiseedyadoodu ansixiyaan islamarkaasina nuqul ka mid ah loo gudbiyo xafiiska maaliyadda wixii ka dambeeya xafiisyada dawladu kuma talaabsan karaan arimo ka baxsan qorshahaasi mana kala qay- qaybin karan oo mid uma fulin karan iibka. 5, iyadoo arrimaha ku xusan firqada 1aad ee qodobkan sidooda yihiin, ayaa marka ay muhiim u arkaan xafiisyada dawladdu ee madaxa xafiiskuna aqbalo waxay mar kasta wax ka badel ku sameyn karan qorshahooda iib. 6, sida lagu qeexey firqada 5aad ee qodobkan wax ka badel lagu sameyo qorshaha iibnka, ayaa waxa loo baahan yahay in qaybaha xafiiska iyo xafiiska maaliyadda ee nuqulkii hore loo diray la wargaliyo. 14-Shaacinta Qorshe Sannadeedka Iibka Xafiiska maaliyaddu isagoo ka duulaya qodobka 13aad firqadiisa 3aad ee awaamiirtan qorshayaasha iibka sannadlaha ah ee xafiisyadu u soo gudbiyaan intuu isu ururiyo, sida ku xusan qodobka 6aad firqadiisa 5aad ee awaamiirtan qorsha iib ee xaddiga lacagtiisu ka sarayso, hadba sida loogu baahan yahay intu noocyada iib u kala qaybiyo ayuu u shaacini. Ama suuragalini sidii ay xafiisyadu xogahan ugu soo saari lahaayeen shaashadda internetka ee xafiiska maaliyadda. Qeybta 4aad Noocyada Iibka Iyo Dhaqan Galkooda 15- Noocyada/Hababka Iib Ee La Ogol Yahay(La Fasaxey) 15.1- bayaanka iibka iyo maamulka hantida dawlada qodobkiisa 25aad , wuxuu xeeriyey oo uu fasaxey noocyada iib ee hoos ku qoran. b- Iibka Tartanka Furan ah t- Iibka tartanka xaddiidan j- Iibka ku saleysan codsiga qiima sheegta x- Iibka Tooska hal allaab keene lala gallo 20
  • 21. kh- Iibka ku saleysan qiimaha tartanka. d- Iibka tartanka labada heer (meerto). 15.2- waxan ka aheyn shuruudaha bayaanka iyo awaamiirta lagu xusey, xafiisyada dawlada waxa waajib ku ah in ay wax ku iibsadaan ama isticmaalan iibka tooska ah. 15.3 - xafiisyada dawladu waxay isticmaali karan ama fullin karaan nooc iib oo ka baxsan iibka tartanka furan, marka ay jiran oo kaliya xaaladah bayaanka iyo awaamiirta lagu xusey. 15.4 xafiis kastoo dawladeed oo isticmala nooc iib oo ka baxsan iibka tartanka furan ee ku xusan qaybta 4aad ee bayaanka, waxaa waajib ku ah inuu keeno dukumintiga caddeynaya sababta iyo xaalada uu door-bidey hababka iib ee noocan ah. 16-Dhaqan Gellinta Iibka Tartanka Furan ah ee Heer Qarran:- Xafiisyada dawladu marka ay dhaqan gelinayaan iibka furan ah, waxa loo baahan-yahay iney isticmaalan dukumintiga rasmiga ah ee uu tartanka uu diyaariyey xafiiska maaliyaddu. Sidoo kale waxaa looga baahan yahay inay raacan/qaatan nidaamyada fulineed ee qodobkan lagu fah-faahiyey. 16.1-Diyaar Garowga Hore :- Xafiisyada dawladu si ay u dhaqan-geliyaan habka iibka tooska ee heer qaran, waa in ay hubiyaan iney dhameystiran yahiin shuruudahan hoos ku xusan:- 16.1.1. in la hubiyo in iibka la rabo ay buuxinayaan shuruudihiisa qandaraaslayaal wadani ah oo kaliya islamarkaana ay cadadka lacagtu ka hoosayaso heerkii loogu tala galay tartanka furan ee caalamiga sida ku cad qodobka 17aad farqadiisa 2aad ee awaamiirtan. 16.1.2. in kastoo, ay cadadka lacagta iibku ka hoosayso heerlkii loogu tala galay tartanka heer caalami ee lagu qeexay qodobka 17aad farqadiisa 2aad , ee awaamiirta hadana marka ay jirto in wax-soo saarku ama addeegu yahay mid wadanka gudihiisa oo kaliya laga heli karo waxaa lagu fulin karaa heer qaran. 21
  • 22. 16.2. Oggaysiiska Tartanka:- 16.2.1. si loo suuro-galiyo in ay tartanka ka soo qaybgalaan tiro badan tartamayaal ahi, waxaa muhiim ah / waajiba/ in oggaysiiska tartanka ugu yaraan hal mar lagu soo daabaco jaraa’idka sida wayn wadanka looga akhristo. 16.2.2. iyadoo arrimaha ku xusan qodobka 16aad ay sidooda yihiin, ayuu xafiiska dawliga ahi waqtiga iyo cadada uu isagu doorto u fulin kara nooca iib ee lagu til-mamay qodobka 27aad farqadiisa 2aad ee bayaanka, sidoo kale isagoo addeegsanaya hababka kale ee iib ayuu baahin karaa oggaysiiska tartanka. 16.2.3. Oggaysiiska tartanku waa inuu ka koobnado (xanbaarsan-yahay) arrimahan hoosku xusan. 16.2.3.1. Magaca, iyo addareska xafiiska dawladda ee oggaysiiska soo bandhigay. 16.2.3.2. Nooca allaabta, ama addeega haddii loo baahdo tirada iyo goobta lagula kala wareegayo ama nooca shaqada dhismaha iyo goobta laga fulinayo ama nooca addeega iyo goobta lagu qabanayo. 16.2.3.3. Shuruudaha looga baahan-yahay in ay soo buuxiyaan tartamayaashu. 16.2.3.4. Goobta laga heli karo dokumintiga tartanka. 16.2.3.5. Cadadka dammanada tartanka. 16.2.3.6. Cadadka lacagta lagu iibsado dokumintiga tartanka iyo qaabka loo bixinayo. 16.2.3.7. Goobta lagu xaraynayo dokumintiga tartanka iyo maalinta, saacada iyo goobta lagu furayo dokumintiga tartanka. 16.2.3.8. Inuu xafiiska dawladu xaq u leeyahay inuu qeyb-ahan ama guud- ahan ka noqon karo tartanka. 16.2.3.9. Iyo arrimaha kale ee xafiisku doorbido (amino) in loo shego tartameyasha. 22
  • 23. 16.2.4. Oggeysiiska taratanka kolka loo diyaariyo qaabka uu dhigayo ama ku xusan qodobka 16aad farqadisa 3aad ee awaamirta, luqada lagu qorayna waa in ay ahato mida dukumintiga tartanka lagu diyaariyey. 16.3.Dukumintiga Tartank Xafiisyada Dawladu:- 16.3.1 Iyado sideeda ay tahay istcmalka dukumintiga ee u diyaariyey xafiiska maliyaddu, waxa looga bahan-yahay inay hubiyaan in dukumintiga tartanka ee la diyaarinayo ee la diyaarinayo uu yahay mid ay ku dhan yahiin arrimaha lagu fah-faahiyey awaamiirtan. 16.3.2. Marka la diyaarinayo dukumintiga tartanka ee ay isticmaalayaan xafiiska maaliyaddu dukumintiga caadga ah ee uu tartanka u diyariyey iyagon wax ka badelin tilmaamaha tartanmeyasha iyo arrimaha guud ee heeshiiska, ay hadaba iyagoo ka duulayo xalada iyo nooca iib, ay wax-kabadel ku sameyn karaan qaybaha kale ee dukumintiga taratanka. 16.3.3. Iyadoo la oggyahayay inta badan in ay diyaariyan dukumintiga tartanka waaxda ama kooxda shaqooyinka iibku, ayaa waxa loo bahan-yahay in la hubiyo ka hor inta aan lagu hawgelin dukumitiga taratanka inu ogolaado in la diyariyo guddiga ansixinta iibka ee xafiisku. 16.4 Tilmaamaha la siiyo Tartameyasha:- 16.4.1. Xafiiskasta oo dawladeed waa inu dukumintiga tilmaamaha tartameyasha oo ka mid ah dukumintiga caadiga ah ee tartanka loo diyariyey iyo shaxda xogta tartanka oo fah-faahsan dhigo qeybta xusus dhawrka islamarkana uu siiyo tartameyasha haddi ay codsadaan. 16.4.2 Tilmaamaha tartameyasha ee ay diyariyaan xafiisyadu,waa in xafiiska dawladu hubiyo in ay qeyb-ka yahiin arrimaha hoos ku xusan:- b- Alaabta la soo iibinayo, ama shaqada dhismaha, addeega la talinta iyo addeegyada kale ee la qabanayo guud ahan, waa 23
  • 24. in lagu muujiyaa magaca xafiiska, ciwaankiisa iyo sidoo kale illaha miisaaniyada iibka. t- Waa inuu yahay mid muujinaya shuruudaha loo bahan- yahay in ay soo buxiyan tartameyashu iyo sidoo kale caddaynta diwan gelinta fadka (VAT)-ka tartameyasha wadaniga ah ee u tartamaya tartanka qiimaha lacagtiisu ka sareyo Birr 100,000.00. Sidoo kale marka ay tartameyashu yihiin tartameyal ajanabi ah in looga bahan-yahay in ay soo gudbiyan liisanka kambanigoda ee wadanka lagaga diwaan geliyey. j- Haddi dokumentiga tartanka ay ku jiraan arrimo u baahan in la cadeeyo, waa in ay la socoto faah-faahin qeexaysa sida caddaynta loo waydiisan karo, waqtiga iyo in su’aalaha loo baahan yahay in qoraal lagu soo gudbiyo. x- Qaabka loo baahan yahay inuu noqdo dukumintiga tartanka ee ay tartamayaashu soo gudbinayaan, luuqada lagu soo diyaaranaayo, arrimaha kale lagu qeexay dukumintiga caadiga ah ee tartanka iyo xogaha, nooca foomamka iyo tiradooda. kh- tartamayaashu in aanay ka qayb-qaadanayn ficilada la xidhiidha wax-isdaba-marinta iyo musuq-maasuq iyo waliba inay ixtiraamayaan shuruucda dalka itoobiya oo ay adkaynayaan foomka dhaarta ee ay saxeexooga ku balan qaadayaan oo ku lifaaqan dukumintiga tartanka iyo kuwa kale ee looga bahan yahay inay soo buuxiyaan soona saxeexaan. d- Tartamayaasha isku daya inay khal-khal galiyaan geedi socodka taratanka in laga saari doono tartanka, ka dibna ayna ka qayb-gali doonin tartanka iibka dawlada iyo in aan loo celin doonin lacagtii dammanada tartanka. r- Marka tartamayaasha looga baahan-yahay in ay keenaan muunada allaabta waxaa loo tilmaami goobta iyo waqtiga muunada la keenayo iyo sidoo kale in muunadaha loo celin doono tartamayaasha laga guuulaysto iyo in kale. 24
  • 25. s- Goobta uu yaalo sanduuqa tartanku iyo in aan la ogalaanaynin in lagu rido warqadaha gadaal ka yimaada Ka dib marka la xidho sanduuqa. Sh- Habka loo isticmaalayo qiimaynta geedi-socodka shaqo ee tartanka la meel-mariyo, shuruudaha u yaala qiimayntaasi la dhaqan-galinayo iyo shuruud kasta dhibcaha ay leedahay (ku fadhido) iyo sidoo kale marka ay laba tartame ama in ka badan ay natiijada qiimayntoodu isku mid noqoto, shuruudaha iyo qaabka lagu kala saaro, si loo oggaado tartamaha ku guulaystay tartanka. dh- Muddada dhaqan-galinta heeshiiska, in qiimo badal la samayn karo iyo in kale, iyo haddii qiime badal la ogalaado qaabka loo meel-marinayo. c- Dammanada tartanka, cadadka iyo nooca dammanada fulinta heeshiiska iyo sidoo kale cimriga dammanadahasi. g- Muddada ugu danbaysa ee la xaraynayo dukumintiga tartanka iyo goobta, maalinta iyo saacada la furayo dukumintiga tartanka. f- Mudada uu jiraayo qiimaha tartanku iyo sidoo kale goobta iyo waqtiga wax lala kala wareegayo. q- Mudnaanta gaarka ah ee loo fasaxay shirkadaha iyo wax- soo-saarka dalka guda-hiisa ee bayaanku xeeriyay. k- In dokumentiga tartanka lagu soo rido hal boqshad ama laba boqshadood, qaabka loo xidhayo boshqadaha, in ay yihiin kuwo isku mid ah, in la soo xareeyo originalka iyo koobigaba, tirada koobiyada, in dukumintiga uu saxeexay cidii awooda u lahaydi iyo in dikumintigu shaabad u baahan-yahay, iyo sidoo kale (in shahadada cusboonaysiistay, in aan cashuur lagu lahayn iyo arrimaha kale ee uu xafiisku u baahdo) qaababka loo soo gudbiyo. l- Qaab-waafaqsan arrimaha ku xusan qodobka 16, 26 ee awaamiirtan, marka ay suuro-gal tahay in horumarin la 25
  • 26. oggol yahay, in lagu caddeeyo cadadka iyo nooca dammanada ee la oggol-yahay. m- Haddii tartamayaashu ay cabasho ka qabaan qaab socodkii tartanka in ay xaq- u leeyiin in ay cabashadooda ku soo gudbiyaan qaab waafaqsan shuruudaha ku xusan cutubka afar iyo tobnaad ee bayaanka iyo qodobka 35aad iyo 47aad ee awaamiirtan. n- In xafiisku ka hor intaanu heeshiiska la galin taratamaha ku guulaystay taratnka, in cadadka qalab ee ku qoran dukumintiga tartanka inuu keeno lagu kordhin karo ama laga yarayn karo marka loo baahdo boqolkiiba labaatan(20%) isagoon wax- laga dhimin qiimihii lagu soo tartamay. 16.4.3. Mugga tilmaamaha tartamayaasha ee dukumentiga caadiga ah ee tartanka haba yaraatee wax isbadal ah laguma samayn karo. Wax- kabadalka lagu sameeyo tilmaamaha tartamayaashu waa mida la xidhiidha fah-faahinta xogaha tartanka ee ku taala shaxda. 6.5.Qeexidda Bahida Farsamo b- Xafiisyada dawlada ee badanaa fuliya (dhaqan-galiya) iibasha aadka isugu-dhafan islamarkaana u baahan kharash aad u sareeya, waxaa loo baahan-yahay in loo diyaariyo faah-faahin qeexaysa baahida farsmo sida xusan qodobka 21aad ee bayaanka. t- Iyadoo uu ku salysan-yahay rabitaanka istic-maalayaasha ayaa waxaa muhiim ah inay noqoto qeexidda baahida farsamo ee la diyaarinayo mid ku salaysan hadba noocyada iib, faa’iidadooda, qaabka shaqo, farsamo ama dabiiciga dhismo islamarkaana ayna noqonin mid xayirta tartanka iibka. j- Qeexidda baahida farsamo ee la diyaarinayo iyadoo qayb ka ah heeshiish ayaa waxay faa’iido u tahay xaqiijinta (sugida) fulinta heeshiiska. x- Qeexidda baahida farsamo ee alaabta la rabo, addeega la talineed iyo shaqada dhisme waa inay diyaariso waaxda iibka ee xafiiska iibka doonaya ama khabiirada xafiiska ee aqoonta 26
  • 27. dheeriga ah u leh iibka la doonayo in la fuliyo. Iibasha aadka isugu-dhafan ee u baahan kharash aad u sareeya, xafiisyada dawladu waxya samayn karaan in xafiisyada kale ka codsadaan ama u shaqaalaystaan khabiir u diyaariya qeexidda baahida farsamo. Kh- Marka la diyaarinayo qeexidda baahida farsamo looma baahna in lagu muujiyo (dhigo) shirkado gaara calaamadahooga qanacsi. Habase-ahaate, marka ay muuqato in ay adag tahay in la diyaariyo dalab si cad u muujinaya baahida ama iibka loo rabo qorshe gaara ama u baahan qalab dayactir ama marka allaabta ama addeega loo baahan-yahay cida samaynaysa tahay hal shirkada oo kaliya ayaa shirkada alaab soo dajinta ama addeeg bixinta magaceeda ama eray u dhigma lagu dhajin karaa iyadoo la raacinayo “iyo wixii la mid ah”. d- Waa in la hubiya qeexidda baahida farsamo ee la diyaarinayo inay tahay mid aanay ku jirin shaqooyin keni kara ama carqaldaynkara baahida hadda (eega) iyo mida mustaqbal ee xafiiska dawladda. r- Xafiiska dawladu marka uu diyaarinayo qeexidda baahida farsamo, wuxuu samayn karaa isagoo ku darsanaya mabaadi’ida nidaamka darjaynta ee u soo saaro xafiiska maaliyaddu ama tayada iyo darajaynta itoobiya ama ha’yadaha kale ee hadba nooca iibku khuseeyo. s- Waxaa loo baahan-yahay inay qeexidda baahida farsamo tahay mid u sahlaysa taratmayaasha raba inay ka qayb-qaataan tartanku inay sida ugu haboon u diyaariyaan dukumintiga tartanka oo ay qayb- ka tahay isla dokumantiga tartanka. 16.6. Foomka Tartanka iyo Shaxda soo gudbinta Qiimaha:- b- Xafiisyada dawladu dukumentiga ay u diyaariyaan tartanku waa inuu yahay dukumentiga u diyaariyay xafiiska maaliyaddu ama hadba nooca iib uu xafiisku u diyaariyay oo ay ka mid yihiin foomamka tartanka, qiimaha iyo arrimo la xidhiidha foomka ama shaxda lagu soo gudbiyo iyo dokumantiga kale ee muhiimka loo 27
  • 28. arko ee ay tahay in ay soo buuxiyaan tartamayaashu waa inay ku jiraan. t- Sida uu qabo qodob-hoosaadkan xarafkiisa “b” foomka soo gudbinta qiimaha tartanka ee xafiisyada dawladu diyaariyaan waa in hadba sida ay baahidu tahay lagu cadeeyaa qiimaha, canshuurta, iyo arrimaha kale ee soo gudbinta qiimaha la xidhiidhka. Sidoo kale, waa inuu yahay mid suura-galinaya in qiimaynta tartanku noqdo mid cad oo dhakhso badan. j- Foomka tartan ee la diyaarinayaa waa inuu yahay mid suuro- galiya sidii uu tartamahu u soo gudbin lahaa fikirkiisa ku aadan tartanka oo cad, inuu fahmay geedi socodkii tartanka, inuu ka digtoonaado arrimaha khal-khal galinaya tartanka iyo inuu tartmahu masuuliyadeeda leeyahay arimaha la xidhiidha fikirkiisa. 16.7. Shuruudaha Guud iyo kuwa Garka ah ee Heeshiiska 16.7.1. Xafiis kasta oo dawladeed dukumentiga shuruudaha guud iyo kuwa gaarka ah ee uu heeshiiska u diyaarinayaan koobiyadooda waa inuu ka dhigo qayb ka mid ah dukumentiga tartanka oo islamarkana la siiya tartamayasha. 16.7.2. Dukumentiga shuruudaha guud ee heeshiis ee tartanka caaddiga ah wax-kabadal laguma samayn karo. Shuruudaha heeshiiska ee gaarka ah laakiin hadba iibka la fulinayo noociisa iyo dabiicigiisa iyadoo lala xidhiidhinayo qodobada ku xusan shuruudaha guud ee heeshiiska habayn lagu samayn karaa. 16.7.3. Iyadoo arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.7.1 iyo 16.7.2, ay sidooda yihiin ayaa in kastoo ay kala duwanaan karto hadba sida nooca iibku yahay ee shuruudaha heeshiiska ee gaarka ah ee xafiisyada dawladu diyaariyaan, hadana waxaa muhiim ah in ay ka mid ahaadaan arrimahan hoos ku xusan: b- In la hubiyo in ay ku caddahay xilka iyo waajibaadka qandaraaslaha iyo xafiiska dawladda iyo in ay waajibaadyada xafiiska dawladda la saaray ay yihiin kuwo leh daliil sharci lana fulin karo. 28
  • 29. t- Inay ku caddahay haddba sida loogu baahdo qaabka ugu muhiimsan ee heeshiiska loo dhaqan-galin karaayo, mudada la soo gudbinaayo, sida loo lingaxayo, masuuliyada qiimo sixidda iyo lacag bixinta, guddoomitaanka iyo hawlaha hubinta, damaanad iyo wixii la mid ah qaabka loo fulinayo. 16.8 .Diyarinta Shuruudaha Qiimaynta Tartanka 16.8.1. Xafiiska dawladu waa inuu shuruudaha qiimeynta tartanka si cad ugu muujiyo qaybta kartida iyo qiimaynta ee dukumintiga caadiga ah ee tartanka. 16.8.2. Inkasto shuruudaha qiimeynta tartanku hadba sida nooca iibka yahay u kala duwanaanayaan, hadana waxaa lagama-marmana in labadan hab xulasho ee asaasiga mid ka mida lagu fuliyo:- b- In la xaddido heerka ugu horeysa ee shuruuda farsamo ee iibka laga ogol yahay kadibna tartamayaasha buuxiya heerkaasi looga baahnaa laga dhex-xusho tartamaha soo gudbiyey qiimaha ugu hooseya, ama t- In shuruudo go’aamin kara faa’iidada dhaqaale iyo waxtar ee iibka iyo waliba iyadoo siday shuruudahaasi u kala miisaan culus yihiin si cad loogu muujiyo dukumantiga tartanka, in qiimayn ku salaysan shuruudahaasi la sameeyo oo tartamaha ugu dhibca sareeya la xusho. 16.8.3. qodob-hoosadka qodobka 16.8.2 ee kor ku xusan qaabka lagu qeexay in qiimeyn lagu sameyo shuruudaha loo doortey inay xaddidaan iibku inuu wax tarka ugu sareeya keeno iyadoo ay tahay inay xaqiiqo ku salysanaadaan oo lacag ahaanna lagu muujin karo, ayaa waxaa loo baahan yahay inay ku salaysanaadaan arrimaha hoos ku xusan ku: b- Marka iibku yahay mid caddi ah ama alaab keenid heerkeeda la garanayo, inuu yahay mid xafiiska faa’iido u leh oo shuruudo gaara ah oo tartamayaasha dhexdooda kala duwanaan ka dhalin kara laga keeni karo iyo in kale, ama t- Xafiiska dawladu shuruuda u hooseysa ee uu u dhigay ka sokow shuruudaha laga keeni karo in faa’iido dheeri ah laga 29
  • 30. helayo iyo in aan laga helayn ama shuruudaha dheerigu waxtar xafiisku ka helayo heerka ugu hooseeya iyo kan ugu sareeya, j- In alaabta la iibsanayo aan loo samayn heerar (standard) oo si faa’iido looga helo in alaabo u dhaw qeexidda farsamo ay jiraan iyo in kale, x- Iyado allaabtu tahay mid muddo dheer lagu shaqaysan karo marka ilihii alaabta laga heli jiray kala duwanaansho ka jiro awgeed ay kharash dheeri ah u baahan tahay in siyaabo kale loo isticmaalo, loo xafido isla markaasina looga takhaluso. 16.8.4- Xafiiska dawladu dukumintiga ay soo gudbiyaan tartamayaashu marka lagu qiimeyo qaab wafaqsan shuruudahan ku xusan qodob- hoosadka 16.8 ee la oggado qandaraslaha ku guleystay, haddi xafiisku aaminsan yahay in loo bahan - yahay in qiimeeyo lagu xqiijiyo kartida tartamaha guulaystay ee wakhtiga la joogo waa in shuruudaha qiimayntu ay ahaadaan ku marka horeba ku caddaa dokumantiga tartanka. 16.8.5 -Sida ku xusan qodob-hoosadka 16.8.3 shuruudaha loo xusho in loo adeegsado tartansiinta waa in la xaqiijiyo inay yihiin kuwo gacan ka geysan kara go’aaminta fa’iidada ay keneyso allabtu ama addeegu, waa in sida ay ugu kala muhiimsan yihiin samaynta ay ku leeyhiin go’aaminta fa’iidada iibku keenayo miisaankooda loo kala cusleeyo. 16.8.6- Habka hirgelinta qiimeynta loo addeegsado fulinta iibka adeegu iyadoo ay tahay mida ku xusan qodob-hoosadka qodobkan 16.8.2 xarafkiisa (t) ayaa waxa loo baahan yahay in dhibcaha qiimaha la siinayo aanay ka hooseyn (50%) ka mid ah dhibcaha guud. 16.9- Go’aminta Muddada Tartanku U Furnanayo Tartamayasha 16.9.1- Xafiiska dawladu marka uu diyaarinayo dukumintiga tartanka wuxu go’aamiyaa malinta ugu danbeysa ee la soo xareynayo dukumintiga tartanka isago ka duulaya arrimahan hoos-ku xusan:- b- Muddada ay qadan karto in tartamayashu helan dukumintiga tartanka, lagu diyarinayo dukuminti la aqbali karo, xog lagu uruursan karo, lagu fah-faahin karo, haddi loo baahdo isgarbsi lagu samaysan karo, lagu heli karo wakiilnimada alaab soo 30
  • 31. saaraha iyo caddaynta wakiilashada awooda seexeexa iyo waliba shuruudaha hore ee looga baahan yahay ka qayb- qaadashada tartanka muddada lagu diyarin. t. Marka tartanku yahay tartanka furan ee heer caalami, muddada lagu soo gaadhsiinayo dukumintiga tartanka goobta lagu xareynayo, x. Marka tartanku yahay iibka shaqooyinka dhismaha, muddada soo xaqiijinta goobta dhismaha iyo tartanka ka hor mudada ay qadanayso kawada xajoodka u diyaargarawga tartanka. 16.9.2. Iyaddo ay sidooda yahiin ama arrimaha ku xusan qodob-hoosadka qodobka (16.9.1) muddada tartanku furan yahay ee lagu xareyn kara waa in ayna ka yaran/yaranin muddada lagu xusey lifaqa tirsigisu-yahay 3 ee la socda ama ku lifaqan awaamiirtan. 16.10.Iibka Dukumintiga Tartanka 16.10.1. Tartan kasta dukumintiga tartan ee la diyariyey qiimaha lagu iibiyo waxa go’aamin dona xafiisyada dawlada iyagoka duulaya arimaha lagu xeeriyey qodobka 30aad ee bayanka ee hoos-ku xusan. b. Qiimaha iibka dukumintiga tartanku wa inaanu noqon mid xafiisyada dawladu ka dhigaan in tartameyal badani aanay helin. t. Xafiisyada dawladu marka ay go’aminayan qiimaha dukumintiga tartanka waxa loo bahan yahay in uuna noqonin mid fa’iido laga rabo ee uu noqoto mid looga danleyahay in uu daboolo kharashkii ku baxay diyarinta dukumintiga oo kaliya. 16.10.2. Xafiisyada dawladu iyago maanka ku haya arrimaha hoos-ku xusan, ayay hadba sida loogu bahdo bilash ku siin dukumintiga tartanka ama amar ku bixin in lagu iibiyo qiimo ka hooseya kharashkii ku baxay diyaarinta dukumintiga: b. Marka loo maleyo in aanay jirin tartameyaal badani, t. Marka xafiisku aaminsan-yahay in kharashka ku baxay diyaarinta dukumintiga tartanku aad u yar yahay, 31
  • 32. j. Marka xafiisku aamino in kharashka ku baxay diyarinta dukumintigu yahay mid aad u sareeya oo hadii tartamayaashu kharashka oo dhan ha bixiyaan la yidhahdo ay keeni karto inuu yarado ka qayb-galka tartameyashu, x. Marka xafiisku aamino in tartanka dib loogu noqdo isla markaana tartameyashi hore u iibsadey dukumintiga tartanka si ay uga qeyb-galaan tartanka aanay haboonayn in ay marlabad iibsadan. 16.10.3. Dukumintiga tartanku laga bilabo maalintii la soo bandhigay tartanka illa maalinta ugu danbeysa ee la xidhayo, waa in maal-maha shaqo ee u dhaxeeya muddadas ay tartameyashu heli karan isago u diyarsan qaabkii loogu tilmaamay oggaysiska. 16.11. Qaabka soo gudbinta Muunadda 16.11.1- Marka aanay suro-gal ahayn diyarinta qeexidda baahida farsamo ama qeexidda baahida farsamo ee la diyariyay la aaminsan yahay in iibku kaga fa’iido badan yahay in loo sameeyo muunado dheeriya, xafiiska dawladu wuxuu samayn kara in muunad dheeriya loo soo gudbiyo ama loo soo dhaweeyo. 16.11.2. Xafiiska dawladdu marka uu isaga laftikiisu soo bandhigo muunad islamarkana uu rabo in tartameyashu keenan muunad la mida tan la tusay: b. Muunada xafiiska dawladdu soo bandhigay ma’aha in ay noqoto mid la xidhidha hal qandarasle ama ayna noqon allaab lagu sameeyay calamad ganacsi. Sidoo kale, ay noqdaan sida ugu suro-galsan muunado la qaadan karo oo la soo bandhigi karo loona sheego tartamayaasha inay keeni karaan.muunadahasi kuwa la mid ah iyo kuwo tayo ahaan iyo nooc ahanba u dhaw. t. Waxa loo bahan-yahay in la hubiyo in muunadaha la dhigey meel si fiican/si cad/tartamayashu uga arki karaan iyo in loo diyariyey khabiir sharaxaad ka bixiya munadahaaasi, hadii loo bahdo. j. Munadaha tartameyasha loo bandhigey kasokow xafiisku hadii uu rabo inuu diyariyo qeexidda bahida farsamo, waxa haboon in 32
  • 33. qeexidda la diyarinayo noqdo mid illa xad, muujinaysa dabiiciga farsamo oo la mid ah munadahii loo soo bandhigey tartamayasha. 16.11.3. Marka la rabo in tartamayashu soo gudbiyan munadahii loogu xusey qeexidda bahida farsamo. b. Tartamayaasha waxa loo bahan yahay in si cad loo wargaliyo nooca, muddada iyo qaabka, munadaha ay keenayaan. t. In kasto ay tahay in muunadaha laga hor keeno/gudbiyo tartanka hadana marka ay dhacdo in isagoo soo direy tartamuhu lakiin arrimo isgadhsineed awgeed uu dib uga dhacey muddada la soo gudbin laha, xafiisku wuxu siin kara muddo kale oo uu ku soo bandhigo munadaha marka uu garawsado in ayna wax u dhimaynin meel-marinta iibka. 16.11.4. Qandarasleyashu marka ayna muuqal ahaan keeni karin muunada ee xafiiska dawladduna ka aqballo sababta ay u keeni kari waayeen, xafiisku wuxuu ogolaan karaa in ay u soo gudbiyaan xogaha ku saabsan muunadahaasi. Taasi oo ay ka mid noqon karaan sawirada munadaha ama inta qayb-ahaan laga hayo munadaha. Habase - ahaate, waxa qaabkan oo kale la fulin karaa marka la hubiyo in aanu wax-isbadela ku keenayn xulashada tartamaha ugu roon oo aanu sidoo kale tartamayasha dhexdooda kala duwanaansho ku keenaynin. 16.11.5. Xafiiska dawladda waxay masuuliyadi ka saran tahay inuu si taxader leh u xafiido una hubiyo muunadaha ay keenaan tartamayaashu. Hase-ahaato e munadaha tartamayaashu keenaan muddada baadhitanka ay ku jiran haddii ay sababo la xidhiidha xaga dabiiciga alaabta awgeed u lumaan ama ay xumaadan malaha wax-magdhaw ah. Muunadaha aan lumin ama xumaanin badhitanku markuu dhamaado waxaa loo celin tartamihii laha. Tartamayaashu haddi aanay ku qaadan muunadahooga ay soo bandhigeen laga bilabo malinta la furo tartanka ilaa muddo lix- billood ah gudaheed waxa inta lala wareego ayaa dawladdaloo xarayni. 16.11.6. Haddi aanu xafiiska dawladdu go’aan kale gaadhin, muunadda tartamaha guuleysta waa inay taalo illa inta uu dhamanayo iibku maadaaama loo bahan yahay in la isbarbar dhigo munadaha iyo allaabta muddada wareejinta allabta. 33
  • 34. 16.12. Fah-faahinta ama Wax-ka Bedelka Lagu Sameeyo Dukumintiga Tartanka 16.12.1. Sida ku xusan qodobka 31aad ee bayaanka, xafiisyada dawladu waa in ay fah-faahin ka bixiyan su’alaha ay tartamayashu ka waydiyan dukumintiga tartanka ee ay xafiisyadu diyariyan. 16.12.2. Iyagoo ay jiran arrimaha ku xusan qodob-hoosadka qodobkani ee 16.12.1, su’alaha fah-faahinta ama wax-kabadelka la xidhiidha ee an buxinin arrimaha hoos-ku xusan xafiisku kuma qasbana inuu jawaab ka bixiyo: b. Sida ku xusan awaamirtan iibka aadka is ku-dhafan ee dalka gudahiisa lagu qabanayo muddada ugu yar ee tartankiisu tartameyasha u furnaanayo ay tahay 30 malmood, marka ay muddadii lagu xareynayey in ka yar 10 maalmood ka hadhsan tahay su’aalaha la soo gudbiyo, t. su’alaha la soo jeediyo marka ay ka hadho 21-malmood muddadii lagu xareynayey dukumintiga tartanka furan ee heer caalami. j. su’alaha la soo jeediyo marka ay ka hadho 5 malmood muddadii lagu xareynayey dukumintiga tartanka marka uu iibku yahay mid fudud oo muddada ugu yar ee tartameyasha u tartanku u furnaanayona ay tahay 15 malmood. 16.12.3. Su’alaha fah-faahinta u baahan ee ay soo jeedinayan tartamayashu jawaabta laga bixinayo iyadoo ah qoraal ayaa iyadon la xusin cidda soo jeedisey si iskumida loogu diri dhamman tartamayaasha ka qayb-galaya tartanka. 16.12.4. Xafiisyada dawladu iyagoo ka duulaya su’alaha u bahan fah- faahinta ama wax-ka badelka ee ay tartamayashu u soo jeediyeen ayay markay u arkaan inay muuhiim tahay ku sameyn fah-faahin ama wax-ka badel dukumintiga tartanka ee xafiisku horey u diyariyey. Wax-ka badel kasta oo mugga dukumintiga tartanka wax-ka badelaya iyagoo laga dhigayo qayb labaad oo ka mid ah dukumantiga tartanka, ayaa waxaa baahan yahay in wakhti isku mid ah la gaadhsiiyo dhamman tartameyashii horey u iibsadey dukumintiga tartanka. 34
  • 35. 16.12.5- Xafiisyada dawladu marka ay dukumintiga tartanka wax-ka badel ku sameeyan, sida ku xusan qodob-hoosadka qodobkan ee 16.12.9, islamarkana tartameyasha ayna muddada tartanka ka hadhey ka gaadhsiin karin inay ku soo daran wax-ka badelka, ayaa xafiisku muddo dheeraad ah ku dari maalmaha tartanka lagu soo xareynayo. 16.12.6- Xafiiska dawladdu wuxu sameyn kara marka uu arko in ay muhiim tahay in loo yeedho islamarkana fah-faahin laga siiyo tartamaysha iibsadey dukumintiga tartanka ee xafiisku diyariyey. Intaasi kadibna doodaha laga yeesho arintaaasi waa looga baahan yahay in la qoro oo laxafiido hadal-qoraalka (shiir qoraleedka). 16.12.7- Si ay tartameyasha soo buuxinaya dukumintiga tartanka ugu suura- gasho in ay ku soo buuxiyaan dukumintiga fah-faahinta ama wax-ka badelka laga ogolaaday waxaa loo bahan-yahay in ay helaan koobiga dukumintiga wax-ka badelka iyo fah-faahinta lagu sameyey markii shirka wada-hadalka la yeeshay lagu jirey. 16.13. Luuqada Tartanka:- 16.13.1- Sida ku xusay qodobka 19aad ee bayanka waa in luuqada lagu diyarinayo oggaysiiska tartanka, dukumintiga tartanka iyo guud ahaan luuqada tartanku ahaato:- b- Marka ka qeyb-galasha tartanka yihiin dhamantood qandarasleyal wadaniya luuqada tartanku waxay noqonaysaa af Soomaali, habase-ahaate, marka uu xafiisku u arko in hadii ingriis laga dhigo ay fa’iido badan leedahay islmarkana tartameyal badani ka soo qeyb-galidoonan, waxa lagu diyaarin oggeysiiska tartanlka, dukumintiga tartanka iyo guud ahaan geedi socodka tartanka luuqada afka Ingriiska. t- Dukumintiga tartanka furan ee heer caalami waxa lagu diyarin afka ingiriiska. 16.13.2- Marka sida kor ku xusan tartamayasha dukumintigooda tartanka iyo cadeymahooda kale ku diyariyey luqad ka baxsan luqadii loogu talagaley in lagu buuxiyo dukumintiga tartanka, waxa looga baahan yahay gaar ahaan dokumantiga mugga aassaasiga ee tartanka wax ka badali karaya inay tarjume sharciyad leh kasoo tarjumaan oo ay sso gudbiyaan iyagoo ku soo lifaaqaya asalkooda. 35
  • 36. 16.13.3- xafiiska dawladu marka uu xaqiijiyo inuu dokumantiga tartamuhu keenay faraqi weyn oo asaaasi ahi u dhaxeeyo dukumintiga tartanka lagu diyariyey iyo mic-naha luqada lagu soo turjumey islamarkana uu aamino in uu dukumintiga ku keeni karo faraq weyn oo wax-ka badela mugga dukumintiga, wuxuu ka saari karaa dukumintigaasi tartanka. 16.14. Qiimaha Tartanka iyo Wax-ka Badelka Qiimaha:- 16.14.1- Xafiiska dawligi waa inuu xaqiijiyo in qiimayasha tartanka ee tartamayaashu soo buuxiyeen uuna aheyn mid ku saleysan qiimaha qandarasle kale oo ay yihiin kuwo aan waxba iska badaleyn muddada tartanka iyo dhaqan-gelinta heeshiiskaba. 16.14.2- Iyadoo ay jiraan arrimaha ku xusan qodob-hoosadka qodobkani 16.14.1, marka xafiiska dawladdu ogaaddo in ay jiraan xaladaha hoos-ku xusan 12 bilood kadib maalinta uu dhaqan-galey heeshiiska shaqooyinka dhismaha iyo 3 bilood kabib marka uu hirgaley iibka heeshiis-duleedka ee wadajirka loo dhaqan-galinayo, in qiima bedel ama hagajin (sixid0 la samayn karo waa in dukumantiga tartanka lagu caddeeyo. b- Marka la hubiyo in dhameystirka heeshiiska shaqooyinka dhismaha u hadhan tahay muddo 12 bilooda iyo dhameystirka wajibaadyada heeshiis-duleedka ay u dhiman tahay muddo lix bilooda, t- Marka ay xafiiska maaliyaddu u bixiyo macluumad lagu bilaabi karo in qiimo sixid ama qiimo badel lagu sameeyo heeshiis- duleedka iibka wadjirka lagu fuliyo. j- Unuga loo xushay in qiimo sixid lagu sameyo waa in la hubiyo in xafiiska maaliyaddu uu soo gudbiyey xogo muujinaya xalada qiimahaa ama xogaha la xidhiidha qiimaha. x- Iyadoo ay jiran arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.4.2. xarafkiisa (j) unugyada uu xafiiska maaliyaddu ku guuldareysato in uu ka bixiyo xogo la xidhiidha qiimaha wakhtiga xaadirka ah, xafiiska dawladu marka uu aamino in la sameyo qiimo sixid wuxuu sameyn unugyada la rabo in qiimo badel lagu sameyo xog la xidhiidha qiimaha inuu ka heelo hayadaha wax-soo sarka ee wadaniga ama hayada sharciga ah ee dibeda (ajnabiya). 36
  • 37. 16.14.3- Qiimo Sixid lagu Sameyo Iibka Shaqooyinka Dhismaha:- Iyagoo arrimaha lagu xusey qodob-hoosaadka 16.14.2, ay sidooda yihiin, qiima sixid kasta oo la xidhiidha iibka shaqooyinka dhismaha waa in ay noqdaan kuwo ku saleysan nidaamyada shaqo ee hoos-ku xusan islamarkana lagu saleyo jaangoynta lagu xuso dukumintiga tartanka caadiga. b- In shaqooyinka dhismaha ee ugu waaweyn loo dhameystiro qalabka ay u bahan-yahiin si gaarana loogu dhigo alaabteeda shaqo kasta oo dhisme. t- In la oggado shaqooyinka waaweyn ee ay hoosyimadan shaqooyinka yar yar ee uu bahan allabaha kala duwani kalinta ay ku leeyahiin guud ahaan shaqooyinka wax-qabadka dhismaha kadibna la go’aamiyo midka qiimo sixida lagu sameyn karo iyo kuwa kale ee aan lagu samayn karin. j- Ka hor intaan la xidhin tartanka qiimahooda lagu sheegayo ayaa billow ahaan loo qaadan qaab ku saleysan jangoynta qiime sixida. x- Marka dalabka qiimo sixidu ku soo gudbo qaab-waafaqsan arrimaha lagu xeeriyey qodob-hoosadka 16.10.2, siiba iibka shaqooyinka dhismaha qiimo badelka waxa lagu saleyn qiimaha wakhtigan xadirka lagu shaqeeyo islamarkana waxa la wafajini jan-goyntii hore. 16.14.4- Qiimo Sixida Lagu Sameeyo Iibka Heeshiis-duleedkaka Lagu Fuliyo:- Xafiisyada dawladu qiimo sixida ay ku sameynayaan iibka heeshiis- duleedkaka lagu fuliyo waa inuu noqdo mid u dhaca qaabkan hoos- xusan:- b- Wax-qabadka qiimo sixida lagu sameynaya waa in ay yihiin kuwa u xafiiska maaliyaddu ka soo gudbiyo xogaha qiimaha wakhtiga xaadirka oo kaliya. 37
  • 38. t- Qaab-waafaqsan meel-marinta iibka heeshiis-duleedka dalabka loo sameyo qiimo sixidu waa in uu noqdo 30 maalmood kadib marka uu dhaqan-galo heeshiis-duleedku. j- Allaabta qiimo sixida lagu sameynayo ama addeega waa in lagu xuso heeshiiska dhexdiisa maalinta la furey tartanka qiimaha xafiiska maaliyaddu soo saaray inta uu taagna iyo muddada uu jirayo heeshiis-duleedka inta jeer ee qiima sixitanka lagu sameynayo waa in heshiiska lagu qoraa. x- Xafiiska dawladu qaabka heeshiiska ku cad iyo qiimahii dhaqan- galka ahaa maalinkii tartanka la furey iyo qiimaha hadda lagu haw-galo, inta uu eego farqiga u dhaxeya kii u xafiiska maaliyaddu goyyey, ayuu farqiga ku kordhin ama ka dhimi qiimaha qandarasleyasha islamarkana uu meel-marin in lagu dhaqmo qiimo sixida la sameeyey illa inta laga gadhayo muddada danbee ee qiimo sixida la sameynayo. kh- Haddii sidu heeshiiskoodu dhigayay ay ahayd wakhtigii loo bahna inuu qandarasluhu ku keeno in qiimo sixid loogu sameynayo shaqooyinka ama allaabaha uu dib uga dhacayo isla markaasina alaabtu timaado mar dambe, waxa qiima sixida loo samaynayaa ay noqon mid ku saleysan qiimahii tagna muddadii loo bahna in ay alaabtu timaado oo kaliya. 16.14.5-Qiimo Sixida Loo Sameeyo Iibka Addeega La Talinta:- b- Muddada dhaqan-galinta heeshiiska addeega la talinta marka la oggado in dib u dhaca heeshiiska ku yimid ayna ahayn khalad la taliyuhu sababtisa leeyahay islamarka xafiisku aamiino in la taliyuhu xaq u leeyahay in loo sameeyo qiimo sixid waa loo samayn kara qiimo sixidaas. t- Iyadoo ay jiran arrimaha lagu xusey qodob-hoosadka 16.14.5 xarafkiisa (b) qiimo sixida loo sameeyo la taliyeyashu kama badnan karto boqolkiiba shan iyo toban (15%) qiimaha guud ee lagu heeshiiyey. 16.14.6- Allaabaha iyo addeegyada uu xafiisku rabo in qiimo sixid lagu sameyo waxa loo bahan- yahay in iibka ay ka mid yahiin marka loo 38
  • 39. diyaarinayo dukumintiga tartanka lagu xuso-in ay qayb-ka noqdan arrimaha hoos-ku xusan iyo kuwa kale muhiimada u lehba: b- Si loo hirgeliyo qiimo sixida nooca cadeymaha looga bahan- yahay tartamayashu ay soo raaciyan dukumintiga tartanka, t- Dalabka qiimo sixidu xaladaha lagu soo gudbin karo, qaabka loo soo dhaweenayo iyo nooca iyo tirada cadaymaha la soo raacinayo dalabka qiimo sixida. j- Xogaha iyo cadaymaha kale ee la amiinsan-yahay in ay fa’iido uu leeyihiin dhaqan-gelinta qiimo sixida iyo sido kale nidamyada shaqo ee loo bahan-yahay in ay raacan qandarasleyashu. 16.14.7- Xafiisyada dawladu waa in ay hubiyan muddada qiimeynta tartanka in ay qandaraslayashu aqbaleen shuruudahii uu yalay ujeedooyinka qiimo sixida iyo in la qaadan karo cadaymaha ay soo gudbiyeen. 16.14.8- xafiiska dawladda iyo tartamaha ku guleystay tartanka waxa looga bahan-yahay in heeshiiska dhexmaridona ay si cad uga mid noqdan, arrimaha hoos-ku xusan iyo arrimaha kale ee loo arko in ay muhiim. b- Iyagoo ka fa’iidaysanaya shaqooyinka qiimo sixida loo samaynayo ayey allabaha la sameeyo iyo tafasisha addeegayada la qabtay iyo dhaqan-galinta qiimo sixida ay mujini, t- dhaqan-galinta qiimo sixida waa in xafiiska dawlada iyo qandarasluhu muujiyan nooca dukumintiga ay ku heeshiiyeen iyo meesha uu ka soo jeedo. j- Cadaymaha loo soo gudbiyo qiimo sixidu waa in ay noqdaan kuwa ku xusan/wafaqsan/heeshiiska iyo in an la aqbali karin cadaymo ka yimada ila kale. x- Qandarasluhu marka uu ku gul-daraysto inuu fuliyo/qabto shaqadii heeshiiska lagula-galay wakhtigeed ama uu keeni waayo allabtii laga filayay qiimo korodhka ka yimad arrintasi looma samayn karo qiimo sixid. 16.14.9- Geedi socoidka meel-marinta qiimo sixida faraqa ku yimada sababaha sixitanka shaqooyinka dhismaha guud ahaan marka uu qiimuhu 39
  • 40. ka badan-yahay heeshiiska boqolkiiba shan iyo labaatan (25%), ayaa inta uu aqbalo qiimo bedelkas uu samayn inuu iibku socdo madamo loo arko in ay leedahay fa’iido dhaqaale oo la wargelin madaxa xafiiska si uu go’aanka ku haboon uga qaato. 16.14.10- Xafiiska dawladu iib kastoo la ogol yahay in loo sameyay qiimo sixid dalabka qiimo sixidu xittaa haddii aanu ka iimanin allaab keenaha (qandaslaha) marka ay u timado dalabka codsiga lacagtu wuxuu badhitaan ku sameyn in ay jirto qiimo dhac ku yimid shaqooyinka heeshiiska loogu oggaladay in loo sameeyo qiimo sixid islamarka uu ka jari haddii ay jirto hoos u dhac-xaga qiimaha intu xisaabiyo kadib bixin baaqiga marka uu ka gooyo dalabka lacagta. 16.15-Muddada Uu Sharciyan Jirayo Dukumintiga Tartanku:- 16.15.1- Xafiiska dawladu waa in uu dukumintiga tartanka si taxadar leh ugu qeexo muddada uu jirayo dukumintiga tartanka. Qiimaha tartanka ama dukumintiga tartanku muddada uu jirayo iyadoo ay ku xidhan tahay hadba nooca iibka, ayaa waxa loo bahan-yahay inuu xafiisku ku xisaabtamo arrimahan hoos-ku xusan marka uu ugo’aaminayo muddada: b- Isku-dhafnaanta iibka iyo meel-marinta tartanka muddada ay qaadan karto t- Tirada tartamayasha ka soo qayb-gali kara tartanka. j- Khibradda xafiiska dawladu u leeyahay qiimaynta iibabka noocan oo kale ah. x- Iibka xaaladaha is- badbadal ee ka jira qiimaha suuqa 16.15.2, Muddada uu jirayo qiimaha tartanka ee ku xusan qodab-hoosadka 16.15.1 waxaa loo bahan-yahay inuu xafiisku ku xisaabtamo muddada ay qaadan karto in lagu dhammeeyo qiimaynta iibka, guddiga ansixinta muddada uu ku ansixiyo iibka, mudada cabashooyinka lagu dhamaystiayo iyo illaa cidda ku guulaysatay taranka heshiisaka lalagalayo mudada ay qaadan karto. 16.15.3, Haddii xafiisku aanu aaminin (aqbalin) in ay waqti badan ahaato muddada iibsiga dukumintiga tartanku sida ku xusan qodob-hoosadka 16.15.1 muddada tartanku uu jiri karaa waa inayna ka badanin toban (10) cisho laga bilabo maalinka tartanka la furayo. 40
  • 41. 16.15.4, Xafiisyda dawladu waa in ay muddada qiimaha tartanka iibku socdo ay ku dhameystiran geedi socodka oo ay heeshiiska la galaan cidda (shirkada) ku guuleysatey tartanka. Habase-ahaate marka ay jiran sababo mac-quul ah oo kalifaya iyadoo aanu dhamaanin hawlahii iibku inuu dhamado wakhtigii qiimaha tartanku islamarkana xafiisku ku qanacsan yahay arrinta tartamaysha waxey ka codsan karan in la siiyo muddo dheeriya oo uu jiro qiimahooda tartanka. 16.15.5, Sida ku xusan qodob-hoosadka 16.15.4 codsiga muddada dheeriga ee tartamayaasha laga dalbayo waa in aanu ka badanin muddo lagu dhameystiri karo shaqooyinka ama hawlaha geedisocodaka iibka u hadhey oo kaliya. Habase-ahaate hadii qandarasleyaashu aanay raali ka aheyn in ay kordhiyaan muddada qiimahooda tartanka jirayo waa in laga saaro tartanka iyadoon lagala wareegin damaanada tartanka. 16.15.6, Tartamaysha oggolaada inay muddada kordhin ku sameeyaan qiimahooda tartanka waa inay qoraal ku soo gudbiyaan oggolaanshooda iyo muddada ay kordhiyeenba. Sidoo kale waxa looga baahan yahay in ay muddo kordhin ku sameeyan damaanadda tartanka ama ay keenaan mid cusub. 16.15.7, Sida ku xusan qodob-hoosadka 16.15.6 qandarslaha aan muddo kordhin ku sameyn damaanadaa tartanka, waa in loo arko tartame aan raali ka ahayn inuu muddo kodhin ku sameeyo muddada qiimihiisa tartanku u jirayo oo laga saaro tartanka. 16.16. Dammanadda Tartanka:- 16.16.1, Waxan ka ahayn iibka addeega la talinta, xafiisyada dawladu waa in ay go’aamiyan dammanadda tartanka oo ay ku caddeeyaan dokumantiga tartanka marka ay isticmaalayaan nooca iibka tartanka furan ama iibka tartanka xaddiidan ama iibka tartanka laba – meertada ah. Sidoo kale, haddii xafiiska dawladdu sababo jira awgeed u aamino in loo baahan yahay wuxu waydiisan karaa tartamayaasha iibka addeega la talinta inay keenaan dammanadda tartanka. 16.16.2, Xafiiska dawladu isagoo ka duulaya cadadka qiimaha guud ee iibka waa inuu lacag u dhiganta ugu yaraan 0.5% ugu badnaanna 2% oo ah damaanadda tartanka intuu u xaddido ku caddeeyo oggaysiiska iyo 41
  • 42. dukumintiga tartanka. Damaanadda tartanka ee sidaasi oo kale loo xaddidayo waa in aanay Birr 500,000.00 ka badan. 16.16.3, Sida ku xusan qodob-hoosadka 16.16.2 waxa loo bahan yahay in xafiisyada dawladu ku xisaabtamaan arrimaha hoos ku xusan marka ay go’aaminayaan ama xaddidayaan dammanada tartanka: b- Allaabta ama addeega la iibinayo oo xaalada qiimahooga is bad- badelkiisu aad u sareeya t- Inay ay jiraan tartamayaal ku filan oo tartanka ka qayb galaya, j- Dammanadda dheeriga ah ee la waydiinayo aanay ku ahayn caqabad ka soo qaygalkooda tartanka, x- Ay ku dhiiri-gelineyso tartamaha ku guuleysta tartanku inuu raali ka noqdo saxeexida heeshiiska, kh- Inay tahay dammanaddu mid dabooli karta waxyeelda xafiska uga iman karta haddii tartamaha tartanka u saxeexi waayo heshiiska. 16.16.4, Nooca dammanadda tartanka hadba sida u rabo tartamuhu waxay noqon kartaa lacag ahaan, letter of cridit uu xaqijiyay bangi, jeegga lacag bixinta oo uu leeyahay Bangui caan ah ama damaanad Bangi.. 16.16.5, Iagoo arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.16.4 ay sidooda yihiin, qandarasleyasha wadaniga ah ku hawlgala shaqooyinka dhismaha waxa laga oglaan karaa dammanad ku xidan shuruud haddi ay ka keenaan caymiska inay u noqoto dammanada tartanka. 16.16.6, Muddada sharciyan ay jirayso dammanada tartanka ee ay soo gudbiyaaan qandarasleyashu waa in ay noqoto mid ka danbeysa malinta ugu dambaysa muddada uu jiritaan qiimaha tartanka 28 cisho. 16.16.7, Dammanada tartanka ee ay qandarasleyal ajnabi ahi ku soo gudbiyaan bangi dibadeed oo ka baxsan Itoobiya, waa inay noqoto mid ay ansixiyeen bangiyada dalku oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn. 16.16.8, Qandaraasleyaasha ka baaqsada inay hirgeliyaan arrimaha hoos-ku xusan, xafiiska dawladu wuxu kala wareegi kara dammanadda tartanka ee uu ka hayay. 42
  • 43. b- Qandaraaslaha iski uga baxa tartanka marka ay dhamato muddadii ugu danbeysey ee lagu soo xareynayey dukumintiga tartanku ama muddadii lagu cadeeyey dukumintiga tartanka in sharciyan uu u jiro qiimaha tartanku, t- Tartamaha isagoo ku guuleystey tartanka oggolaan waaya inuu heeshiiska seexiixo iyo inuu soo gudbiyo dammanada hir-gelinta heeshiiska ee laga dalbay. 16.17- Guddoonka (Qabashada) Dukumintiga Tartanka:- 16.17.1, Xafiisyada dawladu waa inay u diyaariyaan sanduuq ay tartameyaashu ku ridaan dukumintiga tartanka. Waxa loo bahan yahay Inc. san-duuqua yaallo goobtii lagu qeexay dukumintiga tartanka oo uu furnaado illaa sacada ugu danbeysa ee loogu tallagalay in la xareeyo dukumintiga tartanka. 16.17.2, Iyadoo ay tahay waajib illalinta iyo xafidaada sanduuqu ayaa hadana loo bahan-yahay illa maalinta la furayo inuu hayo furaha sanduuqa madaxa waaxda iibka ee xafiisku. 16.17.3, Illa inta ay suuro-gal tahay waa in dukuminti kasta oo la xidhiidha tartanka lagu rido sanduuqa loo diyaariyay dukumintiga tartanka. Sidoo kale, waxa loo bahan yahay in xafiisku hal qof oo sháqaale ah ku meeleeyo sanduuqa laga bilaabo maalinta tartanku bilaabmo si dukumintiga tartanka ee la galin kariwaayo sanduuqa uu u gudoomo. 16.17.4, Sida kusan qodob-hoosadka 16.17.3 dukumintiga tartanka ee uu xafiisku guddoomo (qabto) waa in uu bixiya cadayn mujinaysa inuu gudoomay dukumintigaasi. Sidoo kale, masuulka loo xilsaaray waa inuu xaqiijo ammaanka dukumintiga tartanka ee sidaasi oo kale loo gudoomay. 16.17.5, Dukumintiyada tartanka ee la soo gudbiyo marka ay dhamato malinti iyo sacadii loogu talagalay in lagu soo xareeyo dukumintiga tartanka waa in islamarkaaba iyadon la furin loo celiya tartamaha isla leh. 16.18- Furitaanka Tartanka 16.18.1, Tartanka waxaa si cad loogu furi goobta, maalinta, iyo saacadda lagu tliimaamay/xusay/ oggaysiiska tartanka ama haddii wax-ka badel 43
  • 44. lagu sameyay qaabka lagu xusey dukumintigaasi in loo furayo. Marka la furayana:- b- Waa inay joogaan tartamayaashu ama wakiiladooda sharciyeed. Habase-ahaate, hadii tartamuhu uu rabitankisa uga maqnaado marka la furayo dokumantiga tartanka looma xanibnaanayo, t- Haddii aanay khal-khalinaynin geedi socodka ama aanay goobtu yaraanin, waxa loo oggol-yahay in ay ka soo qeyb-galan laamaha warbaahinta wakiiladoodu ama ciddii kale ee dooneysa in ay goob-joog ka noqota. j- Haddii ay suro-gal tahay waa inuu wakiilka hantidhawrka guduhu gob.-joog ka ahaado furitaanka. x- Maalinta furitanka dokumantiga tartanka waa ugu yaraan 3 khabiir oo ka tirsan waaxda shaqada iibka ka soo qeyb-galan. Sidoo kale, waxa ka soo qeyb-gali kara geedi socodka furitanka tartanka khabiirada ka hawl-gala qaybaha iibka iska leh. 16.18.2, Hadii uu yahay tartanku mid hal boshqad in lagu soo rido la dalbadey xafiisyadu inta ay furaan dukumintiga tartanka ee uu soo gudbiyey tartame kasta waa inay kor ugu dhawaqaan magaca, qiimaha uu ku soo tartamey, xaaladood iyo cadadka uu qiimaha hoos u dhigey, nooca iyo cadadka dammanada tartanka iyo dhamman arrimaha kale ee tilmaanta ka bixinaya heerka uu tartame kasta kaga jiro tartanka. 16.18.3- Haddii Tartanku yahay mid la Amray in Labo Buqshadood Lagu soo Gudbiyo. b- Furitanka tartanka waxa la furi buqshada ay ku jiraan dukumintiga farsamo oo kor loogu dhawaaqi magaca tartamaha iyo arrimaha kale ee loo baahan yahay in caddeeyo. t- Dhamman buqshadaha ay ku jiraan dukumintiga qiimaha tartanka ee tartamayashu iyadoo aan la furin ayaa la isugu geyn buqshad kale oo lagu lingaxo (xidho) ee dusha lagaga qoro lamberka tartanka, dusha lagu xuso in ay yihiin buqshadihii qiimaha ee ay sexeexaan xubnaha xafiiska ee furey tartanku, ayaa illa inta la qabanayo wareega labaad ee furitanka tartanka 44
  • 45. boqshadaha oo xidhan loo dhib waaxda iibka ama masuulka kale ee sida gaarka ah loogu xilsaro si uu u xafido. j- Natiijada farsamo ee tartanka marka uu ansixiyo mas’uulka awooda u lihi, waa in si isku mida qoral ahaan lagu gaadhssiyo dhamman tartameyashii ka soo qayb-galey tartanka. x- Tartameyasha ku guul-dareystay qiimeynta farsamo qoralka loo guudbinayo waa Inc. Noqdo mid loogu sheegayo sababta ay ku guul-dareysteen. Haddi ay tartameyaashu arrintaasi wax cabasho ah ka qabaan way keensan karan iyagoo wafajinaya nidaamka iyo shuruudaha ku xusan qaybta 11aad ee awaamiirtan. kh- Tartameyasha ku guuleystay qiimaynta farsamo warqada loo qorayo waa inay ahaato mid lagu wargelinayo maalinta, sacad iyo goobta lagu furayo boqshadaha qiimaha tartanka. Waxaan loo bahan yahay in ay warqadu wada gaadho wakhti isku mid ah islamarkana muddo ku filan oo ay iyagoo raali ka ah kaga soo qaybgali karaan maalinta ay dhacyaso xafladda furitanka. Hase ahaate, haddii ay jiran cabashooyin ka dhan ah arrintu, illa go’an laga gaadhayo cabashooyinkaaasi lama furi karo boqshadaha qiimaha tartanka. d- Kadib marka loogu yeedho qab-wafaqsan qodob-hoosadka 16.18.3 xarafkiisa (kh) tartamayaasha, waa in si cad/toos ah loo furo boqshadaha ay ku jiran qiimaha tartanka ee tartameyasha ku guleystey qiimayntii farsamo ee la sameeyey. r- Iyadoo hab-wafaqsan qodob-hoosadka 16.18.3, xarafkiisa (kh) lagu furayo boqshadaha qiimaha tartameya-sha ku guuleystey qiimaynta farsamo, ayaa la magaca tartamaha, qiimaha uu ku tartamayo, haddii qiimo dhimis ay jirto cadadka iyo shuruudaha, iyo sidoo kale arrimaha kale ee xidhiidh toos ah la leh qiimaha loo seguí tartamayaash si ay u ogaadaan. s- Marka la oggaado natiijada qiimeynta farsamo, tartameyasha ku guldaraystay qiimeynta farsamo waa in loo celiyo dammanadda tartanka iyo iyadoon la furin boqshada ay ku jiraan dukumintiga qiimaha tartanku. Hase-ahaate, haddii ay jiraan sida ku cad qodob-hoosadka 16.18.3 xarafkiisa (x) cashooyinka ka dhan ah 45
  • 46. natiijada qiimeynta farsamo illa inta cabashooyinkaasi go’an laga gaadhayo waa in aan loo ceelin dammanada tartanka iyo boqshada ay ku jiraan qiimaha ay ku soo tartamenba. 16.18.4 Waaxda iibka ee xafiiska dawladdu waa inuu diyaariyo hadal- qoraalka shiirka geedi-socodka furitanka tartanka. Hadal qoraalkaasi waa inuu ka koobanado magacda tartamaysha, qiimaha ay ku soo tartameen iyo arrimaha kale ee la soo jeediyey marka furitaanka socday. Hadal-qoraalka shirka iyo nuqulka rasmiga (orjinal) ee dukumintiga tartanka ee ay soo gudbiyan tartamayasha waa in ay sexeexan khabiirada goob-jooga ka ahaa furitanka tartanka. Sidoo kale tartameyasha soo xaadiray waa iyaguna seexeexaan liistada loogu tala galay xaqiijinta ka soo qayb-galkooda. 16.18.5, Dukuminti kastoo aan la furin muddadii furitanka tartanka islamarkana aan loo akhriyin si ay u oggadan tartameyashu, lama addeegsan karo oo uma gudbikaro wareegyada tartan ee xiga. 16.18.6, tartame kasta wahktiga furitaanka tartanku socdo lagama saari- karo tartanka. 16.19- Qiimaynta Iyo isbar-bardhiga Tartanka 16.19.1- Qiimeynta Ugu Horeysa 16.19.1.1 Xafiiska dawladdu wuxuu tartanku inuu dhameystiran yahay u qaadan kara oo uu u gudbin kara marxalada xigta ee qiimaynta fah- faahsan, marka dukumintiga tartanka ee tartameyashu ay soo gudbiyeen munaasabadda furitaanka lagu furo ee la ogaado inay buuxinayaan dhamaan shuruudihii hordhaca ahaa ee ku yiilay dokumantiga tartanka. 16.19.1.2, Xafiis kasta oo dawladeed waxaa looga baahan yahay in aanay u gudbinin qiimeynta faah-faahsan tartameyasha aan buuxin arrimahan hoos-ku xusan:- b- Marka xafiisku ogaado in tartamaha ka qayb galay tartanku aanu buuxin shurudaha ugu hooseeya ee cabbirka tayo iyo cabiryada kale ee muhiimka ah ee ay caddaato inaanu karti lahay, t- Marka uu tartamuhu ogalaan waayo qallad xisaabeedka loo saxay sida ku xusan qodob-hoosadka 16.19.1.3. 46
  • 47. j- Marka tartamahu keeni waayo dammanadda tartanka ama oggolayn inuu keeno dammandda hirgelinta heeshiiska, x- Marka uu keeni waayo cadeymaha kale ee uu xafiisku ka dalbadey. 16.19.1.3, Iyadoo ay jiran arrimaha ku xusan qodob-hoosadka 16.19.1.1, hadana xafiiska dawladdu muddada uu hubinta ku jiro qaladaadka xisaabeed ee uu la kulmo wuu sixi kara. Sixitankan oo kalena xafiiska dawladdu waa in uu si deg-deg ah qoraal ku wargeliyo tartamaha ay arrintu khuseyso. Kadibna haddi tartamuhu ogolaan waayo sixitankan xisaabeed gabi ahaanba waa in laga saaro tartanka. 16.19.1.4, Arrimaha lagu qeexey dukumintiga tartanka, xaladaha heeshiiska iyo qodobada kale ee muhiimka ah haddii aanu kala duwanansho asaasi ahi ka dhex jirin (u dhaxeyn) ama ay yahiin qaladaad yar-yar oo la sixi-karo oo aan wax u dhimeyn muhiimada tartanka oo ay yihiin cillado yar- yarawgeed xafiiska dawladdu wuxu u qaadan karaa inuu dhameystiran yahay dokumantiga tartanku. Habase-ahaate, kala duwanaansho kasta oo jira, illa inta ay suuro- galayso, waa in la lacageeyo oo lagu xisaabtamo marka tartansiinta iyo qiimeynta tartanka lagu guda jiro. 16.19.2-Meel-Marinta Qiimeynta faah-faahsan Iyo xulista Guuleystaha:- 16.19.1 Xafiiska dawladu si uu u soo saaro qandaraslaha ku guuleystey tartanka waa isagoo adeegsanaya dukumintiga tartamayaasha ee u ku ogolaaday natiijada qiimaynta hordhaca ahayd iyo shuruudaha ku xusnaa dukumintiga tartanka uu sameeyo qiimeyn faah-faahsan. Lamana ogola in shuruudo ka baxsan kuwii ku qornaa dokumantiga tartanka loo isticmaalo qiimaynta. Xafiiska dawladdu isagoo ku salaynaya shuruudahaasi ku xusnaa dokumantiga tartanka ayuu tartamaha ku guulaystay tartanka ku xulan karaa hababkan qiimayneed ee hoos ku xusan: b- Marka dokumantiga tartanka hal boqshad lagu soo gudbiyo, in qandaraslaha la xaqiijiyo inuu buuxiyey shuruudaha qiimeynta farsamo islamarkaana uu ugu qiimaha hooseeyo la xusho, ama 47
  • 48. t- Marka dokumantiga tartanka laba boqshadood lagu soo gudbiyay, in la xusho qandaraslaha hela natiijada ugu sareysa guud ahaan qiimeynta farsamo iyo tan maaliyadeed ee tartanka kuwaasi oo ku saleysan shuruudaha lagu qiyaaso wax ku ool nimada tartanka. 16.19.2.2 Marka lagu jiro qiimeynta faah-faahsan, waa lagu xisaabtamo tartamayaashu qiima dhimista aan wax shuruud ah ku xidhnayn ee ay bixiyaan,. 16.19.2.3- Hadaba haddii loo baahdo in la hubiyo sharciyadda tartamaha ku guulaysta tartanka, waxaa la samayn karaa qiimayn lagu hubinayo in heerka kartidiisa maaliyeed iyo farsamo ee wakhtiga la joogo ay buuxinayaan shuruudihii ku xusnaa dukumantiga tartanka. 16.19.2.4- Iyadoo Iibka ay tahay in lagu fuliyo nooca heer caalami oo si loo sameeyo qiimayn awgeed aan si gaara loogu xusin dukumintiga tartanka in qaab kale loo soo gudbiyo, qiimaha ay soo gudbineyn qandarasleyashu iyo qiimaynta tartanka ee la samaynayoba waa in ay ahaadaan kuwo ay ku jirto canshuurtu. 16.19.2.5, Mudada qiimeynta hadii labo iyo in ka badani ay helaan natiijo isku mida, sida ku xusan qodobka 17aad qabtiisa 3aad ee bayaanka waa in mudnanta la siiyo wax-soo saarka dalka gudahiisa,. 16.19.2.6, Iyadoo arrimaha ku xusan qodob-hoosadka 16.19.2.5 ay sidooda yihiin, marka ay jiran qandarasleyal isku mida ama keeney natiijada guusah oo isku mida si loo kalasaaro cidda ku guuleysatey tartanka xafiisku wuxuu sameyn kara inuu soo saaro shuruudo kooban oo uu tartamayaahsa ka codsado inay shuruudahasi fikradooda tartan ee kama dambaysta ah ka soo godbiyaan. Si arrintan loo fuliyana waa:- b- in tirada shuruudaha ay tartamayaasha dhibcaha isju midka ah heelay ay ku tartamayani aanay ka badanin 3 oo xuruuf lagu muujin karo. 48
  • 49. t- Shuruudahaasi waa in ahaadaan kuwo xusnaa dukumintiga tartanka siiba qaybta fah-faahinta tartanka. j- Tartamayaasha isku midka baxey maraka la xaqiijiyo in ay isku mid yahiin, inta arrintan loo sheego ayaa laga codsan in ay fikirkooda ugu danbeya ka dhiibtan shuruudaha labaad ee ku xusnaa dukumintiga tartanka. x- Tartameyasha dhibcaha isku midka ah helay fikiradahooda kama dambaysta ah ee ay ka dhiibteen shuruudaha tartanka, waa in lagu furo meel ay goobjoog ka yihiin oo loo akhriyo fikiradaha ay dhiibteen. kh, Tartameyasha dhibcaha isku midka ah helay fikiradahooda kama dambaysta ah ee ay ka dhiibteen shuruudaha tartanka inta la qiimeyo ayaa tartamihii fikirka ugu macquulsan ama ugu wanagsan soo jeediyey loo qaadan qandaraslaha ku guuleystey tartanka. d- Iayadoo arrimaha lagu xusey arafka (kh) ee qodob-hoosadka 16.19.2.6, ay sidooda yihiin, tartameyasha dhibcaha isku midka ah helay fikiradahoodii ugu danbeyey oo ay soo jeedin waayeen ama ay marlabaad isku mid noqdaan, waxa iyagoo goobjoog ah lagu kala saari baqtiya nasiib qori tuur ah. 16.19.2.7, Xafiiska dawladu marka uu dooranayo cidda ku guuleysatey tartanka maadama la garanayo cabirkooda, allab kasta iyo addeeg kasta cabirkiisa halkii xabo qiimaheeda gaarka ah ama iyadoon wax loo dhimayn shuruudaha iyo kalmadaha heshiiska hadba sida loogu baahdo tirada alaabta ama adeega ilaa 20% in kor ama hoos loo dhigi karo waa inay ku muujiyaan dokumantiga tartanka. 16.19.2.8, Xafiisyada dawladu tartan kasta qiimayntiisa waa inay dhameeyan islamarkaana ay wargeliyaan natiijada qiimeynta tartanka tartamayaasha ka hor inta aan la gaadhin maalinta ugu danbeysa muddada uu sharciyan jirayo qiimaha tartanku. Hase-ahaate, haddii ay jiraan sababo ku kalifaya in qiimeyntu dib uga dhacdo wakhtigaasi, waa in sida ku xusan qodobka 16.19.4 ee awaamiirtan uu ka codsado 49
  • 50. tartamayaasha in ay kordhiyan muddada uu qiimaha tartanku sharciyan jirao. 16.19.2.9, Xafiiska dawlada ee tartanka soo bandhigay marka garwsado fikir tartameedka uu soo gudbiyey hal-qandarasle oo kaliya in qiimaha uu soo gudbiyay uu la mid yahay kan suuqa islamarkaasi u xaqiijiyo in aanay dukumintiga tartanka ku jirin sababo taratameyasha kale ka xanibaya ka qaybgalka tartanka, iyadoon loo baahan in dib loo soo bandhigo tartanka ayuu tartamahaasi kaligii ka dhigi karaa inuu guuleystay. 16.19.3- Dib U Soodhejinta Tartanka In tartanka dib loo soo bahdhigo waxaa loogu baahan karaa:- b- Marka qiimaha uu soo gudbiyey qandaraslaha la barbar dhigo qiimahii uu xafiisku taratnka ka hor qiyaasey oo uu farqi wayn uga sareeyo islamarkana la xaqiiqsado inaanu ahayn qiimaha saxda ee suuqa oo loo baahan yahay in dib tartank loo soo bandhigo, t- Marka qandarasle kaliya soo tartamo ee la xaqiijiyo xaladaha uu kali ahaan ugu soo tartamay in ayna waafaqsanayn nidaamka iyo shuruudaha ku xusan bayaanka iyo awaamiirtan ama la ogaado in haddii wax-kabadel lagu sameeyo dukumentiga tartanka la heli karo tartamayaal fara-badan. 16.20- Mudnaan Gaar ah 16.20.1, Waxaan ka ahayn qiime sheegta iyo iibka lagu fuliyo hal qandaras (iibka tooska ah), iib kasta sida ku xusan qodobka 17 ee bayaanka, waxaa mudnaan ama tixgalin gaar ah loo samaynayaa allabaha dalka gudihiisa laga soo saaro, hay’da yar-yar ee lagu aasaaso bayaanka hay’ada ee horumarinta yaryar ee Dawladda Federaalka Itoobiya, hawlaha dhinaca dhismaha iyo shaqooyinka addeega la talinta ee ay wadaan shirkadaha wadaniga ahi. 16.20.2, Mudnaanta gaarka ah ee loo samaynayo sida ku xusan qodob- hoosaadka 16.20.1, marka lagu guda jiro tartanka dhinaca qiimaha waxaa loo meel-marini iyadoo lagu salynayo arimahan hoos ku xusan:- 50
  • 51. b- Daawada iyo iibka qalabka caafimaadka 25%. t- Iibka alaabta kale 15%. j- Iibka shaqooyinka dhismaha iyo addeeega la talinta 7.5%. 16.20.3, Mudnaanta gaarka ah ee ku xusan qodob-hoosaadka 16.20.2, xarafahiisa (b) iyo ( t), Waxaa la suuro galin karaa marka la keeno dokumanti uu hanti-dhawre la aqoonsan yahay ku soo caddeeyay in daawada ama qalabka caafimaad ama allabta kharashka soo saaristeeda lagu bixiyay guud ahaan boqolkiiba soddan iyo shan (35%) iyo intaa in ka badan ay yihiin qiime-aadan dalka Itoobiya guddahiisa. Dhaqan- galinta qodob-hoosaadkan “qiime-aadan” waxaa loola jeeddaa wixii kharash ah ee ka soo hadha marka kharashka guud laga jaro kharashka lagu bixiyo allabaha ka yimaada dalka dibadiisa iyo addeegyada laga helo dalka dibadiisa. Arrintani ma khusayso canshuuraha dadban (aan tooska ahayn) ee laga qaado wax-soosaarka dibada. 16.20.4, Hawlaha dhismaha ama shaqooyinka addeegyada la talintu waxay ka faa’iidaysan karan oo kaliya mudnanta gaarka ah ee ku xusan qodob- hoosaadka 16.20.2 xarafkiisa (j) marka ay dhammaystirman ama buuxsaman dhamaan arrimahan hoos ku xusan:- b- Marka shirkad lagu aasaasay sharciga itoobiya ee xarunteeduna ku taalo dalka itoobiya gudihiisa. t- Marka saamiyada shirkada ama hantida guud ee shirkada boqolkiiba konton(50%) ay leeyihiin dad itoobiyan ahi. j- Marka gudiga sare ee maamulka shirkada(boardhiga) boqolkiiba konton(50%) ay xubno ka yihiin dad itoobiyan ahi. x- Marka shaqaalaha muhiimka ah ee shirkada boqolkiiba konton(50%) ay itoobiyan yihiin. 16.20.5. Hay’adaha yar-yar ee horumarinta ee lagu aasaasay bayaanka hay’adaha yar-yar ee horumarinta. b- Tartanka ay kula jiraan shirkadaha alaab-keenayaasha dalka gudihiisa, boqolkiiba seddex (3%) ayaa mudnaan gaara la siin. 51
  • 52. t- Iibku marka uu yahay iib lagu meel-marinayo habka iibka caalamiga ah waxaa la dhaqan-galinayaa mudnanta gaarka ah ee ku xusay qodob-hoosaadka 16.20.2 xarfahiisa (b), (t), iyo ( j). j- Dammanada tartanka, dammanada heshiiska iyo dammmanada lacagta horumarinta badalkooda waxaa la ogolaanayaa warqada dammanada ah ee ay usoo qorto cidda dhistay hay’adahaasi. x- Dukumintiga taratanka ee loo diyaariyay tartanka, waxaa lagu siinayaa lacag la.aan, marka ay keenaan caddayn muujinaysa sharciyadda loogu aasaasay hay’adaha yar-yar ee horumarinta. 16.21- Ka Saaridda Tartanka 16.21.1, Xafiiska dawladu wuxuu tartanka ka saari karaa tartamaha ku kaca danbiyda (dunuubta) hoos ku xusan mid ka mida:- b- Marka allabta ama addeega u ka keenaayo (imanaayo) dal ka mid ah dalalka wasaarada ganacsiga federalka itoobiya ay joojisay xidhiidhkooda ganacsi. t- Marka ay hay’ada qaramada midoobay golaheeda ammaanku cuna-qabatayn ku soo rogo alaabta iyo addeegyada ka yimaada dalkas ama shaqsiyaad ama hay’ado ka tirsan dalkas in aan la siinin wax-lacag ah. j- Marka la xaqiijiyo inuu ku kacay arrimo ka dhana bayaanka maamulka hantida iyo Iibka dawlada iyo Awaamiirtan. x- Marka uu yahay mid ku guul daraytstay waajibaadkii heeshiiska ee uu horay ugu guulaystay, ka dibna uu xafiiska maaliyaddu ka mamnuucay ka qayb-galka tartanada iibka dawlada. kh, Marka la xaqiijiyo inuu masuuliyiinta ama shaqaalaha xafiiska siiyay ama isku dayay inuu siiyo laaluush si uu u helo mudnaan gaara ama ugu guulaysto tartanka. d- Marka la xaqiijiyo inuu tartamuhu khaladaad wax-is-daba-marin ah ku sameeyo dukumentiga tartanka ama la galay tartame kale wada xaajood khiyaama ah. 52
  • 53. 16.22- Wada hadalka Lala Yeesho Qandaraslayasha 16.22.1, Inta geedisocodka fulinta iibka lagu jiro heer kasta ha ahaate waxaa tartamayaasha wada hadal lala yeelan karaa marka ay xaalad gaara ahi soo wajahdo oo kaliya. Wada hadalada dhex-mara xafiiska dawlada iyo alaab-keenayaashu waxay noqonayaan laba arimood oo kala duwan. Kuwaasi ah:- b- Inay ka wada hadlaan arrimo yar-yar, ama t- Marka uu yahay tartanka labada heer (meerto), in laga wada xaajoodo tartanku noocyada iib ee uu ka koobnanayo. 16.22.2, Haddii aanay ahayn qaabka lagu fasaxay qodob-hoosaadka 16.22.1; xafiiska dawlada ee tartanka soo bandhigay, marka tartanka la furo inuu codsado faah-faahin u sahlaysa qiimaynta fikir tartameedka waxaan ka ahayn, tartamayaashu fikir tartameedyada ay soo gudbiyeen ee ay ka mid ka yihiin qiimaha ama qodobada kale ee asaaaka u ah looma ogola in wax-kabadel lagu sameey inuu waydiisto ama fasaxo. 16.23. Ansixinta Tartanka 16.23.1, Xafiisyada dawlada waxa qiimaynta tartanka fulinaya waaxda iibka ama hadba, sida loogu baahdo, guddi-ku- meel-gaadhka ah ee loo aasaaso inay tartanka qiimeeyaan. Waxaana looga baahan yahay inay muddada uu qiimaha tartamayaashu sharciyan u jiro dhexdeeda ku dhamaystiran qiimaynta tartanka islamarkana iyagoo taladooda ay natiijada u gudbiyaan mas’uulka awooda loo siiyay inuu ansixiyo iibka. 16.23.2, Cidda ansaxinta iibka awooda loogu siiyay bayaanka iyo awaamiirtan, waxay marka ay xaqiijiso in fulinta iibku waafaq-san tahay nidaamka iibka dawlada iyo in qiimaynta tartanku ku salaysan tahay shurrudihii ku xusna dukumentiga tartanka ayay go’aan ka bixinaysaa. Go’aankaasina wuxuu noqon kara mid ka mid ah kuwan hoos ku xusan:- b- Inuu fasaxo in la qaado talaabada xigta, ka dib marka uu aqbalo guud ahaanba warbixinta qiimaynta. t- Inuu diido warbixinta, amarna ku bixiyo in dib loo qiimeeyo. 53
  • 54. 16.23.3, Cidda ansixinta iibka awooda u lihi haddi uu muhiim u arko wuxuu codsan karaa in kooxdii soo diyaarisay warbixinta loo soo gudbiyay ay fah-faahin ka siiyaan warbixinta. 16.23.4, Sida ku xusan qodob-hoosaadka 16.23.2 xarafkiisa (t), cidda ansixinaysa iibku marka aanu ku qancin soo jeedinta go’aanka qiimaynta wuxuu isagoo raacinaya sababta dib ugu celinayaa kooxdii qiimaynta samaysay. Intaasi kadib, waxaa looga baahan yahay kooxda qiimaynta iyagoo ka duulaya jihada uu u qeexay/siiyay/ guddiga ansixintu inay dib qiimayn kale u samaynayaan oo warbixin saxan kasoo gudbiyaan. 16.23.5, Iyadoo ay jiraan arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.23.4, kooxda qiimayntu ama xubin kasa too ka mida kooxda qiimaynta tartanku aanu ku qanac-sanayn jihada ay bixiyeen cidda ansaxinta iibka awooda u leh ayaa inta lagu cadeeyo fikirkiir uuna ku qanac-sanayn warbixinta natiijada qiimaynta iyadoo go’aankii guddiga ansixinta iibka laga duulayo la meel-marini iibkaa. 16.24. Shaacinta Cidda ku Guulaysatay Tartanka 16.24.1, Xafiisyada dawldu natiijada tartanka waa inay isku mar qoraal ugu gudbiyaan tartamayaashii ka qayb-galay tartanka. Tartamayaasha laga guulaystay waa in loogu caddeeyo sababaha looga guulaystay iyo tartamaha ku guulaystay ka uu yahay. 16.24.2, Qandaraslaha tartanka ku guulaystay warqada loo qorayona looma qaadan karo heshiis dhex-maray xafiiska iyo qandaraaslaha. Xafiiska iyo qandaraaslaha waxaa loo arki karaa inuu heeshiis dhex-maray marka masuulka xafiiska iyo qandaraaslaha ay kala saxeexdaan heeshiis fah- faahsan oo koobaya arrimo badan. 16.24.3, Warqada qanadaraaslaha guulaystay lagu wargalinayo inuu saxeexo heeshiisku waa in ay ka koobnaato arrimahan hoos ku xusan:- b- Inuu xafiisku aqbalay fikir tartameedkii qandaraasluhu soo gudbiyay. t- Qiimaha guud ee heeshiiska lagu fulinaayo. j- Cadadka qiimaha dammanada hirgalinta heeshiiska iyo maalinta ugu danbaysa ee laga gudoomayo. 54
  • 55. 16.24.4, Qandaraaslaha ku guulaystay tartanku haddii uu saxeexi waayo heeshiiska oo uu diido xafiiska dawladu isagoo miisaamaya fa’iidada ugu jirta, ayaa wuxuu karaa inuu qandaraaslaha kaalinta labaaad ku jira ka dhigi qandaraaslaha tartanka ku guulaystay ama inuu soo bandhigo tartan cusub. 16.24.5, Xafiiska dawladu marka uu xaqiijiyo in ay dhamaystiran yihiin xaladaha hoos ku xusan waa in uu u celiya taratamayaasha dammanada tartanka ee laga hayey. b- Marka qandaraaslaha guulaystay heeshiis lala saxeexdo ee uu keenay dammanada hirgalinta heeshiiska. t- Marka Tartamayaashii laga guulaystay ama qandaraaslaha diida muddadii lagu kordhin lahaa jiritaanka damaanada ayna dhamaatay xiliga ay damaanadu sharciyan dhaqan-galka ahayd. 16.25- Dammanadda Heeshiiska 16.25.1, Iibka lagu meel-mariyo qiimo sheegta iyo iibka addeega waxan ka ahayn, iib kastoo kale waxaa xafiiska dawlada looga bahan-yahay inuu ka qaado dammanda hir-galinta heeshiiska. 16.25.2, Qandaraasluhu laga bilaabo maalinta uu xafiiska la saxeexdo heeshiiska waa inuu mudo 15 cisho guddahood ah uu ku keeno xafiiska dammanada heeshiiska oo dhan ugu yaraan 10% qiimaha guud ee heeshiiska oo waafaqsan arrimahan ku xusan qodob-hoosaadka 16.16.4. 16.25.3, Xafiiska dawladu marka uu xaqiijiyo in aanu qandaraasluhu heeshiiska u fulinin qaabkii loo baahnaa, wuxuu dammanada heeshiiska ee uu qandaraasluhu dhigay ula wareegi qaab waafaqsan qodob- hoosaadka 16.25.2. 16.25.4, Iyadoo ay jiraan arrimaha ku xusan qodob-hoosaadka 16.23.3, marka dhamaystir la’aanta wajibaadyada heeshiisku aanu wax dhibaato ah u keenayn xafiiska ama wax-khasaare ah u keenayn islamarkaana guddiga ansixinta iibka xafiisku oggaado in fulin la’aanta heeshiisku aanay ka imanin fudaydsiga/dhayalsiga/ qandaraaslaha, waa in loo celiyo qandaraaslaha dammanada heeshiiska ee laga hayo. 16.25.5, Xafiiska dawladu isagoo ka duulaya arrimaha ku xusan qodob- hoosaadka 16.25.3, talaaboyinka uu ku talaabsado waxaa looga baahan- 55
  • 56. yahay inuu ka diyaariyo qoraal dhamaystiran oo marka uu xafiiska maaliyaddu ama cidda kale ee sharciga u lehi ka codsato u gudbiyo ama fah-faahin ka bixiyo qodobada u baahan fah-faahinta. 16.25.6, Iyadoo ay jirin arrimaha ku xusan qodon-hoosaadka 16.25.2, ayaa haddana:- b- Shirkadaha dhismaha ee dalka gudihiisa ama shirkadaha soo saara daawooyinka iyo qalabka caafimaadka iibka lala galayo loo ogolaanayaa dammaanada heeshiiska ee shuruudu ku xidhan tahay ee ay ka keenaan hay’adaha caymiska ee caanka ah. t- La taliyayaasha ku hawlan shaqooyinka la talintu addeegyada la talineed ee ay bixiyaan marka la aminsan-yahay in ay dhibaato u gaysan karto xafiiska, waxaa laga codsan karaa in ay keenaan caymiska mag-dhawga khabiirka. j- Sida ku xusan qodobka 16.20.5 xarafkiisa (j) ee awaamiirtaa hay’adaha yar-yar ee horumarintu waxay dammaanad ahaan u keenayaan cadaynta ay siiyaan xafiisyadii sharci ahaan u aasaasay hay’adahaasi. x- Tartanka loo qabto fulinta iibka addeega caymiska, hay’ada caymiska ee ku guulaysata tartanka waxa ay lacagta kayd ahaan u taala bangiga qaranka itoobiya u isti-cmali karaan dammanada heeshiiska. Habase-ahaate damaanda ay noocan u keenayaan in kayd ku filan uu yalo bangiga waa in ay bangiga ka keenaan cadayn muujineysa. 16.25.7, Hadii aanu jirin heeshiis gaara oo labada dhinac ee heeshiisku dhexmaray gaadheen, marka qandaraslahu sii buuxda uu dhammaystiro waajibaadyadii heeshiiska waa in loo celiya dammanada heeshiiska. 16.26- Horumarinta:- 16.26.1, Iibka dawlada hadba sida loogu bahan-yahay waxa horumarin ahaan loo bixin kara 50% guud ahaan qiimaha heeshiiska. Xaddiga horumarinta la siinayo waa in lagu xusa dukumintiga tartanka gudahiisa. 16.26.2- Horumarinta qadarasleyashu qaab-wafaqsan heeshiiska u soo dalbadaan waxa looga bahan-yahay in ay dammanada horumarinta oo uu dhiganta lacagta horumarinta ka keenan bangiga, nooca 56