SlideShare une entreprise Scribd logo
1  sur  9
Télécharger pour lire hors ligne
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 1
Khilaafku Waa maxay?
Khilaafku waa isfahan la’aan iyo ismaandhaaf dhex mara laba qof, laba
koxood, urur, hayadood ama dawladood, waxanu khilaafku (Conflict)
yimaada marka shakhsi ama koox ay dareemaan in danahoodii cidkale
siqaldan usoo faro galisay ama ay rabaan inyay sikhaldan u maamulaan
danahu waxa ay noqankaraan waxyaabo badan sida aduun, figrad, mabaadi
ay rumaysanyiin inay saxtahay, cabsi ayqabaan oo ay u arkaan inay dhib
soo socota tahay ama cidkale soo weerareyso.
Hadaba ma wax jira oo dhaba laysku khilaafikara mise wax aan
waxba kajirin?
Mararka qaarkood waxa laysku khilaafi karaa waxjira oo dhaba lakiin
intabadan waa wax aan waxba ka jirin, taasoo ay sababtay is fahmiwaa ay
isgaadhsiintu xumaato, qolo kastaana tuhun uun ay ku socdaan hadalkana
ay si qaloocan ufahamaan deedna daacad daro dhan walba gasho &
aamindaro.
Maxaa sababa in khilaaf yimaado?
Khilaafka waxa sababa arimo badan markay yimaadaan oo kuwan soo
socdaa ku jiraan:
 Isgaadhsiinta oo liidata (poor communication)
 Xukun raadis (seeking power)
 Maammul jilicsan oo aan lagu qanac sanayn
 Hogaamiye tabar daran oo daciifa (Weak Leader)
 Daacad daro
 Hogaamiyaha oo labadalo iyadoon raali laga wada ahayn
Calaamadaha khilaafka lagu garto
o Farro ku hadal & senyaalayn (Body language)
o Heshiis la’aan ka dhalata ma’baadida meesha taala
o War naxdin leh oo laqariyo ama dibada losoosaaro
o Baaq adag oo kasoo baxa bulshada oo layska dhago
tiro
o Arin aan laysku raacin lagana heshiin oo
saxaafadaha laga siidaayo
o Khilaafka oo lagu baahinayo bulshada dhexdeeda &
kutidhi ku teenta
o Xukun doonis aan sharciga waafaqsanayn
o Ixtiraam la’aan
o Ujeedada oo aan lamuujin, daahana lagaga qaadin
o Wada xaajood aan larabin oo latartamaayo.
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 2
Hadaba marbuu khilaafku bulshada jabiyaa dhaawac wayn iyo
cawaaqib xumana kaga tagaa arlada iyadoo laga yaabo inuu wax yar
oo sahlan
ka bilowday markii hore, waana markuu yeesho calaamdahan:
o Waa marka dadka masuuliyiinta ah iyo wax garadku
iska dhaga tiraan muhiimna loo arkiwaayo ee
danaha kale laga raacdo
o Awood daro, niyad jab iyo quus timaado loona arko
inaan laxalinkarin
o Labada dhinac ee is haya oo dadka qaybiba dhan
taageerto, wada shaqayntana layareeeyo,
tushuushka & kala kaxayntana labadiyo
o Khilaafka oo noqday in gacanta layskula tago.
Maaraynta Khilaafka
Khilaafka waxa lagu qayaxay inuu yahay laba dhinac oo mid waliba halgan & iska caabin xoog
badan wato, iskuna dayaayo inuu dhinac walba ka guulaysto kakale, ama xoogag iska soo
horjeeda oo dagaal qarsoon & loolan dhex socdo, Khilaafku waa dagaal qadhaadh balse dadku
inta badan indho toosa ku arkin.
Khilaafka waxaad moodaa inuu yahay wax waligiiba nolasheena ka mid ah, oo goob kasta oo
dadku iskugu yimaado ama ay ku kulmaan laba ruux ama in ka badan waxaad arkaysaa khilaaf
taagan.
Dadka qaar baad ka maqlaysaa oo leh khilaafku mararka qaarkood wuu u fiican yahay dadka,
taas waxaan u fahamay inay u jeedaan marka waxa xun oo bulshada aan u fiicnay la khilaafaayo
wuu fiican yahay. Runii khilaafku waa shucuur khatar ah oo baabiisa umada hadii la xalin
waayo. Meesha uu jiro is maan dhaaf aan ahayn shucuur khatara ama qiiro halisa laakiin hadalka
uun laysla fahmi waayay kaasi maaha khilaafka khatarta ah.
Waxyaabaha khilaafku ka Bilowdo
Khilaafku wuxu ka kacaa waxyaabo badan kuwaas oo ka turjumaaya inaynu kala duwanahay oo
aanay dadka bini aadam ka ahi aanay isku figrad ahayn, sina wax u wada araka ahaynin, ee qof
walba uu si gaara wax ula muuqdaan kalana figrad duwan yihiin. Dadku wuu ku kala duwan
yahay xaga Shakhsiyada, Figradaha, Ma’aadida, Akhlaaqda, Dabeecada, Dhaqanka,Diinta,
Sinjiyada intaas oo dhanba. Khilaafka & iska hor imashadu waxay ka dhashaan mararka
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 3
qaarkood waxyaabo yaryar oo fudud sida hadalka oo laysla fahmi waayo deedna ismaandhaaf
yimaado oo qofba hadalka si u qaato.
Maareeynta Khilaafka
Hadii aynu isticmaalno figrada ku salaysan habka wada shaqaynta (Colloborative Concepts)
waxaa hubaal ah inaynu sare u qaadi karo guulna ka gaadhi karo xalinta khilaafaadka dhex deena
ka dhaca & iska hor-imashada. Figradani waxay dhalinaysa inaynu dhinac kaliya u wada
jeedsano indha kaliyana ku eegno dhibka dhex deena yaala, oo qof walba figradiisa ladhageysto
deedna talada la rogrogo, iyada oo cid tartamaysaa jirin. Deedna aynu gaadhno heshiis dhan
walba raali ka yahay (Win-Win Situestion). Hababka loo xaliyo khilaafka iyo isaseegida koow
waxaa u asal ah in qofku fahan san yahay hadii khilaafka la xalin waayo oo uu sii socdo waxa ka
danbeeya waxa uu yahay, waxa ka danbeeya waxa weeye labada dhinac ee is hayaa laba qof,
laba kooxood, laba qabiil, laba urur ama dowladood kuu doono ha ahaadee in mid waliba dhinac
isku xayd xaydo oo goolaaftamo deedna lays dilo oo dagaal dhaco halkaasna dhimasho iyo
khasaare yimaado. Xataa hadii adigu aanad labada dhinac ee dagaalamaya aanad ka mid ahayn
laakiin aad la deegaan tahay khasaaraha & eedu way ku soo gaadhayaan saamayn weyna waad
ku yeelanaysaa. Sidaas daraadeed cid kasta oo aragta khilaaf agteeda ka dhacaya waxa
lagudboon inay xaliso.
Marka hore waxaad ogaata khilaafku wuxuu jiraa inta xaqiiqadu maqantahay laakin marka
xaqiiqada lahelo khilaafku wuu dhamaada. Sidaas daraadeed waxaa haboon dadka Soomalida ah
ee raba inay khilaafaadka xaliyaan inay marka hore xaqiiqada raadiyaan deedna xaqiiqada soo
bandhigaan, waynu iswada naqaana khilaafka inaga dhex taagan waynu ogsoonahay waxa uu
yahay laakiin waxaynaan qiimo u yeelin dhibta ka imaynsa hadii aynu xalin wayno. Dadka is
haystaana kuma xisaabtamaan khasaaraha ka soo gaadhaaya inay khilaafka ku sii jiraan iyo
wakhtiga kaga lumaaya, mar walba waxaa muhiim ah oo haboon in khilaafka la xaliyo. Dadku
hadii ay khilaafkooda iyo muranka dhex mara xalin kariwaayaan waxaa lagu tlmaama inay yihiin
umad dumaysa oo jahli haysto.
Hadii aynu nahay Soomalida runtii waxa aad inoola gudboon inaynu wax badan isku taxalujino
barashada xalinta khilaafka waayo wax kasta oo aynu dhisno maalin kaliya ayaa laga yaaba inuu
ku dumo marka ay mushkilad yar ama khilaaf ina dhex maro ayuunbaynu xalin kari waayeena
taasina waa ayaan darro.
Xirfada xalinta khilaafku wax kale maaha ee waa inaad ogaatid uun inaynu kala duwanay kala
figrado nahay,qofba si u fikiraayo, hadii adiga si kula qurux badan tahay Aniga way ila fool
xuntahay, kuwa kalena waxbaba lama aha. Markaas dadku markay rabaan inay wax xaliyaan
waa inay iswaydiiyaan muxuu waxani ku yimid, waa maxy dhibta uu keeni karo, hore miyay
idiin soo martay. Intaas markaad qiimo ku samayso ayaad xal heli kartaa. Shayga dhagaysiga
layidhaadaana waa shay aad u qaali ah, dadka qof waliba qofka uu ka dhagaysi wanaagsan yahay
ayuu ka fahama fican yahay xogtana ka heli ogyahay
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 4
Khilaafka, Asbaabaha keena & Sida loo Xalinkaro.
Khilaafku waa mushkilad Muslimiinta ka haysta Nolasha Dhamaanteedba.
In dadku kala nooc noqdaa oo kala rayi noqdaa, oo uu kala midabo noqdaa, oo uu kala wajiyo
ahaada, oo cuquushoodu kala midabo ahaataa, siday wax u fahmayaan kala jaad noqotaa. Waa
wax kamid ah ilaahay aayadkiisa marka hore. Sida wajigeenu u kala duwan yahay ay maskax
deenuna u kala gadisan tahay. In qof qudha dadku wada noqdaa waa qayrul macquul, ilaahay
baana SWT ugu tala galay inay sidaas u kala gadisnaadaan, waliba hakala gadisnaate isku garaad
maaha, isku in wax kama wada aragto, ilaahay bana qur’aankiisa ku leh (Wa Khuliqal iinsaanu
Daciifaa) ducfi ayaa dadka oo dhan iskaga wada jira. Ilaahay baa SWT balan qaaday haduu
doonayo dadkan, nolashan & waxan oo dhan mid qudha inuu ka dhigo laakiin uu u doortay
sidatan inay ahaadaan, ilaahay baa SWT wuxuu leeyahay haduu doonayo umada oo dhan nooc
kaliya ayuu kadhigi lahaa,
ilaahay baa SWT yidhi kama suulayaan inay kuwo iskhilaafsan ahaadaan ka uu Allaah u
naxariistay mooyaane. Markaas waa wax caadiya in dadku waxyaabah qaar ku kala gadisan
yahay, bal adiga ayaan aragtida aad shalay rumaysnayd inanad maanta rumaysnaan ay dhacdaa,
markay aragtidaadu korodho talooyinka & macluumaadka siday shalay kuula muuqdeen si
kaduwan inay maanta kuula muuqdaan ayaa dhacda.
khilaafku waa labo nooc ama waxyaabaha dunida yaal iyo bili aadamku laba qaab ayuu u fikiraa.
Dadku inta badan wuxuu is khilaaf sanyahay inta aan xaqiiqada lahaynin ee duhun io shakigu
jiro, hadii xaqiiqada lahelo khilaafka io tuhunku wuu dhamaadaa. Matalan sayniska
waxyaabahan iyagu inoogu bixiyeen
Culimadu waxay yidhaahdeen khilaafku waa 3 nooc:
in Gaalada lakhilaafaa waa xaq, ama in rayiga lays waydaarsado oo larogrogo si wax bisil
meel loo dhigo waa wax banaan
khilaafka mid kamidii waa mid xun (majnuun) waa wixii hawada naftu yeedhiso ikhlaas
la’aan baa keentay, kaasi shareecada oo dhan wuu khilaafsanyahay, waa dan qofku rabo inuu
dadka u khilaafo si uu gaadho daraadeed
1. khilaafka mid kamidiina waa mid iska banaan,
Waa marka Daliil xaga diinta ah laysku khilaafsan yahay ee la rabo in lasaxo.
Waxaa iswaydiinleh maxaa keena in layskhilaafo?
Waxaa keena waxyaabahan soo socda:
2. Shay aan aqoon loolahayn
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 5
3. Sharciga oo laga tago
4. Diinta oo laysku qabto
5. dadka oo inbadan Jahli ku suganyahay,
Allaah SWT ayaa Isaga oo Ehlukitaabka inooga waramaaya ina leh : Wixii lafary qayb
kamidabay ka tageen jahlibaa ku dhacay dabadeedna ilaahay baa wuxuu leeyahay waxaanu
ku imtixaanay cadaawo, is khilaafk & uurxumo baa lagu imtixaamay. Qofku haduu masalo
jaahil ka yahay indhahuunbuu ka ridaa inta badan xukunka ka yimaadaa kaf buu iskaga
dhacaa, Umad kala tafaraaruqsan hadaad aragto jahlibaa haysta.
Waa iyadoo dadka qaar dana gaara iska wataan
Qofka oo ciduun figradeeda intuu iska qaato u arka inay 100% sax tahay, wixii kalena qalad,
ama dhaqan hore oo lahaystay ama idiin caado ha ahaato ama nin caalim ah oo kula wayn ha
ahaado.
waa adiga oo yidhaah ma gafo oo marwalba isla saxsan,ilaahay baa wuxuu ku sifaynayaa arinta
noocaas ah inay tahay sifada lagu yaqaan dadka ehlukitaabka ah ee anay ahayn calaamadaha
dadka muuminiinta ah.
Waxaa fiican inaynu inbadan ka fikiro sidee wax loo xalinkaraya
Labo dariiqo oo wax lagu xaliyaa jira inta badan
1. Midi waa dariiqada reer galbeedka
2. Midna waa dariiqada muslimka
Waa inaad ogaataa waxa khilaaka kadambeeya.
Waa inaad fahantaa tafaraaruqa & kala daadsanaanta,khilaafka markay timaado waxa ka
dambeeya wuxuu yahay. Waa inaad fahantaa khilaaf haduu yimaado oo aan la xalin inaany cid
wada joogaysaa iyo wax inaga dhexeeynayaa aanu jiri doonin, markaad taas fahanto ayaad inaad
xaliso ka door bidi doontaa.
waxaad maqasheen in la yidhaah maxay ahayd siyaasadii ingiriisku deedna qaar yidhaahdaan
qaybi oo xukun, maaha wax uu ingiriis lahaa ee waa farsamadii Fircoon uu dadka ku gumaysan
jiray qaybi oo xukun. Waa mabda’a uu fircoon ka taagnaa maamulka io siyaasada.
Maxaa keena in qof kali ahi dadka ku qooqo oo uu gumaysto? Waxa weeye wuu qayb qaybiyay
waxaanu ka dhigay kooxo, bulshadu markay kuu qayb-qaybsanto waad gumaysan kartaa waayo
adigaa badi xoogeedu ku racsnyahay badhna kaa soo horjeeda deedna iyaduunbaad isku
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 6
tumaysaa. Xataa isticmaarkii umay suuroobaynin ilaa uu dadka qayb qaybiyo moyaane, umada
midhka ahi ama dhan kaliya ka soo wada jeeda maaha umad lagumaysan karo. Ilaahay baana
inoo sheegay hadii dadku qaybsamo inaanu awood lahayn oo anay waxba iska celin karahayn
waana taas ta Fircoon fahamay ee reer galbeedkuna qaateen.
Culimada aduunku waxay yidhaahdaan hadii aad aragto dad muran kiisa xadayn kari waaya oo
qaab uun u xalin kariwaaya waa umad dhimanaaysa, waa cudurada halista ah ee sheega inay
geeridoodi timid. Waxa kale oo ay yidhaahdaan hadii aad aragto umad wax walba ku murmaaysa
waa dad jahligii ugu waynaa haysto (Sillince Ignorance). Dadku hadii ay murmaan uun muranka
wixii ka dambeeyaa waa dagaal iyo haynu is dilo uun iyo khasaare ku xiga, taasina waa
calaamadka lagu garto dadka jahligu haysto.
Waxaan leeyahay hadii aynu umad muslimiin ah nahay waa inaynu masaladan inbadan ka
fikirno,oo aynu eegno murankeena inaynu xadeyn karno hadii taasi dhacdo waxaa dhici karaaya
inaynu guulaysan karno oo aynu jiritaan yeelan karno. Qabaa’ilka soomaliyeed waxay u baahan
yihiin inay muran kooda iyo khilaafkooda xalin karaan, siyaasiyiinta soomaliyeed waxay u
baahan yihiin inay muran kooda xalin karaan oo sidii umad caqli & garaadleh u fikiraan. Hadii
taas lawaayo waxa ka dambeeyaa waxa weeye uun inaynu duno, waa sababta aynu wax uwada
yeelan kariwaynay maanta waxaynu wada ogsoonahay wadan kasta oo dunida kamida inay
soomalidu filiqsantahay. Waxaa aad u fudud inaynu isku wada nimaadno oo Urur kaliya dhisano,
hadii maalin uun mid khayr qabaa inaga soo dhex baxo oo isku keen soo ururiyo way dhib
yartahay, laakiin cabsi waxaan ka qabaa wax kasta oo aynu dhisno in uu bill kaliya dumaayo,
waayo waxa aynaan garanahayn marka lays qabto sidii lookala bixi lahaa.Xaalkeenu waxa
weeye uun inaynu is dilno, is ashkateeyno, kala guurno ama ninba dhan u dudo qaarna
yidhaahdaan inamariya oo mid kale halkaas ka dhisanee.Mar hadii xalka kaliya ee aynu
garanaynaa saddex daas uun yahay waxba mawada lahaan karno.
Ilaahay baa wuxuu ina leeyahay dadka wax isku darsadaa ama wax isku darsadaa inta badan way
isku xadgudubtaa,waayo bini aadamka ayaa iska damaac badan, lamana waayo qaab ay iskugu
xadgudbaan, kuwa kaliya ee laga soo reebay waa kuwa iimaanka & camalka suuban lagahelay.
Hadii aynu soomali nahay waynu ognahay muran & is qabqabsi dhibaatadiisa qof looga
waramayaana ma jiro. Caalamka muslim ka ah ayaynu ognahay oo waxa haysta aragnaa &
dunida sida looga gumaysto ee ay diciifka ugu yihiin iyaga oo aan laga tira badnayn, laga xoolo
badnayn oo aan laga cilmi badnayn. Waa sheeko dadka qaar iskugu sheekaystaan dhaqaalo iyo
teknoolajiyadbaa lagu haystaa, maalin kaliya lagu samayn karaa hadii larabo laakin waxa is
waydiinleh yaa ka run sheegaya oo raba in la sameeyo. Wadan yar oo kasta maanta waa lasii
burburinyaa, jaamacadul carabaa jiraysa, soomaliba jiraysa waxaasi waa sheeko gaaladu
marabaan cid isku timaada xataa indhayarta & kuwaa aan diimo badan lahayn marabaan inay
isku yimaadaan oo wuu ilaalinayaa. Waayo iyaga dani ugu majirto. Lakiin iyagu way iskusoo
dhawaanayaan waxaanay ku tala jiraan inay isku yimaadaan iyaga oo kala diimo ah, kala afaf ah
waa taas wali waa laysku sii wadaa uun, waa loo sabray oo iyagu hadii ay khilaafaad kooda
maanta ku heshiin waayaan waxay ku tala galeen inay sabraan labaatan sano iyo kontan sano.
Inteebay socotay waxa EU u taqaanan! Shan dawladood baa bilaabay, maantana waad ogtihiin
inay sodon dhadhow marayso sidii kolba mid loogu yeedhaayay. Imikana waxayba ku tala jiraan
reer yurub inay dawlad kaliya noqdaan, maalin waxay yidhaahdaan xuduuda aynu isku furo,
maalina lacag kaliya aynu wada yeelano, hadhowna waxay ku socotaa inay yidhaahdaan
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 7
siyaasada aynu ka midowno kadibna aynu dalwad kaliya noqono. Talaabo kasta oo ay qaadaan
waxa kaliya ee ay ka fiirsanayaan waxa weeye inaanay qaatin talaabo dunta ee ay hore uun usii
socdaan.
Inaganu waxaa laga yaabaa inaynu maalin intaynu xiisoono madaxa ka bilowno, shirkan caawa
aynu israacno nidhaano deedna barito ayuunbay hal mushkilada oo yari inaga hor imanaysa oo
aynaan xalin karayn. Inaynu kulano maaha mushkilad ama wax inagu adag lakiin inaynu hal
mushkilada xalino ayaynaan awoodeeda lahayn, taasina waa mid u baahan samir & tarbiyad, waa
arin u baahan samir iyo akhlaaqad, waa mid u baahan caqli iyo fikir fayoow. Inaga wuxuu
ilaahay ina siiyay wax aanay gaaladu haysan oo marka maskaxda bini aadamku is khilaafto loo
noqdo oo wax walba oo aad garan waydo aad ka helayso taasina waa waxyiga ilaahay samada ka
soo dajiyay kaas oo ayna jirin cid isku khilaafaysaa. Ilaahay baa wuxuu inoo sheegay inaynaan
inagu wax badan garanayn laakiin isagu wax walba garanaayo (walaayaclamu antu laa
taclamuun). Ilaahay baa wuxuu inoo sheegay waxa maanka bini aadamku garan waayo inuu
isagu inakala saaraayo. Allaah baa SWT waxa uu ina leeyahay markaad murantaan ee wax aad
garan waydaan Allaah & Rasuulkiisa (SCW) u celiya hadii aad Allaah & Maalinta aakhiro
Rumaysantihiin. Kitaabka & sunuhu ama waxyigu wuxuu u yimid inay inaga mideeyaan arimaha
maanku inaga midayn kariwaayo. Matalan sayniska ama dawada dhakhtarku fikir bini aadam ku
keenay ilaahay wuu ogyahay inaynaan isku khilaafahayn ee aynu markaba islafahmayno laakiin
waxa kale ayuu allaah waxyi inoogu soo dajiyay si aynu ugu kala baxno marka aynu is qabsano.
Laynama odhanin beenta iyo khurufaadka ay gaalo qorqortay ee maskax bili aadam ah ku kala
baxa, gaaladu markay wax isku qabtaan farta taag ayay yidhaahdaan deedna kii 51% hela ayay
tiisu socotaa qalad iyo qumaati noocay doonta ha noqotee. Laakiin taas inaga ilaahay inama
odhanin ku dhaqma.
Dadka islaamka ahi waxay ku kalabaxaan labo shay Kitaabka & Wixii shuruuda ee ay dhigteen,
hadii dadka muslimiinta ahi shuruudo & heshiis dhigteen diinta waafaqsan waa inay u
hogaasamaan oo raacaan shuruudahaas lakiin taas lafteedu dhaqan iyo in dadka labaro ayay u
baahan atahay si ay ugu hogaansamaan.Waxay u baahan tahay in dadka labaro wada
noolaanshaha waxa layidhaahdo & in dadka wax lawadaagto oo aan lakala maarmin karin, reer
magaalnimada la sheegaa waxa weeyaan uun in qofka labaro wada noolaanshiyo, Ninka reer
baadiyihii mataqaan wuxuu sameeyo markay dadka is qabtaan? Gabadha ayuun buu yidhaahdaa
naa awrka ii soo qabo deedna wuu ka guuraa uun ileen dhul banaan buu haystaaye, inaga teenu
waa tii awrka ii soo qabo oo waa inaad guurtaa marka aad dadka is qabataan. Laakiin reer
magaalka daartu daarta ka ag fuqmimaysee maxaad samayn! Waa laasim inaad hesho qaab aad
qofkan ula dhaqmi karto oo aad mushkiladiina u xalinkarto waa inaad ku korto ama lagu baro
akhlaaqda bulshada waa wax u baahan inaad tijaabiso (practical) runtii wax sahlan maaha
markay ku qabsato hadii aanad hore u soo tijaabin kuna soo dhaqmin. Gaalada caruurtooda waxa
labaraa xiisad la yidhaahdo wada tashiga ardayda ayaa inta lasoo fadhiisiyo mid layidhaahdaa
talo soo jeedi matalan ardayga habsaama maxaynu ku xukunaa deedna inta kalana talada
rogrogtaa deedna hadhow mid laysku raacaa. Runtii waa hab fiican oo ilmaha loo toobo baraayo
sidii uu maamulka wax uga fahmi lahaa, hadhowna bulshada wax ulaqaybsan lahaa. Inaga waxaa
dhici karta inaanu qofku kuba dhagaysan oo aad waydo fursad aad qofkan wax ugu sheegtaba.
Waxaan leeyahay waxaynu u baahanahay dadkan in wax labaro
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 8
Waxaynu u baahanahay in la helo akhlaaqul islaamiya oo ah in qofku aanu dadka iska waynayn
xaataa hadaad jaamacado kasoo baxday oo aad sidato shahaado badan ama aad wax akhris fiican
tahay ee waa inaad ugaata inaad qof bashar ah oo bini aadam ah aad tahay.oo aad gafi karto
khaladaadna kaa imin karo.
Waxaynu ubaahanahay inaynu barano in aynaan is xaasidin ee khayrka & samaha isku
gargaarno.Waxynu u baahanay inaynu barano in dadka muslimiinta ahi walaalo yihiin oo diinta
aynu ka run sheegno, laabtaaduna xaadh naato oo aad walaalkaga islaamka ah aad u calool
fayoobaato.waxaynu u baahanay dhaqan islaamiya oo fiican. Waxaa muhiim ah inaynu barano
sida mushkilada loo xalin karo (Problem Solution), markaynu heshiis galaynona waa inay wax
walba cadaan waadax noqdaan si hadhow hadii layska horyimaado loo kalo baxo. Waxaan ku
soo koobaya ilaahay xaqa ha inawaafajiyo.
Xalinta Dhibaatada
Xalinta dhibaatadu waa qaab kamid ah qabaabka loo fikiro. Iyadoo laysku
taxalujinaayo in caqliga laga shaqaysiiyo, habka xalinta dhibaatada waxaa
lagu qayaxay inuu yahay nidaam aad u heer saraya oo ku xidhan garashada
iyo fahanka qofku leeyahay, nidaamkaas oo u baahan awood & xirfad uu
qofku leeyahay, sida helida dhibta & qaab u yeelida dhibtaada.
Nidaamka xalinta mushkiladaha ee bini aadamku leeyahay waa wax dabeeci
ah oo laga bartay dadka cilmi nafsiga ku takhasusay boqolaal sonadood ka
hor. Waxana jira habab dhowra oo loo barto xalinta dhibaatada, kuwaas oo
ay ka mid yihiin, is-qiimayn naf-ahaaneed (introspection), dabeecadsami
(behaviorism), iska dhigid (simulation), qaabka kumbuyuutarka (Computer
Modeling) & tijaabo samayn (Experiment).
Marka laga soo bilabo tijaabooyin lasameeyay 1935 oo uu qaaday Nin jarmal
ahaa oo la odhan jiray Duncker ilaa xilaagaas dalalka reer galbeedku aad
bay iskugu taxalujiyaan xalinta dhibaatooyinka maalin walbana waxay
sameeyaan baadhitaano badan oo kala duwan waxaana jira dugsiyo &
jaamacado badan oo u furan barashada xalinta mushkiladaha ka dhaca
dadka dhex diisa marka laga reebo kuwa aanu bini aadamku waxaba ka
qaban karin ee ilaahay mooye cid awoodeeda lehi aanay jirin.
Abuurida Xalinta Dhibaatada
Abuurida xalinta dhibaatadu waa nadaam bir oo kale ah, oo lagu abuuro
xalka dhibaatada jirta, waa qaab gaara oo mushkiladaha lagu xaliyo kaas oo
aad baranayso lana qabsanayso inaad xaliso dhib kasta oo aad xalin karto.
Hadii aad qaabkan barato waa nidaam aanad u baahanayn inaad mar walba
cid ku caawisa raadiso laakiin aad qabatiimayso sidii aad dhibaatada u xalin
lahayd. Abuurida xalinta mushkiladuhu waxay had iyo jeer u baahan tahay
Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 9
aqoon iyo fikir. Waxa ay u baahantahay inaad dhib kasta oo ku soo marta
aad wax ka baratid si aad hadhowto hadii ay soo noqoto aad uga
foojignaato, hawl kasta oo aanad aqoon u lahaynin hadii ay kula kulanto oo
ay tahay khasab inaad fulisa waa dhib. Marka aad rabto inaad dhibaato xal u
hesho waa inaad su’aalahan iswaydiisa:
1. Waa maxay dhibaatadu?
2. Maxay dhibaatadu saamaynaysa?
3. Maxaa dhibaatada keenay?
4. Maxaa xal ah?
Waa maxay dhibtu? Su’aashani waxay ku siinaysa dhibaatadu waxay tahay
inaad sifiican u fahanto.
Maxay dhibaatadu saamaynaysaa? Tani waxay ku tusinaysaa mushkilada
dhibaatadu khasaaraha ay keenayso & cida ay wax yeelayso.
Maxaa xal ah? Su’aashani waxay kuu sahah laysaa xalka dhibaatada inaad
hesho xataa hadii anad markaas gacanta ku hayn waxay ku tusaysaa sidii
loo helilahaa

Contenu connexe

Tendances

Conflict management techniques
Conflict management techniquesConflict management techniques
Conflict management techniquesCholo Castro
 
Conflict management
Conflict  managementConflict  management
Conflict managementNCDB
 
Conflict Management
Conflict ManagementConflict Management
Conflict Managementmanalobrolon
 
conflict management (Aliv)(abujauad@gmail.com)
 conflict management (Aliv)(abujauad@gmail.com) conflict management (Aliv)(abujauad@gmail.com)
conflict management (Aliv)(abujauad@gmail.com)Md Abu Jauad Khan Aliv
 
Conflicts in the organization
Conflicts in the organizationConflicts in the organization
Conflicts in the organizationfarhanarnab01
 
Negotiation Skills
Negotiation Skills  Negotiation Skills
Negotiation Skills Aman Kapoor
 
Mediation.ppt
Mediation.pptMediation.ppt
Mediation.pptHazard21
 
Causes and stages of conflict
Causes and stages of conflictCauses and stages of conflict
Causes and stages of conflictIjaz Ahmed
 
Conflict resolution
Conflict resolutionConflict resolution
Conflict resolutionshweta_1712
 
Negotiation skills cross cutting issues in negotiations
Negotiation skills cross cutting issues in negotiationsNegotiation skills cross cutting issues in negotiations
Negotiation skills cross cutting issues in negotiationsSamuel Nymgbo
 
Negotiation,Definition,Types, Preparation Of Negotiation,Duties Of Negotiator
Negotiation,Definition,Types, Preparation Of Negotiation,Duties Of NegotiatorNegotiation,Definition,Types, Preparation Of Negotiation,Duties Of Negotiator
Negotiation,Definition,Types, Preparation Of Negotiation,Duties Of NegotiatorSEBIN CHACKO
 
Negotiation Skill
Negotiation SkillNegotiation Skill
Negotiation SkillNaresh Sen
 
Conflict Management
Conflict ManagementConflict Management
Conflict ManagementHassan Ayub
 

Tendances (20)

Conflict management
Conflict managementConflict management
Conflict management
 
Negotiation Tactics
Negotiation TacticsNegotiation Tactics
Negotiation Tactics
 
Conflict management techniques
Conflict management techniquesConflict management techniques
Conflict management techniques
 
Conflict management
Conflict managementConflict management
Conflict management
 
Conflict management
Conflict  managementConflict  management
Conflict management
 
Conflict Management
Conflict ManagementConflict Management
Conflict Management
 
Conflict Management
Conflict ManagementConflict Management
Conflict Management
 
conflict management (Aliv)(abujauad@gmail.com)
 conflict management (Aliv)(abujauad@gmail.com) conflict management (Aliv)(abujauad@gmail.com)
conflict management (Aliv)(abujauad@gmail.com)
 
The Art of Negotiating
The Art of NegotiatingThe Art of Negotiating
The Art of Negotiating
 
Conflicts in the organization
Conflicts in the organizationConflicts in the organization
Conflicts in the organization
 
Negotiation Skills
Negotiation Skills  Negotiation Skills
Negotiation Skills
 
Meetings
MeetingsMeetings
Meetings
 
Mediation.ppt
Mediation.pptMediation.ppt
Mediation.ppt
 
Causes and stages of conflict
Causes and stages of conflictCauses and stages of conflict
Causes and stages of conflict
 
Conflict resolution
Conflict resolutionConflict resolution
Conflict resolution
 
Negotiation skills cross cutting issues in negotiations
Negotiation skills cross cutting issues in negotiationsNegotiation skills cross cutting issues in negotiations
Negotiation skills cross cutting issues in negotiations
 
Negotiation,Definition,Types, Preparation Of Negotiation,Duties Of Negotiator
Negotiation,Definition,Types, Preparation Of Negotiation,Duties Of NegotiatorNegotiation,Definition,Types, Preparation Of Negotiation,Duties Of Negotiator
Negotiation,Definition,Types, Preparation Of Negotiation,Duties Of Negotiator
 
Negotiation Skill
Negotiation SkillNegotiation Skill
Negotiation Skill
 
CONFLICT MANAGEMENT
CONFLICT MANAGEMENTCONFLICT MANAGEMENT
CONFLICT MANAGEMENT
 
Conflict Management
Conflict ManagementConflict Management
Conflict Management
 

Xalinta khilaafaadka by ahmed abdullahi

  • 1. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 1 Khilaafku Waa maxay? Khilaafku waa isfahan la’aan iyo ismaandhaaf dhex mara laba qof, laba koxood, urur, hayadood ama dawladood, waxanu khilaafku (Conflict) yimaada marka shakhsi ama koox ay dareemaan in danahoodii cidkale siqaldan usoo faro galisay ama ay rabaan inyay sikhaldan u maamulaan danahu waxa ay noqankaraan waxyaabo badan sida aduun, figrad, mabaadi ay rumaysanyiin inay saxtahay, cabsi ayqabaan oo ay u arkaan inay dhib soo socota tahay ama cidkale soo weerareyso. Hadaba ma wax jira oo dhaba laysku khilaafikara mise wax aan waxba kajirin? Mararka qaarkood waxa laysku khilaafi karaa waxjira oo dhaba lakiin intabadan waa wax aan waxba ka jirin, taasoo ay sababtay is fahmiwaa ay isgaadhsiintu xumaato, qolo kastaana tuhun uun ay ku socdaan hadalkana ay si qaloocan ufahamaan deedna daacad daro dhan walba gasho & aamindaro. Maxaa sababa in khilaaf yimaado? Khilaafka waxa sababa arimo badan markay yimaadaan oo kuwan soo socdaa ku jiraan:  Isgaadhsiinta oo liidata (poor communication)  Xukun raadis (seeking power)  Maammul jilicsan oo aan lagu qanac sanayn  Hogaamiye tabar daran oo daciifa (Weak Leader)  Daacad daro  Hogaamiyaha oo labadalo iyadoon raali laga wada ahayn Calaamadaha khilaafka lagu garto o Farro ku hadal & senyaalayn (Body language) o Heshiis la’aan ka dhalata ma’baadida meesha taala o War naxdin leh oo laqariyo ama dibada losoosaaro o Baaq adag oo kasoo baxa bulshada oo layska dhago tiro o Arin aan laysku raacin lagana heshiin oo saxaafadaha laga siidaayo o Khilaafka oo lagu baahinayo bulshada dhexdeeda & kutidhi ku teenta o Xukun doonis aan sharciga waafaqsanayn o Ixtiraam la’aan o Ujeedada oo aan lamuujin, daahana lagaga qaadin o Wada xaajood aan larabin oo latartamaayo.
  • 2. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 2 Hadaba marbuu khilaafku bulshada jabiyaa dhaawac wayn iyo cawaaqib xumana kaga tagaa arlada iyadoo laga yaabo inuu wax yar oo sahlan ka bilowday markii hore, waana markuu yeesho calaamdahan: o Waa marka dadka masuuliyiinta ah iyo wax garadku iska dhaga tiraan muhiimna loo arkiwaayo ee danaha kale laga raacdo o Awood daro, niyad jab iyo quus timaado loona arko inaan laxalinkarin o Labada dhinac ee is haya oo dadka qaybiba dhan taageerto, wada shaqayntana layareeeyo, tushuushka & kala kaxayntana labadiyo o Khilaafka oo noqday in gacanta layskula tago. Maaraynta Khilaafka Khilaafka waxa lagu qayaxay inuu yahay laba dhinac oo mid waliba halgan & iska caabin xoog badan wato, iskuna dayaayo inuu dhinac walba ka guulaysto kakale, ama xoogag iska soo horjeeda oo dagaal qarsoon & loolan dhex socdo, Khilaafku waa dagaal qadhaadh balse dadku inta badan indho toosa ku arkin. Khilaafka waxaad moodaa inuu yahay wax waligiiba nolasheena ka mid ah, oo goob kasta oo dadku iskugu yimaado ama ay ku kulmaan laba ruux ama in ka badan waxaad arkaysaa khilaaf taagan. Dadka qaar baad ka maqlaysaa oo leh khilaafku mararka qaarkood wuu u fiican yahay dadka, taas waxaan u fahamay inay u jeedaan marka waxa xun oo bulshada aan u fiicnay la khilaafaayo wuu fiican yahay. Runii khilaafku waa shucuur khatar ah oo baabiisa umada hadii la xalin waayo. Meesha uu jiro is maan dhaaf aan ahayn shucuur khatara ama qiiro halisa laakiin hadalka uun laysla fahmi waayay kaasi maaha khilaafka khatarta ah. Waxyaabaha khilaafku ka Bilowdo Khilaafku wuxu ka kacaa waxyaabo badan kuwaas oo ka turjumaaya inaynu kala duwanahay oo aanay dadka bini aadam ka ahi aanay isku figrad ahayn, sina wax u wada araka ahaynin, ee qof walba uu si gaara wax ula muuqdaan kalana figrad duwan yihiin. Dadku wuu ku kala duwan yahay xaga Shakhsiyada, Figradaha, Ma’aadida, Akhlaaqda, Dabeecada, Dhaqanka,Diinta, Sinjiyada intaas oo dhanba. Khilaafka & iska hor imashadu waxay ka dhashaan mararka
  • 3. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 3 qaarkood waxyaabo yaryar oo fudud sida hadalka oo laysla fahmi waayo deedna ismaandhaaf yimaado oo qofba hadalka si u qaato. Maareeynta Khilaafka Hadii aynu isticmaalno figrada ku salaysan habka wada shaqaynta (Colloborative Concepts) waxaa hubaal ah inaynu sare u qaadi karo guulna ka gaadhi karo xalinta khilaafaadka dhex deena ka dhaca & iska hor-imashada. Figradani waxay dhalinaysa inaynu dhinac kaliya u wada jeedsano indha kaliyana ku eegno dhibka dhex deena yaala, oo qof walba figradiisa ladhageysto deedna talada la rogrogo, iyada oo cid tartamaysaa jirin. Deedna aynu gaadhno heshiis dhan walba raali ka yahay (Win-Win Situestion). Hababka loo xaliyo khilaafka iyo isaseegida koow waxaa u asal ah in qofku fahan san yahay hadii khilaafka la xalin waayo oo uu sii socdo waxa ka danbeeya waxa uu yahay, waxa ka danbeeya waxa weeye labada dhinac ee is hayaa laba qof, laba kooxood, laba qabiil, laba urur ama dowladood kuu doono ha ahaadee in mid waliba dhinac isku xayd xaydo oo goolaaftamo deedna lays dilo oo dagaal dhaco halkaasna dhimasho iyo khasaare yimaado. Xataa hadii adigu aanad labada dhinac ee dagaalamaya aanad ka mid ahayn laakiin aad la deegaan tahay khasaaraha & eedu way ku soo gaadhayaan saamayn weyna waad ku yeelanaysaa. Sidaas daraadeed cid kasta oo aragta khilaaf agteeda ka dhacaya waxa lagudboon inay xaliso. Marka hore waxaad ogaata khilaafku wuxuu jiraa inta xaqiiqadu maqantahay laakin marka xaqiiqada lahelo khilaafku wuu dhamaada. Sidaas daraadeed waxaa haboon dadka Soomalida ah ee raba inay khilaafaadka xaliyaan inay marka hore xaqiiqada raadiyaan deedna xaqiiqada soo bandhigaan, waynu iswada naqaana khilaafka inaga dhex taagan waynu ogsoonahay waxa uu yahay laakiin waxaynaan qiimo u yeelin dhibta ka imaynsa hadii aynu xalin wayno. Dadka is haystaana kuma xisaabtamaan khasaaraha ka soo gaadhaaya inay khilaafka ku sii jiraan iyo wakhtiga kaga lumaaya, mar walba waxaa muhiim ah oo haboon in khilaafka la xaliyo. Dadku hadii ay khilaafkooda iyo muranka dhex mara xalin kariwaayaan waxaa lagu tlmaama inay yihiin umad dumaysa oo jahli haysto. Hadii aynu nahay Soomalida runtii waxa aad inoola gudboon inaynu wax badan isku taxalujino barashada xalinta khilaafka waayo wax kasta oo aynu dhisno maalin kaliya ayaa laga yaaba inuu ku dumo marka ay mushkilad yar ama khilaaf ina dhex maro ayuunbaynu xalin kari waayeena taasina waa ayaan darro. Xirfada xalinta khilaafku wax kale maaha ee waa inaad ogaatid uun inaynu kala duwanay kala figrado nahay,qofba si u fikiraayo, hadii adiga si kula qurux badan tahay Aniga way ila fool xuntahay, kuwa kalena waxbaba lama aha. Markaas dadku markay rabaan inay wax xaliyaan waa inay iswaydiiyaan muxuu waxani ku yimid, waa maxy dhibta uu keeni karo, hore miyay idiin soo martay. Intaas markaad qiimo ku samayso ayaad xal heli kartaa. Shayga dhagaysiga layidhaadaana waa shay aad u qaali ah, dadka qof waliba qofka uu ka dhagaysi wanaagsan yahay ayuu ka fahama fican yahay xogtana ka heli ogyahay
  • 4. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 4 Khilaafka, Asbaabaha keena & Sida loo Xalinkaro. Khilaafku waa mushkilad Muslimiinta ka haysta Nolasha Dhamaanteedba. In dadku kala nooc noqdaa oo kala rayi noqdaa, oo uu kala midabo noqdaa, oo uu kala wajiyo ahaada, oo cuquushoodu kala midabo ahaataa, siday wax u fahmayaan kala jaad noqotaa. Waa wax kamid ah ilaahay aayadkiisa marka hore. Sida wajigeenu u kala duwan yahay ay maskax deenuna u kala gadisan tahay. In qof qudha dadku wada noqdaa waa qayrul macquul, ilaahay baana SWT ugu tala galay inay sidaas u kala gadisnaadaan, waliba hakala gadisnaate isku garaad maaha, isku in wax kama wada aragto, ilaahay bana qur’aankiisa ku leh (Wa Khuliqal iinsaanu Daciifaa) ducfi ayaa dadka oo dhan iskaga wada jira. Ilaahay baa SWT balan qaaday haduu doonayo dadkan, nolashan & waxan oo dhan mid qudha inuu ka dhigo laakiin uu u doortay sidatan inay ahaadaan, ilaahay baa SWT wuxuu leeyahay haduu doonayo umada oo dhan nooc kaliya ayuu kadhigi lahaa, ilaahay baa SWT yidhi kama suulayaan inay kuwo iskhilaafsan ahaadaan ka uu Allaah u naxariistay mooyaane. Markaas waa wax caadiya in dadku waxyaabah qaar ku kala gadisan yahay, bal adiga ayaan aragtida aad shalay rumaysnayd inanad maanta rumaysnaan ay dhacdaa, markay aragtidaadu korodho talooyinka & macluumaadka siday shalay kuula muuqdeen si kaduwan inay maanta kuula muuqdaan ayaa dhacda. khilaafku waa labo nooc ama waxyaabaha dunida yaal iyo bili aadamku laba qaab ayuu u fikiraa. Dadku inta badan wuxuu is khilaaf sanyahay inta aan xaqiiqada lahaynin ee duhun io shakigu jiro, hadii xaqiiqada lahelo khilaafka io tuhunku wuu dhamaadaa. Matalan sayniska waxyaabahan iyagu inoogu bixiyeen Culimadu waxay yidhaahdeen khilaafku waa 3 nooc: in Gaalada lakhilaafaa waa xaq, ama in rayiga lays waydaarsado oo larogrogo si wax bisil meel loo dhigo waa wax banaan khilaafka mid kamidii waa mid xun (majnuun) waa wixii hawada naftu yeedhiso ikhlaas la’aan baa keentay, kaasi shareecada oo dhan wuu khilaafsanyahay, waa dan qofku rabo inuu dadka u khilaafo si uu gaadho daraadeed 1. khilaafka mid kamidiina waa mid iska banaan, Waa marka Daliil xaga diinta ah laysku khilaafsan yahay ee la rabo in lasaxo. Waxaa iswaydiinleh maxaa keena in layskhilaafo? Waxaa keena waxyaabahan soo socda: 2. Shay aan aqoon loolahayn
  • 5. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 5 3. Sharciga oo laga tago 4. Diinta oo laysku qabto 5. dadka oo inbadan Jahli ku suganyahay, Allaah SWT ayaa Isaga oo Ehlukitaabka inooga waramaaya ina leh : Wixii lafary qayb kamidabay ka tageen jahlibaa ku dhacay dabadeedna ilaahay baa wuxuu leeyahay waxaanu ku imtixaanay cadaawo, is khilaafk & uurxumo baa lagu imtixaamay. Qofku haduu masalo jaahil ka yahay indhahuunbuu ka ridaa inta badan xukunka ka yimaadaa kaf buu iskaga dhacaa, Umad kala tafaraaruqsan hadaad aragto jahlibaa haysta. Waa iyadoo dadka qaar dana gaara iska wataan Qofka oo ciduun figradeeda intuu iska qaato u arka inay 100% sax tahay, wixii kalena qalad, ama dhaqan hore oo lahaystay ama idiin caado ha ahaato ama nin caalim ah oo kula wayn ha ahaado. waa adiga oo yidhaah ma gafo oo marwalba isla saxsan,ilaahay baa wuxuu ku sifaynayaa arinta noocaas ah inay tahay sifada lagu yaqaan dadka ehlukitaabka ah ee anay ahayn calaamadaha dadka muuminiinta ah. Waxaa fiican inaynu inbadan ka fikiro sidee wax loo xalinkaraya Labo dariiqo oo wax lagu xaliyaa jira inta badan 1. Midi waa dariiqada reer galbeedka 2. Midna waa dariiqada muslimka Waa inaad ogaataa waxa khilaaka kadambeeya. Waa inaad fahantaa tafaraaruqa & kala daadsanaanta,khilaafka markay timaado waxa ka dambeeya wuxuu yahay. Waa inaad fahantaa khilaaf haduu yimaado oo aan la xalin inaany cid wada joogaysaa iyo wax inaga dhexeeynayaa aanu jiri doonin, markaad taas fahanto ayaad inaad xaliso ka door bidi doontaa. waxaad maqasheen in la yidhaah maxay ahayd siyaasadii ingiriisku deedna qaar yidhaahdaan qaybi oo xukun, maaha wax uu ingiriis lahaa ee waa farsamadii Fircoon uu dadka ku gumaysan jiray qaybi oo xukun. Waa mabda’a uu fircoon ka taagnaa maamulka io siyaasada. Maxaa keena in qof kali ahi dadka ku qooqo oo uu gumaysto? Waxa weeye wuu qayb qaybiyay waxaanu ka dhigay kooxo, bulshadu markay kuu qayb-qaybsanto waad gumaysan kartaa waayo adigaa badi xoogeedu ku racsnyahay badhna kaa soo horjeeda deedna iyaduunbaad isku
  • 6. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 6 tumaysaa. Xataa isticmaarkii umay suuroobaynin ilaa uu dadka qayb qaybiyo moyaane, umada midhka ahi ama dhan kaliya ka soo wada jeeda maaha umad lagumaysan karo. Ilaahay baana inoo sheegay hadii dadku qaybsamo inaanu awood lahayn oo anay waxba iska celin karahayn waana taas ta Fircoon fahamay ee reer galbeedkuna qaateen. Culimada aduunku waxay yidhaahdaan hadii aad aragto dad muran kiisa xadayn kari waaya oo qaab uun u xalin kariwaaya waa umad dhimanaaysa, waa cudurada halista ah ee sheega inay geeridoodi timid. Waxa kale oo ay yidhaahdaan hadii aad aragto umad wax walba ku murmaaysa waa dad jahligii ugu waynaa haysto (Sillince Ignorance). Dadku hadii ay murmaan uun muranka wixii ka dambeeyaa waa dagaal iyo haynu is dilo uun iyo khasaare ku xiga, taasina waa calaamadka lagu garto dadka jahligu haysto. Waxaan leeyahay hadii aynu umad muslimiin ah nahay waa inaynu masaladan inbadan ka fikirno,oo aynu eegno murankeena inaynu xadeyn karno hadii taasi dhacdo waxaa dhici karaaya inaynu guulaysan karno oo aynu jiritaan yeelan karno. Qabaa’ilka soomaliyeed waxay u baahan yihiin inay muran kooda iyo khilaafkooda xalin karaan, siyaasiyiinta soomaliyeed waxay u baahan yihiin inay muran kooda xalin karaan oo sidii umad caqli & garaadleh u fikiraan. Hadii taas lawaayo waxa ka dambeeyaa waxa weeye uun inaynu duno, waa sababta aynu wax uwada yeelan kariwaynay maanta waxaynu wada ogsoonahay wadan kasta oo dunida kamida inay soomalidu filiqsantahay. Waxaa aad u fudud inaynu isku wada nimaadno oo Urur kaliya dhisano, hadii maalin uun mid khayr qabaa inaga soo dhex baxo oo isku keen soo ururiyo way dhib yartahay, laakiin cabsi waxaan ka qabaa wax kasta oo aynu dhisno in uu bill kaliya dumaayo, waayo waxa aynaan garanahayn marka lays qabto sidii lookala bixi lahaa.Xaalkeenu waxa weeye uun inaynu is dilno, is ashkateeyno, kala guurno ama ninba dhan u dudo qaarna yidhaahdaan inamariya oo mid kale halkaas ka dhisanee.Mar hadii xalka kaliya ee aynu garanaynaa saddex daas uun yahay waxba mawada lahaan karno. Ilaahay baa wuxuu ina leeyahay dadka wax isku darsadaa ama wax isku darsadaa inta badan way isku xadgudubtaa,waayo bini aadamka ayaa iska damaac badan, lamana waayo qaab ay iskugu xadgudbaan, kuwa kaliya ee laga soo reebay waa kuwa iimaanka & camalka suuban lagahelay. Hadii aynu soomali nahay waynu ognahay muran & is qabqabsi dhibaatadiisa qof looga waramayaana ma jiro. Caalamka muslim ka ah ayaynu ognahay oo waxa haysta aragnaa & dunida sida looga gumaysto ee ay diciifka ugu yihiin iyaga oo aan laga tira badnayn, laga xoolo badnayn oo aan laga cilmi badnayn. Waa sheeko dadka qaar iskugu sheekaystaan dhaqaalo iyo teknoolajiyadbaa lagu haystaa, maalin kaliya lagu samayn karaa hadii larabo laakin waxa is waydiinleh yaa ka run sheegaya oo raba in la sameeyo. Wadan yar oo kasta maanta waa lasii burburinyaa, jaamacadul carabaa jiraysa, soomaliba jiraysa waxaasi waa sheeko gaaladu marabaan cid isku timaada xataa indhayarta & kuwaa aan diimo badan lahayn marabaan inay isku yimaadaan oo wuu ilaalinayaa. Waayo iyaga dani ugu majirto. Lakiin iyagu way iskusoo dhawaanayaan waxaanay ku tala jiraan inay isku yimaadaan iyaga oo kala diimo ah, kala afaf ah waa taas wali waa laysku sii wadaa uun, waa loo sabray oo iyagu hadii ay khilaafaad kooda maanta ku heshiin waayaan waxay ku tala galeen inay sabraan labaatan sano iyo kontan sano. Inteebay socotay waxa EU u taqaanan! Shan dawladood baa bilaabay, maantana waad ogtihiin inay sodon dhadhow marayso sidii kolba mid loogu yeedhaayay. Imikana waxayba ku tala jiraan reer yurub inay dawlad kaliya noqdaan, maalin waxay yidhaahdaan xuduuda aynu isku furo, maalina lacag kaliya aynu wada yeelano, hadhowna waxay ku socotaa inay yidhaahdaan
  • 7. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 7 siyaasada aynu ka midowno kadibna aynu dalwad kaliya noqono. Talaabo kasta oo ay qaadaan waxa kaliya ee ay ka fiirsanayaan waxa weeye inaanay qaatin talaabo dunta ee ay hore uun usii socdaan. Inaganu waxaa laga yaabaa inaynu maalin intaynu xiisoono madaxa ka bilowno, shirkan caawa aynu israacno nidhaano deedna barito ayuunbay hal mushkilada oo yari inaga hor imanaysa oo aynaan xalin karayn. Inaynu kulano maaha mushkilad ama wax inagu adag lakiin inaynu hal mushkilada xalino ayaynaan awoodeeda lahayn, taasina waa mid u baahan samir & tarbiyad, waa arin u baahan samir iyo akhlaaqad, waa mid u baahan caqli iyo fikir fayoow. Inaga wuxuu ilaahay ina siiyay wax aanay gaaladu haysan oo marka maskaxda bini aadamku is khilaafto loo noqdo oo wax walba oo aad garan waydo aad ka helayso taasina waa waxyiga ilaahay samada ka soo dajiyay kaas oo ayna jirin cid isku khilaafaysaa. Ilaahay baa wuxuu inoo sheegay inaynaan inagu wax badan garanayn laakiin isagu wax walba garanaayo (walaayaclamu antu laa taclamuun). Ilaahay baa wuxuu inoo sheegay waxa maanka bini aadamku garan waayo inuu isagu inakala saaraayo. Allaah baa SWT waxa uu ina leeyahay markaad murantaan ee wax aad garan waydaan Allaah & Rasuulkiisa (SCW) u celiya hadii aad Allaah & Maalinta aakhiro Rumaysantihiin. Kitaabka & sunuhu ama waxyigu wuxuu u yimid inay inaga mideeyaan arimaha maanku inaga midayn kariwaayo. Matalan sayniska ama dawada dhakhtarku fikir bini aadam ku keenay ilaahay wuu ogyahay inaynaan isku khilaafahayn ee aynu markaba islafahmayno laakiin waxa kale ayuu allaah waxyi inoogu soo dajiyay si aynu ugu kala baxno marka aynu is qabsano. Laynama odhanin beenta iyo khurufaadka ay gaalo qorqortay ee maskax bili aadam ah ku kala baxa, gaaladu markay wax isku qabtaan farta taag ayay yidhaahdaan deedna kii 51% hela ayay tiisu socotaa qalad iyo qumaati noocay doonta ha noqotee. Laakiin taas inaga ilaahay inama odhanin ku dhaqma. Dadka islaamka ahi waxay ku kalabaxaan labo shay Kitaabka & Wixii shuruuda ee ay dhigteen, hadii dadka muslimiinta ahi shuruudo & heshiis dhigteen diinta waafaqsan waa inay u hogaasamaan oo raacaan shuruudahaas lakiin taas lafteedu dhaqan iyo in dadka labaro ayay u baahan atahay si ay ugu hogaansamaan.Waxay u baahan tahay in dadka labaro wada noolaanshaha waxa layidhaahdo & in dadka wax lawadaagto oo aan lakala maarmin karin, reer magaalnimada la sheegaa waxa weeyaan uun in qofka labaro wada noolaanshiyo, Ninka reer baadiyihii mataqaan wuxuu sameeyo markay dadka is qabtaan? Gabadha ayuun buu yidhaahdaa naa awrka ii soo qabo deedna wuu ka guuraa uun ileen dhul banaan buu haystaaye, inaga teenu waa tii awrka ii soo qabo oo waa inaad guurtaa marka aad dadka is qabataan. Laakiin reer magaalka daartu daarta ka ag fuqmimaysee maxaad samayn! Waa laasim inaad hesho qaab aad qofkan ula dhaqmi karto oo aad mushkiladiina u xalinkarto waa inaad ku korto ama lagu baro akhlaaqda bulshada waa wax u baahan inaad tijaabiso (practical) runtii wax sahlan maaha markay ku qabsato hadii aanad hore u soo tijaabin kuna soo dhaqmin. Gaalada caruurtooda waxa labaraa xiisad la yidhaahdo wada tashiga ardayda ayaa inta lasoo fadhiisiyo mid layidhaahdaa talo soo jeedi matalan ardayga habsaama maxaynu ku xukunaa deedna inta kalana talada rogrogtaa deedna hadhow mid laysku raacaa. Runtii waa hab fiican oo ilmaha loo toobo baraayo sidii uu maamulka wax uga fahmi lahaa, hadhowna bulshada wax ulaqaybsan lahaa. Inaga waxaa dhici karta inaanu qofku kuba dhagaysan oo aad waydo fursad aad qofkan wax ugu sheegtaba. Waxaan leeyahay waxaynu u baahanahay dadkan in wax labaro
  • 8. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 8 Waxaynu u baahanahay in la helo akhlaaqul islaamiya oo ah in qofku aanu dadka iska waynayn xaataa hadaad jaamacado kasoo baxday oo aad sidato shahaado badan ama aad wax akhris fiican tahay ee waa inaad ugaata inaad qof bashar ah oo bini aadam ah aad tahay.oo aad gafi karto khaladaadna kaa imin karo. Waxaynu ubaahanahay inaynu barano in aynaan is xaasidin ee khayrka & samaha isku gargaarno.Waxynu u baahanay inaynu barano in dadka muslimiinta ahi walaalo yihiin oo diinta aynu ka run sheegno, laabtaaduna xaadh naato oo aad walaalkaga islaamka ah aad u calool fayoobaato.waxaynu u baahanay dhaqan islaamiya oo fiican. Waxaa muhiim ah inaynu barano sida mushkilada loo xalin karo (Problem Solution), markaynu heshiis galaynona waa inay wax walba cadaan waadax noqdaan si hadhow hadii layska horyimaado loo kalo baxo. Waxaan ku soo koobaya ilaahay xaqa ha inawaafajiyo. Xalinta Dhibaatada Xalinta dhibaatadu waa qaab kamid ah qabaabka loo fikiro. Iyadoo laysku taxalujinaayo in caqliga laga shaqaysiiyo, habka xalinta dhibaatada waxaa lagu qayaxay inuu yahay nidaam aad u heer saraya oo ku xidhan garashada iyo fahanka qofku leeyahay, nidaamkaas oo u baahan awood & xirfad uu qofku leeyahay, sida helida dhibta & qaab u yeelida dhibtaada. Nidaamka xalinta mushkiladaha ee bini aadamku leeyahay waa wax dabeeci ah oo laga bartay dadka cilmi nafsiga ku takhasusay boqolaal sonadood ka hor. Waxana jira habab dhowra oo loo barto xalinta dhibaatada, kuwaas oo ay ka mid yihiin, is-qiimayn naf-ahaaneed (introspection), dabeecadsami (behaviorism), iska dhigid (simulation), qaabka kumbuyuutarka (Computer Modeling) & tijaabo samayn (Experiment). Marka laga soo bilabo tijaabooyin lasameeyay 1935 oo uu qaaday Nin jarmal ahaa oo la odhan jiray Duncker ilaa xilaagaas dalalka reer galbeedku aad bay iskugu taxalujiyaan xalinta dhibaatooyinka maalin walbana waxay sameeyaan baadhitaano badan oo kala duwan waxaana jira dugsiyo & jaamacado badan oo u furan barashada xalinta mushkiladaha ka dhaca dadka dhex diisa marka laga reebo kuwa aanu bini aadamku waxaba ka qaban karin ee ilaahay mooye cid awoodeeda lehi aanay jirin. Abuurida Xalinta Dhibaatada Abuurida xalinta dhibaatadu waa nadaam bir oo kale ah, oo lagu abuuro xalka dhibaatada jirta, waa qaab gaara oo mushkiladaha lagu xaliyo kaas oo aad baranayso lana qabsanayso inaad xaliso dhib kasta oo aad xalin karto. Hadii aad qaabkan barato waa nidaam aanad u baahanayn inaad mar walba cid ku caawisa raadiso laakiin aad qabatiimayso sidii aad dhibaatada u xalin lahayd. Abuurida xalinta mushkiladuhu waxay had iyo jeer u baahan tahay
  • 9. Waxaa diyaariyey: Ahmed Abdullahi Mahmud (Kashmir) Tel: 0615 402551 Page 9 aqoon iyo fikir. Waxa ay u baahantahay inaad dhib kasta oo ku soo marta aad wax ka baratid si aad hadhowto hadii ay soo noqoto aad uga foojignaato, hawl kasta oo aanad aqoon u lahaynin hadii ay kula kulanto oo ay tahay khasab inaad fulisa waa dhib. Marka aad rabto inaad dhibaato xal u hesho waa inaad su’aalahan iswaydiisa: 1. Waa maxay dhibaatadu? 2. Maxay dhibaatadu saamaynaysa? 3. Maxaa dhibaatada keenay? 4. Maxaa xal ah? Waa maxay dhibtu? Su’aashani waxay ku siinaysa dhibaatadu waxay tahay inaad sifiican u fahanto. Maxay dhibaatadu saamaynaysaa? Tani waxay ku tusinaysaa mushkilada dhibaatadu khasaaraha ay keenayso & cida ay wax yeelayso. Maxaa xal ah? Su’aashani waxay kuu sahah laysaa xalka dhibaatada inaad hesho xataa hadii anad markaas gacanta ku hayn waxay ku tusaysaa sidii loo helilahaa